Maxaad Ka Taqaannaa Haweenayda Heesaheeda Ku Dhiirri Galin Jirtay Dagaal Yahannadii SNM W/T: Cabdiraxmaan Hayaan

Dabayaaqadii 1980yadii, markii uu Somaliland ka bilaabmay halgankii dib u xoraynta dalka ee SNM, Sahra Axmed Maxamuud waxa ay faraha ka qaadday riyadeedii ahayd inay noqoto fannaanad, si ay ugu biirto dhaqdhaqaaqii SNM iyada oo noqotay kalkaaliso iskeed wax isku bartay oo dawaysa dhaawicii SNM.

Sahra oo xarunteeda magaalada Hargeysa ugu warrantay warbaahinta the Telegraph ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa iyada oo dib u xasuusanaysa maalmihii halgankii qadhaadhaa ee SNM waxa ay wariyihii waraysanayay u sheegtay in dadka dhaawaca ahi ay habeenkii aad u xanuunsan jireen, inkasta oo aanay sababta garanayn. Waxaana ay sheegtay in aanay wakhtigaa haysan xanuun baabiiyayaal, ama dawooyinka qallajiyayaasha ah (antibiotics).

Kadibna waxaan ku idhi dadkii ila joogay, ayay tidhi,  aynu u heesno dadka dhaawaca si aynu u illawsiinno xanuunka. Heesuhu maaha oo kaliya in loo adeegsado riwaayadaha, xafladaha iyo ciidaha, balse heestu waxa ay ku illawsiin kartaa xanuunka ku haya, ayay tidhi Sahra Axmed Maxamuud. Waana xilligan, wakhtigii Sahri la baxday magaca Sahra Halgan, kaasoo markii danbe u noqday naanays ay caan ku tahay.

Markii somaliland xornimada ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska sannadkii 1960kii, waxa ay madax bannaani haysatay kaliya 5 maalmood ka hor intii aanay ku biirin Soomaaliya, oo iyada lafteeduna xornimo ka qaadatay Talyaaniga. Sannadkii 1969 waxa dalkii laysku odhan jiray Somalia af-ganbi millatari kula wareegay Maxamed Siyaad Barre. Dabayaaqadii siddeetamaadkiina hoos u dhac dhaqaale oo soo foodsaaray Soomaaliya ayaa sii huriyaya qalalaase gudaha ah, halka taliskii Barrena noqday mid macangag ah oo kaligii talis ah isla markaana duqaymo u gaysanayay isla dadkii uu maamulayay. Waa markan marka uu samaysmay ururkii dhaqdhaqaaqa ee SNM ee qoriga u qaatay si uu u dib ugu soo celiyo xornimadii luntay ee Somaliland.

 

 

Halkan ayaa ay Sahrina ka bilawdy inay taageerto SNM, balse markii dalka la xoreeyay, waxa ay tagtay dhankaa iyo Jabuuti iyada oo uga sii gudubtay Faransiiska.

Waxa ay dalka ku soo noqotay sannadkii 2013 si ay uga qayb qaadato dib udhiska dalkeeda hooyo, iyada oo ka aasaastay xarun lagu soo nooleeyo fanka isla markaana ay dhallinyartu ku caweeyaan oo ay u bixisay Hidde dhowr. Magacan Hidde dhowr ayaa sidoo kale u bixisay ay Alabankeeda cusub ee soo baxay 29 March 2024, laguna soo bandhigay dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska.

Sahri waxa ay xustay taariikhdii Ingiriiska ee Somaliland. Ingiriisku waxa uu Somaliland yimid sannadkii 1884kii, isaga oo somaliland ka samaystay Maxmiyad, waxaana ay xornimo ka qaadatay sanandkii 1960kii. Waxaanu ugu baaqayaa shacabka ingiriiska inay taageeraan qaddiyaddayada, waayo xaq Ayaanu leennahay. Waxa ay is weydiisay sababta ay adduunyadu wali u aqoonsan la’dahay Somaliland.

Cbdrxmngeni@gmail.com