Xikmadaha Xikmadaha

Masiibda Carabka!

  • Haddii adimadaadu ay raad kaga tagaan dhulka carabkaaguna wuxu raad kaga tagtaa qalbiga, waxa guulaystay qofka aan wax dulmiyin, beena aan sheegin.
  • Alskendar oo boqoradii Baabul ka mid ahaa ayaa la weydiiyay: Keeba loo baahan yahay cadaalad iyo geesinimo?, waxaana uu ku jawaabay : hadaan cadaalada haysano waan ka maarmaynaa geesinimada”
  • Marka Allah (sw) ka xidho Albaab, adigoo murugysan ayuu ku furaa mid ka wanaagsan, laakiin dadka badankoodu waxay lumiyaan awoodooda iyagoo ka fikiraya albaabka xidhmay , halkii ay ka eegi lahaayeen albaabka furmaya.
  • Iska Jir Masiibada carabka sababo ee isku dirka, Beenta, Xanta, iyo aflagaadaba leh.
  • Waxa wanaagsan inaad raashin ku mashquuliso Afkaaga, halkii aad ku mashquulin  lahayd beenta, isku dirka iyo xanta dadka,
  • Qorigu wax qiimo ah ma leh, marka dahabka la barbar dhigo, laakiin marka aad badda ku hafato waxaad qabsataa qoriga, dahabkana waad ka tagtaa, sidaa awgeed ma jiro wax aan qiimo lahayn, dadkuna waa sidaa  tix geli dadka dhamaantood.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com