Haku Mashquulin Dadka, Naftaada Sax!

Doodu meel walba wey ka dhacaysaa, hadaba marka aad dood ka qayb qaadaneyso, ku dedaal inaad fikrada la falanqaynayo aad waajahdo, haka fikirin dad ama ashkhaas gaar ah inaad ka doodo. Marka aad aragto in doodu ku meereysanayso shakhsiyaad, iyo in si gaar ah loo bartilmaameedsanyo,  doodaasi jooji, ka hor intaanad jaahil u muuqan, maxaa yeelay ka caqliga badani kama doodo wax aan fikrad ahayn.

Xasadka iyo dhibaatooyinka dadka waxaad naftaada ka badbaadisaa, kaliya marka aad fikrad ka doodo ee aanad shakhsi weerarin laakiinse dhibaataba waxa ay taagan tahay kolka aad dad ceebahooda iyo boogahood aad faraha la gasho, iyadoo adiguna aanad ahayn mid ceeb ka saliim ah. Haddii qofka ku nuux nuuxsada ka doodista goldaloolada dadka badbaadadiisu waa ay yar tahay, arimihiisuna waa ay kala daataan; xaasidkiisuna waa uu bataa maxaa yeelay qof kasta waxa uu leeyahay ceebo aan isaga u muuqan laakiin dadka kale u muuqata.

Sidaa darteed, arintaa ku baraarug oo adigu isku mashquul ka hor inta aanad cidkale kale dul onkodin. Ka mid ahaw kuwa caqliga badan, ee afgaabnida ku hanta haybada goobta ay joogaan, ka mid noqo kuwa caqliga badan oo ashkhaas haka doodine, afkaar ka dood

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com