Xusuus: Aas’aasihii Soomaalilaan, Maxamed X. Ibraahin Cigaal
Saddexdii bishii May ee 2002-dii dadweynaha reer Soomaalilaan waxa ay u ahayd naxdin iyo murugo. Waa maalintii uu geeryoodey, Alle ha u naxariisto ee madaxweynihii labaad ee Soomaalilaan, mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal. Maantana waxa maalintaa laga joogaa 16 sannadood, hase ahaato ee xusuusta madaxweyne Cigaal qalbiyada dadweynaha reer Soomaalilaan kama baxdo oo mar walba waa loo duceeyaa iyada oo maanka lagu hayo qiimihii uu ummadda u lahaa iyo dhaxalkii wanaagsanaa ee uu bulsho-weynta Soomaalilaan uga tegey.
Waagii, Alle ha u naxariisto, ee madaxweynihii hore ee Soomaalilaan lagu soo doortay shirweynihii Boorama ee 1993-kii, dadweynaha reer Soomaalilaan aad baa ay u farxeen. Waxa ay ku farxeen in la doortay hoggaamiye ruugcaddaa ah oo aqoon badan iyo waayo-aragnimo siyaasadeed oo meel sare gaadhsiisan leh. Waxa ay qabeen in uu hoggaamiyahaa cusubi dhibaatooyin badan oo dalka ka jiray xallin doono, dalkana maamul wanaagsan u samayn doono. Sidaas baa ay noqotay oo, Alle ha u naxariisto, ee mudane madaxweyne Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxa uu xaqii u yimi isaga oo dhisay dawlad qaran oo sharaf leh iyo nidaam siyaasadeed oo intii uu joogey iyo intii ka danbaysayba aad loogu aayey.
Madaxweynihii hore, Alle ha u naxariisto ee mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxa uu yimid Soomaalilaan oo ah meel fawdo ah oo ay meel kastaba dad budhcad ahi dadka ku dhacaan, oo aanay nabadgelyo hagaagsani ka jirin. Waa uu hagaajiyey oo waxa uu ka tegay Soomaalilaan oo ah dal ay nabad buuxdaa ka jirto oo horumar marba marka ka danbeeya soo kordhayaa uu ka socdo oo, yaan la aqoonsanaan ba e’, Geeska Afrikana magac ku leh.
Mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal, sida ay dad badani ka war qabaan, waa mas’uulkii u horreeyey ee dawladda Ingiriiska gacantiisa kaga saxiixa xorriyad ay cid Afsoomaali ku hadashaa qaadato tii u horreysay. Waa xorriyaddii ay Soomaalilaan sannadkii 1960-kii qaadatay. Bishii Feebarwari ee 1960-kii ayaa uu, Alle ha u naxariisto, ee mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal qalinka ku duugay in marka la gaadho 26-ka Juun, 1960-ka ay Soomaalilaan xorriyaddeeda qaadato. Alle ha u naxariisto, ee mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxa heshiiskaa ku weheliyey mas’uuliyiin dhawr ah.
Madaxweynihii hore, Alle ha u naxariisto ee mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxa uu ahaa aqoonyahankii iyo siyaasigii aragtida dheeraa ee dhisay Soomaalilaan -ta casriga ah ee maanta. Geesigu ma aha qofka wax dumiya ee had iyo jeer qalalaasaha u taagan, ee waa qofka wax bedbaadiya ee wax dhisa ee meel aanay waxba ka jirin wax ka soo saara waxna ka dhiga.
Madaxweyne Cigaal inahaa aynu soo sheegnay oo keli ah uun laguma xasuusto oo taariikhdiisu waa bad oo waxqabadyo badan oo taariikhda u galay ayaa loo hayaa. Tusaale ahaan waayadii uu ahaa Raysalwasaaraha Soomaaliyadii hore (1967 — 1969) waxa uu u dooday Shiinaha. Arrintaasi buugga Duca-qabe ee qoraa Xasan Cabdi Madar sidan ayaa ay ugu qoran tahay:
“In kasta oo Jamhuuriyadda Shiinuhu ay ka mid ahayd aasaasayaashii Ururka Qarammada Midoobay, haddana mashkilado dagaal sokeeye iyo qaybsan dhexdooda ah ayaa suura-gelin waayey in Shiinuhu si buuxda oo midaysan uga mid noqdo ururkaa. Taasi waxa ay keentay in Jamhuuriyaddii Dadka ee Shiinuhu (The People’s Republic of China) loo oggolaan waayey in ay qayb ka noqoto Qarammada Midoobay, xubinnimadiina ay sii haysato qaybtii la magac baxday Jamhuuriyadda Shiinaha (Republic of China) ee xarunteedu ahayd Taiwan, dhul aad u yarna ka talinaysay.
“Raysal-wasaarihii Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal hadal uu 7-dii Oktoobar 1969-kii ka jeediyey kulankii Golaha Guud ee Qarammada Midoobay waxa uu u dooday xuquuqda Falastiin iyo in gaar ahaan dalweynaha Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha loo oggolaado in uu Qarammada Midoobay ku biiro. Isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi: ‘Suurta-gal ma aha in dal aynu ka doonno in uu xushmeeyo awoodda Qarammada Midoobay iyadoo dalkaasi aynu iska hor taagnay in uu qayb ka ahaado qaabka aynu go’aannada ku gaadhno. Waxa taas soo raacda in aan la filan in awoodda Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa ay miisaan yeelato haddii laga tago mabda’a ah in adduunyadu ay wax wadaagto oo indhaha laga qarsado. Waxa igu filan in aan idhaahdo in aniga iyo waftigayguba aannu taageeri doonno sidii aannu horeba had iyo jeer u yeeli jirnay wixii go’aan ah ee u suura-gelinaya Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinuhu in kaalinta ay xaqa ugu leeyihiin ay ka galaan Qarammada Midoobay haddii ay ahaan lahayd golahan loo dhan yahay, ka ammaanka iyo hay’adaha kaleba.’ ”
Cigaal waxa uu ahaa nin adkaysi badan oo aan xadhig iyo hanjabaad dan ka gelin.
“Qof la adkaysi ah siyaasadda oo Soomaali ahi ma jirin. Su’aalo lagu weydiiyey gurigiisa ayaa waxa ka mid ahaa, ‘Hindiya markii aad ka timid ee in lagu xidhayo laguu sheegay maxaad u timid?’ ‘Waxa uu ku jawaabay, ‘Maxamed Siyaad in aan siyaasadda dalka kaga danbeeyaan doonayey isna in aan ka baxsaduu rabay, anna taa ma yeelayee nasiibkaygaan ka qaadayaa baan idhi.’ “ ( Duca-qabe, bogga 7-aad).
Madaxweynihii hore, Alle ha u naxariisto ee mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxa uu socdaal caafimaad ku tegay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika, halkaas oo uu ku geeriyoodey taariikhdu markay ahayd Meey 3, 2002. Alle ha u naxariisto ee mudane Maxamed X. Ibraahin Cigaal waxa uu taariikheenna ka galay baal dahab ah oo xasuustiisu qalbiyada dadkeenna marna ka bixi mayso. Ilaahay ha u naxariisto hana ugu deeqo nimcooyinka jannada, innagana ha inaga dhigo ummad midhaha uu uga tegay ee qaaliga ah ilaalisa.
Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com