“Taariikhdu way hadhi
Waanay kala hufmaysaa
Xisbigan heeganka ahina
Guusha waw u hadhaaya”
Cismaan Diiriye Kulane (Carrabay) ayaa midhaha heestan allifay 1979/80 intii ka dhaxaysay qiyaas ahaan. Cismaan iyo Maxamed Mooge waxa ay ka wada tirsannaayeen idaacaddii radio kulmis–ee jabhaddii SSDF. Ka sokaw midhaha yaabka leh, waxa iyaguba amakaag kugu riddaaya naaxiyadda laakiboon iyo codka dahabiga ah, ee inta kamanka dananaya lagu jalbeebbiyay, dhegtaadu kolkay maqasho jidhiidhico iyo xamaasad ay kol qudhaata isla beddellayso.
Guubaabinta iyo kicinta bulshada ee dhiigga ku dhaqaajinnaaya haddii aad is hilmaansiiso, hubaashii sida ay soomaalidu maantaa iyo haddaba ay asaaggeed u hoosmaratay kolka aad eegto, inta aad gorodda laadlaadiso ayaad tiiraanyo la hiinfaadhaysaa. Guud ahaanba dhulka soomaaliyeed dhalin iyo waayeelba isaga oo guubaabinnaaya, ayuu degmo degmo iyo magaalo magaalo inta uu u maro, guubaabada uu hiyiga kugu kicinnayaa.
“Hubaashii adduunkuna
Ma hoos labada gelinba
Hawo iyo isqabad iyo
Ma rag is haysadkiiba
waddankaygii hooyana
Ma Kaan u halgamayee
Uu heedadaabaa “
Maanta iska daayoo, wakhtigaas Maxamed heeskan qaadaayo, ayay dunidu inta ay horumar ku tallaabsatay, dhammaanba uumiyuhu uu farax iyo nashaad la daanshoonnaayay, halka ay soomaaliduna qabaa’illo iyo qolo qolo isku laynnaysay. Aragti dheerahan filkii iyo fankiiba hibada gaarka ah dheeraaday, inta uu dhaayo caafimaad qaba oosha ku fiirshay, ayuu la tiiraanyoonnaa sida uu adduunku u tallaabsaday, soomaaliduna u hadhay, isna uu haddaaba halgan naf hurnimo leh uu u bilaabbay.
Soomaalidu ma huruddaa
Hiddahaa iyo diintii
Ma hareer istaag baa,
Iyadooy hadhkii tahay
Ma habeen madowba
Hilimmada jidkeennuna
Ma iska halaq mareenba
Reerihii hayaamina
Ma hedbaxayo dhiigbaa
Hubaashii adduunkuna
Ma hoos labada gelinba
Hawo iyo isqabad iyo
Ma rag is haysadkiibaa
waddankaygii hooyana
Ma Kaan u halgamayee
Uu heedadaabaa?!
Dhulka kale hay danbeeyo e, caasimaddii ummadduna -waa Muqdisho e- ma haro naxliga iyo kala sarraynta lagu kobciyaa?! Ma haro dulmi wada kastaaba uu u soo haliillo, oo aan cidna iska waabin karinbaa? Ma heel horor iyo haanraawaba intay u jabtay, aan cid wax iska hunjaalliyi karaysaa jooginbaa? Isaga oo mu’alifka iyo mulaxankuba arrintaas la dhaygagsanyihiin, ayuu Mooge na codka toonka dhexe ah intuu u raaciyo, si dareen taabad leh uu u leeyahay:
Muqdishana ma haradii
Loso wada hiloobaa
Hayeeshe hayaaydiyo
Hagardaamadii iyo
Hollintii ma socotaa?!!
Bal hadda dhulkii kalana ka warran Maxamed? Hargaysa ayaa caasimad xiggeen ahaydde, maxaad xaggeeda ka tidhi?
Hargaysina xornimadeed
Cidna kuma halaysee
Heeryadii ma diiddeen
Dagaal ma hub qaateen
Waa habkaan u filayee
Hal adayg ma yeesheen!!
Hargaysa aragnaye, isaga oo deegaannadii kale ee dalxiiska, dadnimada iyo duntii awawyadu taallay hal-abuurku saluugsan, ayuu leeyahay ‘Reer Sanaag in hadalka loo sarbeebaa ma qurux badnaynne, tolaw maxaa helay ee ay la baqannayaan; habisadan haysataa maxay tahay?!’ Bal adba!! Kolkaas ayuu heeska ku jalbeebinnayaa:
Hanaddadii Sanaag iyo
Bari kuma haboonnayn
Dhegi hadal sarbeeblee;
Maxa helay maxa u hadhay
Haatan dhowrranaayaan
Habisadu maxay tahay?!!
Togdheer iyo Nugaali waligoodba gumaystaha waa necbaayeenne, tolaw kolkan maxay faleen iyaguna? Bal hadda Sayidka innoogu celi heeskiisa….
Nugaalina halkeedii
Waw heelantahayoo
Togdheer oon hagranahayn
Mays hareera jooggaan
Hororkiyo waraabii
Ma ka so horjeesteen.
Waar maxaad tidhi? Alaylahee raggaas arrinkaan ku waday waad ku sugtaye, xaggee ayaynnu haddana qabannaa Maxamed? Oo miyaabaynnu dhawnahay dee, bal hadda gobolkii ay Togdheer xagga kaftanka saaxiibka ahaayeen arrinkiisa ka warran Mudug na?
Mudug heerki laga rabay
Kama so hagaagine
Ma inay habsaantoo
howl gabtaan ku tiriyaa?
Ma gebigaba; alaylahee in aannay baqan ayay ila tahaye, bal hadda habsankaas aad sheegtay u daa. Haye hadda, bal inna sii wad oo dhulkii kale ka sheekee.
Hiiraan iyo bakool iyo
Bay oo lama huraaniyo
Shabeeloo la hodayoo
Hindisaha baloogiyo
Kismaanyadii aan hadhi kirin;
Yadoo hooto iyo qori
dhalinyaro ku hilantahay
Hashoodii irmaannayd
Miya laga hal-gaadhoo
Iyagoo hamuun qaba
Miya lagu hor maalaa?!!
Alaylahee heeskaasi in rag badan oo gobolladaas ka mid ah ay dhiigga ku kicisay, oo halganka uu Maxamed ugu yeedhaayo, in ay horehore u soo galaan ay gayaysiisay ayaan u malaynne, bal hadda xaggee ayaynnu u sii dhaqaaqnaa Maxamed? Bal innoogu tuur mar kale codkiisa:
Hadda iyo dantii guud
Howraartu laba male
Kii ka hadhi lahaa iyo
Kii halgami lahaayow
Kii hunguri u leexshee
Hoogaanshay luquntiyo
Halyeeygii jahaadoow
Taariikhdu way hadhi
Waanay kala hufmaysaa
Xisbigan heeganka ahina
Guusha waw u hadhaaya”
Oof caleeg; ax yaa axsannu sawt. Taariikhdu xaqiiqdii way hadhay, xisbigaahii u heeganka ahaana guushii waw hadhay, laakiin tolaw hadda sidee wax yihiin? Alle kuma ogaysiiyo Alle yaqaanne, naxariista Eebbe ee waasaca ah raaxo in aad u jiifto ayaan Raxmaanka kaaga baryayaa, adiga iyo intii dhiggaa ahaydba.
Heeska 2-aad: Gobaa Biyo ii Galeen
La gal dagalkii. Rag badan oo kolkii hore is giijinnaayayna hadda galka seefta kala baxe. Duudda iyo duurka rag badan dugaagga isku weheshade. In kaste oo ragga hawdka galay aannay tiro yarayn, haddana weli Maxamed waxa uu tebeyaa garab!! Kama werwersana ama baqasho kama aha, waxa se weli uu la tiiraanyaysanyahay ragga taliskii cadaadiska ku caanbaxay hoos fadhiya. Kaaga daranne, ragga inta uu haybhayb iskaga horjeeddiyay, halkii ay isaga muduciga ku ahaan lahaayeen, iyagii is mindhiciro dooxaaya ayuu dhab ula tiiraanyooday.
Garab la’aanta, garaw la’aanta, gargaar la’aanta, gacal la’aanta, guri la’aanta, gabbood la’aanta, gurmad la’aanta iyo gees kastaba seegga haysta isaga oo dadka ku dhifrinnaaya, ayuu ugu horraynba codkiisii yaabka lahaa, oo laxan oohin ah lagu ladhay, teenbaduna ay la murugaysantahay uu ku bantookhayaa:
Garbaa isku kay caddaysoon
Gunteedii ka hadlayaa
Cidlaa gabbal iigu dumayoo
Annaa gacaltooyo waayee
Ilayn guri lagu hirtaana!!
Habeenkii kolka la guuraynnaayo gudcurka magangooyada ah, ayay dhacdaa qofka socotaynnaayaa in meel uu bannaan mooddayaa ay haadaan kala duusho, waaga kolka isaga oo dhutinnaaya ama dhaawacan la arko ruuxaasna, ee la wayddiiyo waxa adinka ka helay, ayuu qofku ku jawaabbi jiray ‘Garbaa isku kay caddaysay!’ sidaas si la mid ah, ayaa midhaha heeskani uga warramayaan culayska uu halgankii maraayo, oo u muuqatay abwaanka in garbo isku caddaysay. Alle se taas kama dhiginne, wixii dhacay waata la wada ogyahay…
Doonnaa igu soo gadoontoo
Badbaa igu gaafwareegsanne
Mawjado gurxamaan dhexgalayoo
Cirkaan gabbal ka arkayaaye
Ilayn GEED LA QABSADAANA!!
Malahayga e nin tahriibbay ama bad ku qarqoomay ayuunbaa hummaaggan sawirran karaaya e, bal suuree adiga oo dooni inta ay kula rogmatay, badweyn badhtankeedna aad dhex yuururto, gees kastana ay mawjadi kaaga dhabannayso!! Oo shaw waa halka laga yidhi ‘Ilayn geed la qabsadaana’ bal haddaba suurrayso sida halgankii Siyaad Barre lala galay uu ahaa. Xaqiiqdii meerisyadani waxa ay bixinnayaan yaraantii jabhadaha, iyo awooddii kacaanka. Codkan dhaygagga miidhan ah aynnu ku sii hilaadinno waxa dhacaaya e, bal hadda innoogu celi heeska….
Cirbaa igu soo godladayoo
Godbaa biyo ii galeen !!
Waxay gaadhay labada garabboo
Talana gudcur iga ahaatee
Ilayn gees loo baxaana!!
Allaahu Akbar !! Yaabba yaab keenye, alaylahee markanna waa amakaag!!! Bad ayaynnu galnay kolkii hore, laakiin maanta halka aynnu ku jirno badda ayaaba innoo dhaami lahayd!! Waa god!! Adiga oo is leh halkaas dad iyo dugaagba kaga dhuumo, bal haddii cirkuna kugu halakeeyo ka sheekee. Xaggani waa garbi, xagganina waa garbi, guntiina waa gawaan, guudkiina roobka ayaa ka soo hoorray!! Haddaad bixi lahaydna waa cabsi, godkiina inta uu kugu buuxsamay, ayay biyuhu labada garab kuu soo gaadheen!!!
Allaylahee markannina u ekaa intaan la dilin Maxamed ka hor, sida dhulkii jabhaduhu jooggeen inta diiqa loogu geliyay, dad indhaw garato ah iyo nacabna inta loogu adeegsaday, shinbirtii meel ka duushaba looga sasaayay!! Adduunyada rag ayaa soo maraye, haygu kala goynnin ilinta e, hadda iigu laabo codka; Alle ma cadaabaanka.. :
Gugaan dhashaybaan gafsanahayoo
Gedaa cimrigaygu gaadhee
Gadhkiyo timihii is gaadhoo
Wakaa guudku i cadaadee
Ilayn wax garaabayaana !!
Inkaste oo aanan hubin abwaankii midhaha heeskan lahaa, haddana waxa amakaag ah sida ay dareenkii markaas jiray u xanbaarsantahay. U maleeyay in uu nin halganka ka qayb ahi ku faroyaraystay midhahane, tolaw ma Cali Saleebaanbaa? Mise waaba Maxamed laftiisa? Kuu dhaafaye, bal hadda meerisyadii u danbeeyay dib u shiddo: …. Gadhkiyo timihii… Allaw Alle!! Culayska saaran iyo jahawareerka haysta si uu kuu dareensiiyo, ayuu ku leeyahay ‘Xilligii aan dhashay ayaanan hadda kasaynba’!! Ma kula tahay in waxyaabo intii hore aynnu usoo aragnay ka gedisani ay halkan ka muuqdaa? Aniga way ila tahaye, bal hadda adna?
Heeska 3-aad: Naftu orodbay kugu aamintaa!
Haddii aynnu soo aragnay kicintii iyo guubaabintii, oo aynnu soo aragnay garab la’aantii iyo gocasho oygii, hadda maxaa innoo diiddaaya in aynnu orod miciinsanno?!! Ha u qaadan in aan u socdo in raggii halganka waday ay baqdeen, ama Maxamed Mooge go’aankiisii is beddelay, mana hubo in sidan aan u kala horraysiiyay heesahani u kala horreeyeen, mana xaqiijin runtii in sida aan xidhiidhka uga dhaxaysiinnaayo uu xidhiidh uga dhaxeeyay, laakiin daahirka midhaha, iyo dareenka is qabadsiinta heesahan ayaynnu u gol leenahay innaku.
Aamintaayee, aamintaayee
Nafi orod bay kugu aamintaa!!
Sida aynnu dabeecadaha aadmiga ku naqaanno, ninka fannaanka ah lagama yaabbo in halgan qadhaadh iyo naf hurnimo inta uu galo, raaxo iyo hawo adduunna uu uga dheeraado. Sida aynnu naqaan ninka fannaanka ahi laba siyood ayaa u badan waxa uu u heeso:
1- in uu magac kasbado
2- in uu lacag ka uruursado
Maxamed labadanba fanka uguma jirinne, wax ka weyn ayaa waday fankiisa. Oo muxuu ahaa mays leedahay dareenkaaga waxa odayga waday? U maleeyay in aad is wayddiinnayso e, bal hadda Maxamed maxaa ku waday ee aad duurka u gashay? Bal hadda dhegayso waakane waxu innoogu jawaabbay:
Omos iyo abaarbaan
Raaxo ka ogolaadaayoo
Sida ayro geelloo
Maqaar laga ilaashaan
Kuu ololayaayoon
Aawadaa irdhoobee
Aawadaa irdhoobee !!
Subxaanaka yaa cadiim!! Ma is lahayd sidan ayuu kuugu jawaabbi doonnaa Maxamed Mooge?!! ‘Aawadaa irdhoobee’ ayuu ku yidhi!! Waa dhab, oo walaahi aawadeen ayuu u irdhoobay. Alle qabriga ha kuu nuurro ayaynnu leenahaye, bal hadda mar kale iigu celi codkiisa Alle ma cadaabaanka…. Dhin:
Sool ooman ay jiqa
Nafta kula asqooboo
U itaal darreeyoo
Socod igu adkaadee
Waxaan eersannaayaa
Waa adimadaydee
Allaahu Akbar. Xaqiiqatan meerisadan kolka uu sida oohinta ah Maxmed ugu luuqannaayo, aniga oo bulshadayda la fadhiya ayaan cidla iyo kelinimo dareemaa!! Ma qiyaasi karo ruux duurka iyo duudda ku jirayna sida uu xaalkiisu noqonnaayo marka uu codkan maqlo. Waxa hubaal ah Maxamed in uu ahaa shidaalka halganka lagu dhaqaajiyo!! Xasan-Dayax oo ay Maxamed saaxiib ahaayeenna waxa uu igu yidhi “Adeer heesaha Maxamed waa nalagu dagaal gelin jiray. Runtii gaadhi kaste codkiisa waa lagu dhegaysan jiray, niyad dhis, guubaabin, iyo raganimo samayn ayuu codkiisu noo ahaa…” Arrinkaas in uu xaqiiqo biyo kama dhibcaanna yahay, aniga ayaa maanta iyo maantaan bartay codka Maxamedba uga markhaati kacaaya runtii; bal hadda adna?
Anigiyo ugaadhaa
Abtirsiimo noqonnayoo
Idil habar dugaag baa
Ii wada adeeggoo
Intay i ag imaaddaan
Naxariis ilmeeyee!!
Yaa Raxmaan!!! Naftani halganka iyo halaagga ay ku sugantahay kolka ay ka yaabbeen, aadmigu ma dareemo ruuxda dhabta ah waxa gubbaaya e, xayawaankii, ugaadhii, iyo dugaaggii ayaa u wehel yeelaaya, oo wehelku iskuma jiro e, inta ay agtiisa fadhiistaan naxariis iyo boholyaw ay u qabaan dartii la ilmaynnaaya!! Waxan ku dhaarannayaa in meerisyadani yihiin kuwii iigu yaabka badnaa, inta aan hees ama suugaan arkaayay!! Sababtuna meerisyada oo keliyaata maaha e, codka, kamanka, xaaladda iyo xilliga kolkaan isku qiyaaso, dareen ka yaab badan oo la sawirri lahaa u malayn maayo in si fudud loo heli karaayo. Yaanan ku dheeraannine, bal hadda Maxamed mar kale aan u yeedho. Haye Sayidii:
Ahaan mayso dunidani
Sida aad mooddayoo
Anna urugo iyo ciil
Ku idlaysan maayee
Waxa iman ayaantii
Alle aan ka suggayee
Ina Mooge suggayee!!
Alaylahee waa dhab, dhabawdayna. Sida uu Maxamed sheeggaayay ayaantii uu Eebbe ka durraamannaayay way timid, isaga oo raggii hankiisa iyo kii ummaddaba dhaawacay ka sayid caleeyay, oo inta uu sanka ka tolaw ay silbashadii uunni u hadhsantahay ayuu ka geeriyooday, maantana innaka ayaa midhihii uu ku naaloonnaayay ku taxaashayna.
Maxaa dhici doonnaa?
La soco qaybta 2-aad ee maqaalkan.
Fg: labada heesood ee ‘Nafi orodbay kugu aamintaa, iyo Godbaa biyo ii galeen’ haddii aad garannaysaan cidda midhaha aliftay ila wadaagga saaxiibbayaal; mahadsanidiin.
W/Q: Cabdikariin-Xikmaawi