Xillima ayaa uu Qaradaawi wax qoraa? (WQ: Hamze Mohamed Muse)

Qaradaawi waa buuni wax soosaarkiisu aad u badan yahay, dhiganayaashiisu waxa ay kor u dhaafayaan laba boqol(200), qaarkood waa hormooyin(mujallado) , halka kuwo kale ka yihiin qoraallo yaryar, inta ugu badan se waxa uu qoraa dhiganayaal baaxad leh,tixgalin gaar ah na waa leeyihiin ,Ahmiyad gaar ah ayay siiyaan Muslimiinta iyo dadka aan muslimka ahayn ba dhiganayaashiisa, xeeldheerayaasha aqoonta iyo dadka baadha diinta Islaamku il gaar ah ayaa ay ku eegaan buugtiiisa.
Dhiganayaashaa xaddiga badani waxa ay waydiimo ku dhaliyeen dad ciiddaa iyo camaarkaa ka badan,waxa ay is waydiinayaan:
Goorma ayuu wax qoraa Sheekhu? siduu waqti ugu helaa buugtaa tirada badan ee bari iyo galbeed ba gaadhay?
In badan oo ka mid ah na waxa loo hal-tebiyey afaf badan oo kuwa caalamka ah,tusaale ahaan dhiganihiisa ‘ Al-Xalaal Wal Xaraam’ waxa loo turjumay in ka badan konton af, iyada oo aynaan xisaabta ku darin buugta kale ee la turjumay,ma jiraan buug loo minguuriyey afaf kale oo ka badan dhiganayaasha Qaradaawi,Qasaali,Sayid Qudub iyo Ibn Taymiyah.
Waxa aanu fiirin jirnay sida aqoonyahankii hore ee muslimiintu uga faa’idaysan jireen waqtiga,sida ay inoogu dhiteeyeen dhiganayaal badan,Imaam Nawawi tusaale ahaan waxa uu geeriyooday isaga oo jira 45 sanno,waxa aanu inooga tagay buug badan oo muhiim ah,sida :
Rayaadu Al-Saalixiin,Majmuuc,Rawdatu Al-daalibiin,Minhaajka iyo sharaxa uu saaray Saxiixu Muslim, dadkaas ayaa aanu qoraalladooda wax ka akhrin jirnay, wax badan ayay inoo ururiyeen; dadkuna waxa ay ku soo dhaweeyeen gacmo furan iyo daryeel loo fidiyo dhiganayaashooda……..

La soco taxanahan…………..

Waxa hal-tebiyey: Hamze Mohamed Muse
Hargaysa,
Somaliland