Maxamed kaahin iyo Maxamuud xaashi: ma labo siyaasi oo isku sidkan baa? (WQ: Mustafe Axmed Maxamed Geedi-xaas )

Maxamed kaahin iyo Maxamuud xaashi ma waxay noqdeen labo siyaasi oo isku sidkan.?
Maalmaahan barraha bulshada waxa si wayn uga muuqday hadal haynta labada siyaasi oo si wayn loola kala saftay, dadkaasi waxay u badnayeen dhalinyaro badi kasoo jeeda bariga burco iyo dhalinyaro barraha bulshada caan ka ha. Arrinta ugu wayn ee laga hadlayay waxay ahayd dumaasha iyo hannashada hogaanka xisbiga kulmiye.
-Labo Arrin ayaan donnayaa inaan xuso, mid waa xalaada dhabta ah ee ku saabsan marxalada hogaanka xisbiga iyo hanashadiisa
-midna waa aragtidayda guud ee aan qabo.
Maxamed kaahin mis Maxamuud xaashi.
Dadka taabcsan siyaaasada Maxamed Kaahin Waxay ku doodaan in Maxamed kaahin yahay siyaasi deggen iyo halgamaa wayn oo qarankan usoo hagar-baxay. Waxay kale oo ay ku tilmamaan nin oday ah oo ku dhaqma siyaasad dhexdhexaad ah.
Mr. Kahiin waxay saxiibo dhow yihiin madaxwayne Muuse Biixi oo ay ilaa halgan-kii ilaa iyo maanta ay isku jaal ahayeen dhacdooyin-kii siyaasadeed intooda baddana  isku dhawaa. Waa saxiibo xiliyadii dagaalka siyaasadu gaadhay halkii ugu adkayd isku kaliyaystay.
Maxamed Kaahin kalsoonida ugu wayn ee uu haystaa waa saaxiibkii madaxwayne biixi. Inkastoo aanay siyaasadu saxiib joogta ah lahayn.
Dhinaca beesha waxaa la dhahaa kuma laha kalsooni badan.
Maxamed kaahin waxaa lagu timaamaa nin dad la dhaqan leh oo aan lahayn ceebo siyaasadeed, waxaa kale la sheegaa inuu yahay nin waayo-aragnimo wayn leh.
Maxamuud Xaashi waa wasiirkii hore ee madaxtooyada. Waxa  lagu tilmaamaa siyaasi deggan oo aqbala aragtida kasoo horjeeda. Waxa lagu tilmamaa nin aad u yaqaan dagaalka siyaasada, dadka qaar kasoo horjeeda waxay qiraan inuu yahay nin khatar ku ah dooddaha, waana nin dhaqan yaqaan ah iyo hadal yaqaan.
wuxuu kalsooni baddan ka haystay Madaxwayne Siinayo. waxa kale oo la sheegaa inuu kalsooni wayn ka haysto madaxdhaqmeedka beesh HJ. Wuxu kaloo kalsooni baddan ka haysta dhalinyaro tirro baddan.
Waxa kale oo la shegaa in ay madaxwayne biixi ay aad ugu kala fog-yihiin siyaasada oo aanay saxiibo dhow ahayn. Waana mida ugu adag ee hortaagan Maxamuud Xaashi.
Markaa maxamuud xaashi kalsooni badan ka ma haysto madaxwayne  biixi.
Aragtidayda shaqsiga ah.
Waxaan aaminsanahay in aan la gaadhin xiligii iyo marxaladii labadan siyaasi lala kala safan lahaa.
Hogaan-ka iyo hanashada xisbiga kulmiye waxa hortaagan hal-xidhalayaal siyaasadeed  ee aan kor kusoo xusay, oo labada siyaasi-ba horyaala.
Salaad walba wakhtigeeda ayaa la tukadaa. waaxan leeyahay tageeradiina la suga wakhtigeeda.
Waxaan aaminsanahay in somaaliland u baahantahay siyaasi bisil oo ka saari karra maraxalada ay maanta ku jirto. Waxa  kale oo aan ka daalanay siyaasi  aan qarranku u dhamayn oo reerkoodu qaranka sanka kaga tollo.
Dhalinyarada waxan leeyahay waxaynu u baahanay  horumar iyo cadaallad aragtideena aynu ka saarno qabyaallada oo aynu wax ku doorano aragtida wanaagsan.
Mahadsanid
W/Q. Mustafe Axmed Maxamed Geedi-xaas
Facebook. Mustafa Ahmed Geedi