Maxay Iskaga Egyihiin Dagaalkii October 1973 Iyo Duufaanta Aqsa W/Q: Cabdiraxmaan Hayaan. Q.1aad

Taariikhda Isrial laba jeer ayaa si weyn looga yaabiyay laba jeer oo uu u dhexeeyo nus qarni, marka koobaad waa galabnimadii dagaalkii 6 oct 1973kii marka labaadna waa aroornimadii hore ee 7 Oct 2023.

Tan iyo intii ay Isrial qabsatay dhulka Falastiin sannadkii 1948 iyada oo taageero ka helaysa quwadaha ree galbeedka, waxa ay ahayd dhinaca kaliya ee inta badan gaysanayay weerarrada iyo qabsashada iyo dhul fidsiga.

Dhinaca kale oo ah Falsatiiniyiinta oo quwadaha reer galbeedku dhulkooda ka jareen qayb si ay uga dhisaan dawlad yuhuuddu leedahay, waxa ay nasiib u heleen inay mar walba jabaan, marka ay ugu wanaagsan yihiinna inay guulo aan buurnayn oo faro ku tiris ah gaadhaan.

Haddaba hadii aynu ka bilawno dagaalkii 1948kii, magaca ugu weyn ee dagaalkaa iyo natiijadiisiiba lagu qeexi karaa waa in lagu aasaasay dhismaha dawladda Israil isl makaana uu ka dhigay waaqac ahaan jirta halka carabtuna ay ku sifeeyeen Nakba, iyada oo aanay la socon wax baadhitaan ah oo ka jawabaaya su’aasha la xidhiidha sababat dhabta ah ee uu sida fudud ugu lumau dhulka Falastiin, iyo sababta dhmaan dawladaha carabta ciidamadoodii ay u awoodi waayeen inay difaacaan dhul carabi leedahay ee uu uga guulaysten ciidamada yuhuuddu.

Taa waxa xigy hawlgalladii soo dajinta dadka yuhuudda ah kaasoo ay la socotay gardarro ay wadeen dalalka Ingiriiksa Faransiiska iyo isrial oo ay ku doonayee inay ku qabsadaan kanaalka Suways, balse waxa ka badbaadiyay midowga soofiyati oo barigaa ahaa quwad caalami ah, isaga oo digniin kama danbays ah u soo saaray Israil faransiiska iyo ingiriiska, taasoo markii danbena Maraykanku taageeray oo ahayd inay isaga baxaan.

Dagaalka saddexaad ayaa isna waxa uu ahaa bishii June 1967. Dagaalkan oo isna loogu xudud xidha magca Naksa, waxa uu u dhexeeyay isril o odhinac ah iyo Masar, Suuriya, Urdin iyo Ciraaq oo dhinaca kale ah, oo taageero kooban ka helayay dalalka Lubnaan, Aljeeriya, Sucuudiga, iy Kuwayd, balse Natiijadii waxa ay ku danbaysay in Isril qabsato dhul cusub oo Falsatiin leedahay oo lagu qiyaasay 3 laab in ka badan intii ay qabsatay sannadkii 1948.

Israil waxa ay dagaalkan ku qabstay marinka Qaza, iyo daanta galbeed oo ahaa intii ka hadhay dhulka Falastiin, waxaanay sidoo kale qabstay jasiirada Siinaay ee Masar iyo buuraha Golah heights ee suuriya.

Intaa wixii ka danbeeyay, lama arag wax dagaal weyn ah oo dhacay, inkasta oo dalal carab ahi sii wadeen iska hor imaadyo kooban oo qaarkoodna qarsoodi ka dhigeen, balse xaqiiqda dhabta ahi waxa weeyaan in ujeedada guud ee ay ka lahaayeen ahayd inay muujiyaan in aanay qaddiyddii carabtu dhiman wax iska caabbintun wali si jirto.

Sannadkii 1972kii Jamaal Cabdi Naasir ayaa meesha ka baxay isaga oo aan israil badd ku ridin, waxa xilka uga danbeeyay Maxamed Anwar Saadaat oo ballan qaadkiisii ahaa inuu isril babaiinayo aan xaqiiqo loo qaadan iyada oo maskaxda lagu hayo hadalladii looga bartay ninkii isaga ka horreeya, waxaana taa u sii xoojiyay hadalkiisii uu ku tilmaamy sannadkii 1972kii inuu yahay sannadkii go’aan qaadashada , sannadkiina dhammaaday isaga oo aan wax go’aan ah gaadhin.

Cabdiraxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com