Dantaadu Waxay Ku Milantay Danta Guud!

Waa jir dad ay adag tahay ina ay saameyn ku yeelato dabeecadaha dadka khariban ee ku hareeraysan, waxa ay awood u leeyihiin inay kontaroolaan fikirkooda, hadalkooda iyo dhaqankooda intaba.

Waxa jira dad hadaf iyo ujeed  u samaysta arrin kasta oo ay ku dhaqaaqaan, uma sameeyaan howlahooda hadaf la’aan.

Nooc dadka ka mid ahi waxa uu aqbala dabeecadaha dadka kale, haddii uu xun yahay iyo haddii uu wanaagsan yahayba. Waana uu la dhaqmi karaa.

Nooca dadkan waa kuwo isu dheelli tira danahooda shakhsiga ah iyo danta guud, iyagu wax kasta islama jecla , waxa ay jecel yihiin inay dantooda ka dhex arkaan danata guud.

Nooc kale oo Dadka ah ayaa  dulqaadkoodu badan yahay, howl kasta oo ay qabanayaan kama muuqato degdeg, waxa dhici karta ina ay gacan culays iyo raajin leeyihiin, laakiin waa dabci ku dhisan ka fiirsi, degenaansho iyo adkaysi oo aanay hawshu waxba yeelayn mudada ay gudanayaan.

Dadka qaarkood ayaa caqabad kasta oo nolosha ah oo soo waajahada si fudud u maarayn kara iyagoon dareemin murugo iyo niyad jab midna

 

 

xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com