Mugabe mise Madiba: kee buu noqon doonaa Abiy Axmed? (WQ: Guuleed Dafac)

Itoobiya waxaay ka mid ahayd dalalka maxaabiista siyaasadeed iyo suxufiinta u badani ku xidhnaayeen. Maanta xaalku sidaas maaha. Shirarka caalamiga ah marka aan tago ee aan Somaliland ka hadlayo waxaan badiyaa tusaale u soo qaadan jiray nolosha adag ee ay ka jirtay Itoobiya, iyo dheeraadka ay dadka reer Somaliland haysteen. Maanta xaalku sidaas maaha.

Abiy Axmed wuxuu aqbalay go’aan qadhaadh oo dhul uu dalkiisu sheeganayay loogu xukumay Eretria. Dad badan ayaa kaga dhintay Itoobiya dhulka. Nabadda darteed ayuu uga tanaasulay. Wuxuu furfuray siyaasadii dalka isaga oo og inay galaafan karto xukunkiisa. Wuxuu ogolaaday in mucaaradku dhaliilo, saxaafadda aan la cabudhin iyo in dadka isaga dhaliishani aanay dareemin culays iyo cadaadis.

Robert Mugabe halgamaa dagaal naf huris ah u maray si uu dalkiisa uga xoreeyo cadaankii tirada yaraa ee ku amar ku taaglaynayay ayuu ahaa. Wuxuu ahaa nin aftahan ah oo yaqaan halka loo xadan teeyo shacab waynaha Afrika ee ay dishoodeen hogaaminta xun iyo farogelinta reer Galbeedka. Sanadihi hore ee xukunkiisa wuxuu ka dhigay Zimbabwe mid ka mid ah dalalka ugu dhaqaalaha fiican Afrika. Ifafaale iyo guulo qaaradu mahadiso ayuu dhisay. Ugu danbayntii, dib ayuu u dumiyay si uu kursiga isugu adkeeyo. Iyada oo aan weligeed la ilaawi doonin halgankii uu soo galay oo Afrika ay mahad ugu hayso, hadana magaciisa waxa wasakheeyey xukun jeclaysi baday dadka qabka leh ee reer Zimbabwe gaajo iyo darxumo.

Nelson Mandela si la mid ah Mugabe ayuu halgan galay. Wuxuu noqday madaxwaynihii u horeeyey ee madow ee Koonfur Afrika. Dadaalkii uu ku jiray wuu ka midho dhaliyay. Si ka duwan Mugabe, Madiba xukunkii wuu iska wareejiyay. Iskuma dhejin. Uma malayn inaanu jirin qof kaga haboon kursiga, iyada oo aduunka oo dhami u qirsan yahay hogaamintiisa mucjisada ah.

Maanta Madiba waa halyay aduunka oo dhan laga xuso. Labada hogaamiye dagaal halgameed ayay mareen. Mid waliba bilawgii geesi ayuu ahaa. Haseyeeshee taariikhdu si kala duwan ayay wax ugu qortay.

Maanta waxa biladda Nabadda ku guulaystay Abiy Axmed si la mid ah Madiba. Sida uu wax u wado Abiy waa si wanaagsan oo heer sare ah. halka uu ku danbayn doonaa isaga ayay gacantiisa ku jirta. Ama Mugabe ayuu raaci ama Madiba ayuu wadadiisa mari doonaa.