12 Talaabo oo aad ku noqon karto waalid awoodle (Authoritative Parent) W/Q: (Mohamoud Dahir Omar)

Cilmi baadhayaasha caalamiga ah, ee wax ka qora arimaha waalidka ayaa sheegay in habka la yidhaahdo Authoritative Parent uu yahay hab aad u haboon, oo soo saari kara caruur ka gudba caqabadaha soo wajaha:

1. Dhageyso ilmahaaga (Listen to your child): waalidka awooda lihi (Authoritative Parent) way soo dhaweeyaan fikirka caruurta. Caruurta way dhageystaan marka ay cabanayaan waxaanay u ogolaadaan inay fikirkooda la wadaagaan.

2. Ka Caawi caadifadiisa (Validate his emotions): waalidka awooda lihi (Authoritative Parent) waa ka aqoonsada dareenka ilmihiisa waxaa uu awood u leeyahay inuu ku qanciyo inaanu ooyin tusaale ahaan haddii waxaa uu u ooyaya khatar leeyahay xaga khatarta ka tus.

3. Tix gali dareenka Ilmaha (Consider Your child’s Feelings): Tus ilmaha in waalidku guriga masuul ka yahay lakin dhinaca kalana inaad tixgalin siinayso sida go’aankaagu saameyn ugu leeyahay dhamaan xubnaha qoyska;

4. Nidaam sharci u samee Guriga (Make Clear rules): waalidka awooda lihi (Authoritative Parents) sharci ayay u sameeyaan caruurta waanay u sharxaan. Tusaale ahaan hadey tahay waqtigii hurdada maaha inaad tidhaahdo” seexda sidaas waanigii idin sheegaye” waxaa ka haboon seexda hurdadu waxay faa’iido u leedahay caafimaadkiina”

5. Digniin ayuu siiya ilamaha (One warnining for minor Issue): waalidka awoodalihi (Athoritative Parent) waxaa uu ilmaha siiya jawaab hadduu jabiyo sharciga tusaale ahaan hadaad maqsinkaaga alaabta ka hagaajin weydo manta ma ciyaareysid
6. U Isticmaal cawaaqib in ay cashar ka bartaan (Use Consequences That Teach Life Lessons): waalidka awoodalihi (Auhtoritative Parent) waxay ilamaha u sheegaan inuu ficil xun sameeyey lakin kuma yidhaahdaan waxaad tahay qof xun ama anigu waan kaa niyad jabay IWM
7. Waxay balan qaadaan Baqshiish (Offer Incentive): waalidka awoodalihi (Authoritative Parent) waxaa uu siticmaala nidaamka abaalmartinta (Reward system) si uu ilmaha u dhiiri galiyo tusaalle ahaan markuu ilmuhu wax xun sameeyo waxay u balanqaadaan Baqshiish si ay dariiqa ugu soo dabaalaan;
8. Dookhiisa inuu doorto wax uga ogolow (Let Your Child Make Little Choices): waalidka awoodalihi (Authoritative Parent) waxaa uu ilamaha u ogolaada inuu dookhiisa ciyaara mararka qaar taasi waxay ilmaha awood u siisaa inuu mustaqbalka go’aan gaadho. Tusaale ahaan ma waxaad dooneysaa inaad qolkaaga nadiifiso qadada ka hor mise ka dib.
9. Isku miisaan xoriyada ilmaha iyo masuuliyada (Balance Freedom With Responsibility): waalidka awoodalihi (Authoratative Parent) ilmahooda waxay u diyaariyaan inuu noqdo masuul howlo badan guul ka gaadha hadana waxay isku miisaamaan xoriyada iyo masuuliyada tusaale: ilmaha ayaa diyaargarowga subixii kala ilaaba alaabtiisa waxay u sameeyaan jidwal albaabka ku yaala oo ay ku qoranyihiin waxaa uu subax kasta qaadanayo ama qabanayo iskuulka ka hor.
10. Khaladka waxay u rogaan fursada laga faa’iideysto ( Turn Mistake into learning Opportunity): waalidka awoodalihi (Authoritative Parent) lama yaaba khaladka ilamaha balse waxay u rogaan fursad wax lagu saxo tusaale ahaan ilmaha ayaa qaatay alaab qof kale leeyahay waxay odhanayaan inaad qaadato albaab qof leeyahay waa khalad waxaanay dhaawaceysaa sharaftaada qofka kala qalbigiisa.
11. Dhiirigalinta isku talo galka ( Encourage Self-Discipline): waalidka awoodalihi (Authotative parent ) ilmaha waxaa uu baraa sidii isagu shaqadiisa u qabsan lahaa si madax banana sidoo kalana sidii uu naftiisa u ilaalin lahaa.
12. Xoojinta xidhiidhka ilmaha (Maintain a Healthy Relationship With Your Child): waalidka awooda (Authoritative Parent) badani waa ka joogteeya xidhiidhka ilmaha islamarkaan waqti badan la qaataa xataa maalmaha uu ilmuhu edeb darada sameeyo.

 

Diyaariye: Mohamoud Dahir Omar

Bandhige@gmail.com