Khurafaadka Adeegsiga Qalinka Sixirka Iyo Imtixaanka

uu uga gudbi lahaa imtixaankaasi. Arinkani xataa waxa uu saamayn ku leeyahay ardayda dadaasha ee caqliga badan maxaa yeelay imtixaanka ayaa iska leh cabsi-cuqdadeed aad u weyn gaar ahaana marka uu soo dhowaado.

Wakhtiyada Imtixaanada guud la qaadayo dunida meel kasta waxa ka bilaabma ganacsiyo kala duwan oo imtixaanada ah, qaarkood waxa ay sheegaan inay in imtixaankii ay hayaan iyagoo been ardayda ka iibiya nuqulo aan jirin oo been abuur. Kuwa kale waxa ay sheegaan in goobta lagu gelayo ay iyagu ilaalinayaan oo ay u fududayn doonaan ishka iyo eegashada. Falalkaasi xun waxa ay kaga faa’iidaystaan ardaydii dadaalka gelin lahayd imtixaanka ooay wakhtiga kaga lumiyaan been iyagoo weliba kaga qaata lacago.

Haddaba waxa waayadan danbe ku soo kordhaya iyaguna arimahaasi macbadada iyo goobaha khurafaadka,  Sidaa awgeed Macbad ku yaalla dalka Hindiya ayaa sheegay inuu doonayo in arinkaasi ardayda ka fudaydiyo sidaa awgeedna waxa uu soo saaray Qalin sixir ah oo arday kasta oo imitxaanka ku gaalla aanu dhacayn ee ka gudbayo.

Macbadkan ayaa sheegay in qalinkani yahay dhamaadka imtixaan dhicidda, iyagoo qalinkan ka bixiyay balan qaad iyo damaanad 100%. Macbadka ayaa intaasi ku daray in qalinkani aanu ardayga imtixaanka keliya gudbinayn ee uu weliba ardayga u ogolaanyo inuu helo derejooyin sare. Qiimaha lagu iibinayo qalinka ayaa ah lacag dhan $ 29.  “ U iibi ilmahaaga qalinka si uu gudbo Imtixaanka fasalada dhamaadka waxbarshada dhexe ama sare iyo jaamacadda”, waa kelmadaha xayaysiiska ah ee ku lamaan qalinkan.  Ugu danbaystiina waxa la ogaaday in arinkani ka mid ahaa khiyaamooyinka lagu shaqaysto wakhtiyada imtixaanada guud ay ardaydu u fadhiisanayso.  Wakhtiga imtixaanka weligaa ha rumaysan beenaha loo samaysto in lagu dhaco ardayda iyo waalidiina. (source:bestofwonders)

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com