Magaalo ku Taalka Nigeria oo u Dabaal Degay Jeer ay Dileen

Dadka deggan magaalo ku taal waqooyi-galbeed ee Nigeria ayaa dabaal-degay ka dib markii ay dileen Jeer naadir ah – oo ay weheliso weysheedii oo dhibaato ku haysay dadka deegaankaas. Magaaladan oo lagu magacaabo Yauri ayaa dadkeedu isugu jiraan beeralay iyo kalluumaysato.

Dadka ku nool Yauri, ee gobolka Kebbi, ayaa aad uga argagaxay Jeerta ka dib markii ay dishay kalluumaysato u shaqaynayey madax dhaqameedka deegaanka.

Waxay ku kaliftay maamulka gobolka Kebbi inay amar ku bixiso in neefka la dilo si loo badbaadiyo bulshada ku nool hareeraha webiga Niger.

Tirada Jeerta ama Hippo-da ee Nigeria ayaa si xawli ah hoos ugu dhacday dhowrkii sano ee la soo dhaafay – qiyaasaha ayaa soo jeedinaya in hadda ay ku nool yihiin dalkaa ​​100 Jeer ah, kuwaas oo inta badan ku nool aagagga la ilaaliyo.

Jeertan oo ku nool Yauri ayaa waxaa baadigoob ugu jiray niman dhallinyaro ah, kuwaas oo dilka u adeegsaday warmo gudaha lagu sameeyo oo loo yaqaanno “zagos”. Waxa dilkeedu qaatay todobaadyo baadi goob loogu jiray.

Maydkeeda ayaa markii la dilay lagu soo raray Dooni, waxaana la geeyey qasriga Amiirka Yauri, halkaas oo lagu gowracay, hilibkeediina loo qaybiyey dadka deegaanka.

“Waxaan nahay magaalo ay ku nool yihiin kalluumaysato iyo beeraley, Jeertan ayaa dad badan ka dhigtay inay joojiyaan inay dibadda u baxaan cabsi laga qabo weerar,” Sani Yauri oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay BBC-da.

“Marka laga reebo dilka xubin ka mid ah shaqaalaha amiirka, waxay sidoo kale si xun u dhaawacday qof kale – iyada oo aan sidoo kale la iloobin waxyeelada ay si joogto ah u geysato dhulalkayaga.”

Waxaa jira beero badan oo doog ah oo ku teedsan daanta webiga ee magaalada u dhow, halkaas oo mararka qaar ay daaqi jirtay.

“Waan ku faraxsanahay in la dilay oo dadku ay u soo baxeen farxad – sidoo kale waxay heleen qaybtooda hilibka,” ayuu yidhi Mr Yauri.

Sawirro laga soo qaaday neefka dhintay ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada – iyada oo falcelinno kala duwan laga bixiyay: qaar ka mid ah bulshada deegaanka ayaa si weyn u ammaanay sida ay isu taageen, halka qaar kalena ay walaac ka muujiyeen daryeelka xoolaha.

Jeerta caadiga ah waxay ku jiraa liiska cas ee noocyada halista ah ee ay isku geeyeen Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Dabeecadda (IUCN).

“Kani waa nooc dabar go’aya, waanan ka murugooday markii aan arkay muuqaalka dadka u dabbaaldegaya markii la dilay,” Isyaku Abdullahi, oo ah u dhaqdhaqaaqa xuquuqda xayawaanka, ahna aasaasaha Ururka Codka Xayawaanka ee Afrika ee Nigeria, ayaa u sheegay BBC.

“Waxa ay ahayd in dadka Yauri ay sameeyaan waxay ahayd inay u sheegaan mas’uuliyiinta ay khuseyso kuwaas oo qaban lahaa oo rari lahaa.”Jeertu waa kan saddexaad ee ugu weyn naasleyda dhulka ilkahoodu waxay gaadhi karaan ilaa 50.8cm (20in) dherer ah.

 

 

Xigasho:wargeyska dawan

bandhige@gmail.com