Maxay Ethiopia u diidantahay inay aqoonsato madaxbanaanida dalka Soomaaliya? W/Q:( Abdirahman Mohamed Ibrahim)

Ma garaneysaa sababta uu Xasan Sheekh Maxamuud maalinkii dhaweyd u lahaa, “Ethiopia way diiday inay madaxbanaanidayada (sovereignty) aqoonsato.”

1ใ€‹Ma ogtahay Gumeystihii Talyaanigu markuu Ethiopia qabsaday, inuu hal dawlad โ€”oo wadaagta hal calan iyo hal lacag (Italian East Africa)โ€” ka dhigay, Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliyadii Talyaanigu gumeysanayey. Ilaa intuu ingiriisku jabinayey dagaalkii labaad ee aduunku, oo uu isagu ka qabsaday dhulkii Soomaalida ee talyaanigu gumeysanayey iyo Eritrea, hal dawlad oo Italian East Africa la yidhaa bay ku mideysanaayeen Ethiopia, Eritrea iyo Soomaaliyadii Talyaanigu gumeysan jiray.

2ใ€‹Qodobka 23aad ee heshiiskii 1947 ay Paris ku kala saxeexdeen wadamadii is garabsanayey ee dagaalkii labaad ee aduunka ku guuleystay (allied powers) iyo kuwii isku safka ee laga guuleystay (axis powers) ayaa dhigayey in wadamadii Talayaanigu gumeysanayey ee la galiyo toban sano oo UN-tu ay maamusho, iyadoo wadan ka mid ah kuwa U.N-ta u wakiilanaysa.

ใ€Š2.1ใ€‹Boqor Xayla salaasihii Itoobiya wuxu tamar badan galiyay siduu dalkiisa Itoobiya u noqon lahaa ka maamulaya Eritrea iyo Soomaaliya oo labada talyaanigu gumeysan jiray. Ugu dambeyn Itoobiya waxay ku guuleystay inay maamusho Eritrea, halka Soomaaliya tobankii sano la hoos geeyey Talyaaniga, hawshaana waxa aad uga shaqeysay Dawladda Masar.

ใ€Š2.2ใ€‹Dhinaca kale , dawladda Masar waxay abuurtay, maalgalina ku bixisay fidinta aragtida mideynta shanta soomaaliyeed, iyadoo si gaar ah xooga u saartay Soomaali Galbeed (Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya).

ใ€Š2.2.1ใ€‹Ujeedka ay Masar arinkaa ka laheyd wuxu ahaa in Ethiopia ay ka mashquuliso Biyaha Webiga Nile, maadaama 1954 la bilaabay daraasad ay iska kaashanayeen Maraykanka (Wasaaradihiisaa Gaashaandhiga iyo Arihama Dibeda) iyo Ethiopia (Wasaaradda Hawlaha Guud), taasoo ujeedkeedu sidii ay Ethiopia uga faa’ideysan laheyd biyaha Webiga Nile ee dalkeeda ka taga.

ใ€Š2.2.2ใ€‹Darasadaa oo 1956 la soo gebogabeeyey waxay sheegaysay in seddex meelood laga sameyn karo biyo xidheen โ€”mid ka mid ah goobahaasi waa goobta hada uu ka dhisanyahay biyo xidheenka Ethiopiaโ€”, dabadeedna biyo xidheenkaa Koronto/leydh warshadaha iyo bulshada Itoobiyaha isticmaalaan laga dhaliyo; beeralayduna ka faa’ideysato

ใ€Š2.3ใ€‹Carqaladeynta Masar ay ku waday biyaha wabiga Nile ee Ethiopia wuxu sababay in Ethiopia ay ka gows adeygto in xad calaamadsan oo leh shakhsiyad qaanuuni ah la dhex-dhigo, soomaaliyada Talyaanigu gumeysan jiray iyo Ethiopia. Xogtani waxay ku cadahay daraasad ay 1957 sameysay Wasaaradda Arimaha Dibedda Maraykan oo ciwaankeedu ahaa “qiimeeynta isbeddellada ka socda Geeska Afrika iyo in la qiyaaso saamaynta ay ku yeelan karaan xasilloonida iyo jihaynta gobolka.”

F.G: xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Ethiopia (Geestiir, Awdal ilaa dun-ku-qooq, Sool) wuxu leeyahay shakhsiyad qaanuuni ah (Anglo-Ethiopian treaty) waana ka uu ku aasaasanyahay Ururka Midowga Afrika. Dhinaca kalena waa mid ka diiwaangashan Qaramada Midoobay.

3ใ€‹Shan sano ka hor โ€”May, 2019โ€” Wasaaradda Arimaha Ethiopia ayaa boga ay ku leedahay Facebook, waxay soo galisay sawir ka turjumaya khariirada Afrika, kaasi oo tilmaamaya in Ethiopia iyo Soomaaaliya ay isku hal dal yihiin. Inkastoo maalin kadib Wasaaradda Arimaha Dibedda Ethiopia ay raaligalin ka bixisay, hadana su’aasha mudan ee in la isweydiiyo ay tahay waxa weeyi, raaligalinta ka sokow, maxaa marka horeba keydka Wasaaradda Arimaha Dibedda Ethiopia dhexdhigay sawirkaa!?!? “War jiraaba cakaaruu iman”

4ใ€‹Philosoper Dr. Osman Raabi (Ph.D) oo ahaa aqoonyahan ka soo jeeday dalka Djibouti, odorosyo badan oo uu sameeyeyna ay rumeebeen, ayaa wuxu sheegay in Soomaaliya ay u nugashay in Ethiopia ay qabsato, halka hadii Ethiopia ay isku daydo inay Somaliland qabsatana, ay iyadu burburi doonto.

 

Abdirahman Mohamed Ibrahim

Cabdiraxmanmid@gmail.com

Bandhige@gmail.com