Waxa baraha bulshada qabsatay oo aad loogu baahiyey gabadh dhallinyaro ah oo reer Somaliland oo la yidhaahdo Suhuur Fatxi Mukhtaar oo si dhiirran Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame Fagaare ku sugnaa kaga dalbatay inuu aqbalo rabitaanka shacbiga oo uu aqoonsado Jamhuuriyadda Somaliland oo ah dal buuxiyey shuruudihii dawladnimo.
Tallaabada ay qaaday Suhuur waxay ka turjumaysaa sida shacabka Somaliland ay ugu adag yihiin difaaca iyo iibgeynta qaddiyadda madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.