Qaabka Ilaalinta Iyo Farsamooyinka Tuugada!

Sanadkii 1963 ayaa dalka Maraykanka nin lagu xukumay 20 sano xadhig ka dib markii uu Bank ku yalaa dalkaasi dhacay. Markii xadhigii ka dhamaday ee la soo daayay muddo dheer kuma uu noqon xatooyadii iyo boobkii tuugada ahaa. Laakiin sanadkii 2003 ayuu Bank ku yalla gobolka Virgina ee dalka Maraykanka isku deyay inuu mar kale si farsamaysan u xado.

Laba nin oo Lacag-haye baanka ka ah ayuu mid kasta ka codsaday inuu lacag siiyo,  dalabkiisa ayuu mid kastaa fuliyay, iyadoo aan la aqoonsan sababta dhakhsaha ee jawaabtooda.  Tuugga ayaa markiiba jeebada ku riday lacagta o lagu qiyaasay dhowr kun oo doller, waxaana uu ka baxay Baanka, isagoo rabay inuu gaadhigiisa debedda uu yaallay uu kaxaysto si uu ugu baxsado, ka hor inta aan la ogaan.  Laakiin nasiib daro waxa uu ogaaday in muftaaxi gaadhiga uu ku jiro gaadhiga gudihiisa, waxaana uu bilaabay inuu ka baxsado goobta markii uu arkay ilaalada baanka oo ogaaday tuugada isla markaana doonaya inay xidhaan. Mid ilaalada baanka ka mid ah ayaa bastoolad la soo baxay oo lugta ka toogtay tuugga.

Sidasi ayaa lagu qabtay, waxase yaab noqotay in maxkamaddii markii la qaadayay kiiska tuugu uu noqday mid ka fudud kan lagu qaaday labada ilaaliye. Labada ilaaliye maxkamadu waxa ay cuskatay denbiga ah isku day dil, iyadoo sabab uga dhigtay ina aanay ahayn booliiska sharciga u lahaa inay rasaas ku furaan goobaha dadweynaha dhexdooda. Ninka tuugana waxa lagu qaaday kiiska tuugda budhacdda ah oo aad uga fudud isku dayga dilka.

 

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com