Casharka Labaad: Weyneynta Xarfaha
Weyneynta xarfuhu waa qayb ka mid ah aasaaska qoraalka qumman ee loo baahan yahay in la iska toosiyo, waana meelaha ugu daran ee bulshadu ku dhibban tahay, taas oo xarfo la weyneeyana la yaryareeyo, halka kuwo yaryarna la weyneeyo. Dabadeed halkaas uu jahwareer iyo is-maan-dhaaf ka dhasho. Haddaba weyneynta xarfuhu waxa ay timaaddaa oo keliya afar goor. Midda koowaadi waxa ay tahay waa marka qoraal la bilaabayo, mar kasta oo aad qoraal bilaabayso waa lama huraan in aad weyneyso erayga xarafkiisa ugu horreeya. Tusaale ahaan:
- Waxaan ka imid magaalada Ceerigaabo, waxaana aan u socdaa magaalada Laascaanood.
- Aabbahay shalay buu dhintay, se waxaan jeclaan lahaa in uu muddo ila sii noolaado.
- Aniga iyo saaxiibkay Maxamed Cabdi Nuux waxaannu shalay booqannay cisbitaalka guud ee degmadayadu ay leedahay.
- Hooyaday waa Faadumo Ibraahin Xuseen, aabbahayna waa Ibraahin Cawad Faarax.
- Dugsiga aan dhigto waxa uu ku yaallaa Degmada Waaberi, balse waxa aan degganahay Degmada Wardhiigley.
Dhammaan bilawga qoraalka waxa ay ku wada bilaaban yihiin xaraf weyn. Isla sidaas oo kale ayaa la rabaa mar kasta oo aad qoraal bilaabayso in xarafka ugu horreeya uu weynaado.
Marka labaad ee iyadana loo baahan yahay in aad weyneyso xarafka koowaad waa kolka aad joogsi samayso, ayaa aad dabadiisa ku bilaabaysaa xaraf weyn. Tusaale ahaan:
- Waxaan ku noolahay magaalada Hargeysa. Waxaan bartaa kulliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Hargeysa.
- Berritoole waxaa ii qorshaysan in aan booqdo dugsigii sare ee aan dhammeeyey sannad ka hor., waana in aan sii raacaa saaxiibkay Jaamac Axmed Cabdi, Insha Allaah. Armuu se xanuunsadaa tolow?
- Shalay waxa aan booqasho ugu tagey adeerkay Axmed Faarax Samaalle oo ka yimid carriga Ingiriiska. Waxa uuna hadyad ahaan iigu keenay telefoon casri ah oo aad u qiimo badan.
Haddaad eegto labadan tusaale ee kor ku qoran, waxa aad arki kartaa in hadalka kasta kolka aad dhammayso ee joogsiga aad dhigto. Dabadiisa ama laynka cusub aad ku bilaabayso xaraf weyn. Isla sidas oo kale ayaa joogsi kasta dabadiisa aad ugu bilaabaysaa xaraf weyn.
Marka saddexaad waa xilliga aad qorayso magac gaar ah. Waxaana shardiya qoraalka meesha uu doono hakaga jiro magaca gaarka ahi, waa in aad weyneysaa xarafkiisa ugu horreeya mid walba. Tusaale ahaan: Iiddoor, Hawiye, Isaaq, Marreexaan. Daarood, Habar Gidir, Gabooye, Sheekhaal, Samaroon, Habar Jeclo, Habar Yoonis, Laasqoray, Burco, Garoowe, Mudug, Togdheer, Shabeellada Dhexe, Ogaadeen, Berbera, Herer, Jigjiga, Gaashaamo, Darroor, Marka, Afgooye, Baraawe. Dhammaantood waa wada magacyo gaar ah, waana in aad weyneysaa xarafkooda koowaad mar walba oo aad qorayso.
Sida oo kale kolka aad qorayso magac gaar ah, gaar ahaan magac qofeed waa in aad magac kasta xarafkiisa koowaad aad weyneysaa tusaale ahan sidatan:
Maxamed Xaashi Dhamac “Gaarriye”, Darwiish Sayid Maxamed Cabdalla Xasan, Darwiish Suldaan Nuur Axmed Amaan, Cabdillaahi Suldaan Timacadde, Cabdi Gahayr, Saado Cali Warsame, Xasan Aadan Samatar, Axmed Gurey, Darwiish Ismaaciil Mire, Maxamuud Axmed Cali, Cabirashiid Cali Sharma’arke, Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Aadan Cabdulle Cusmaan, Sheekh Maxamed Macallin, Sheekh Cabdiqaaddir Jaylaani, Sheekh Aw Barkhadle, Janaraal Daauud Cabdullaahi Xirsi, Maxamed Siyaad Barre, Sheekh Xasan Barsame, Garaad Wiilwaal, Mataan Ciideed, Raage Ugaas, Weerar Cali-Geelle, Maxamed Aadan Caws “Yawle”, Maxamed Xaaji Ibraahin Warsame “Hadraawi”.
Dhammaan magacyadan mid kasta xaraf kiisa koowaad waa aynnu weyneynay, sidaas oo kale ayaa kuwa kalena looga tusaale qaadanayaa. Dhibaatooyinka innaga haysta dhanka magaca qoritaankiisa waxa ka mid ah: in la isku dhex qaso Af Ingiriisi iyo Af Soomaali oo loo qoro: mohamed Xaashi Dhamac Gaarriye, sayid Maxamed Aabdalla Hassan, Mohamoud axmed Cali, Sado Cali warsame, Abdilaahi Suldaan timacadde iwm. Dhammaan sidan oo dhami waa wada khalad, xarfihii loogu talo galey in la weyneeyana lama tix gelinin, laba af oo aan shaqo iyo shuqul toona isku lahaynna afka ayaa la isu geliyay.
Sidaas oo kale ayaa haddii magaca gaarka ah ee qofeed ay raacdo naanays, iyadana waa in la weyneeyaa tusaale ahaan: Cabdi-Waraabe, Maxamed-Cawl, Faarax-Shabeel, Cali-Dheereeye, Axmed-Madoobe, Jaamac-Dhooble, Maxamed-Taajir, Nuur-Dheere, Axmed-Xiito, Daahir-Dhamac, Xasan-Barawaani, Cabdiraxmaan-Tuur iwm.
Marka afraad ee xarfaha la waaweyneeyo waxa ay tahay waa xilliga uu yahay eraygu mid la soo gaabiyey oo weedh walba hal xaraf laga soo qaatay. Tusaale ahaan E.T.C, XAQSOOR, XHKS, JWXO, DHWS, JBDS, GSM, SNA, SYL, USP, NUF iwm. Dhammaan xarfahan la waaweyneeyay mid walba waxa ay u taagan tahay weedh la soo gaabiyey, taas oo haddii la furfuro noqonaysa sidatan: XAQSOOR oo u taagan Xaqiiqijinta Aayaha Qaranka Soomaalilaan Rabitaankiisa, XHKS oo u taagan Xisbiga Hanti-Wadaagga Kacaanka Soomaaliya, JWXO oo u taagan Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya, DHWS oo u taagan Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed(SNM), Jabhadda Badbaadinta Dimuqraadiyadda Soomaalida(SSDF), GMS oo u taagan Golaha Soomaalida Midowday (USC). Kuwa kalena waa la mid oo wada sidaas uun.
Qalinkii: Cabdifataax Xasan Maxamed “Barawaani”
Web. www.abdifatahbarawani.wordpress.com
Email: abdifatahbarawani@hotmail.com
7-dii, Oktoobar. 2019