Maxay ku kala duwan yihiin shaqsiyada hoggaamineed ee Cabdiraxmaan Cirro iyo Muuse Biixi? Q.1aad  (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Awooda Baaxadda weyn ee Rabbi ayay calaamad u tahay Kala gedisnaanta hibawiga ah ee rabbi sida kala duwan ugu kala manaystay Basharkiisa, iyadoo manooyinka, hibooyinka iyo deeqaha alle ku kala galaday dadkiisu ay abuureen is majeerasho iyo farqi nolosha basharka dhexdiisa micno gooni ah u yeelay.

Haddaba inagoo taas hore maanka ku hayna, ayaa waxaan Qormadayda kusoo bandhigaygaa, waxa ay ku kala gedisan yihiin shaqsiyadda hogaamineed ee Muuse Biixi Cabdi (Musharaxa Madxweyne ee Xisbiga Kulmiye) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),oo ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Wadani, labadan nin oo u muuqda labada Maanta uu dhexyaalo kursiga hogaamineed ee talada Somaliland, marka laga qiyaas qaato waxa maanta indhaheenu arkayaan, iyadoo taladii ilaahayna meesheeda taalo:

Shaqsiyadda Hogaamineed ee Muuse Biixi Cabdi:- Xirfad ahaan, waa nin asalkiisii hore ahaa Kornayl milateri ah oo ka tirsanaa Ciidankii Soomaaliya, kana mid ahaa Raggii uu Derajadda garbaha u sudhay Generaal Maxamed Siyaas Barre, Hogaamiyihii Soomaaliya ee la riday, door aad u weyna ku lahaa mid ka mid ah jabhaddii ka kacay dhulweynihii Soomaaliya sanadihii Sideetamaadkii iyo Bilowgii Sagaashaamadki, jabhadaas oo aakhirkii ku guulaystay inay hilfaha u qaadaan nidaamkii maamul ee ugu xoogga weynaa Maamul ahaan iyo Ciidan ahaanba ee ka dhisma dhulka Soomaaliyeed inta taariikhda la xasuusan yahay, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin leh damac hogaamineed iyo mid madaxtinimo marka la barbar dhigo Kornayladii isaga la midka ahaa ee ay Jabhaddii SNM ka wada tirsanaayeen, una soo maray gaadhitaanka damaciisa hogaamineed Mahlakooyin badan oo siyaasadeed, balse, samir iyo adkaysi badan oo uu hibo u leeyahay darted, ay u suurta gashay inuu Maanta halkaan (musharax Madaxweyne) joogo, waa nin marka uu masraxyadda siyaasadeed, iyo kuwa bulsho-ba ka hadlaya ay ka muuqatao inuu yahay nin isku kalsoon, lehna balaaqad iyo codkarnimo dadka uu la hadlayo ugu sheegi karo fariinta uu rabo inuu gudbiyo, balse, inta badan, ay khudbadihiisu cadaw badan u abuuraan, isagoo aan u meel deyin inta badan weedhaha ay ka kooban yihiin khudbadihiisu. Waa nin dadka dhaliilaan ay ku tilmaamaan inuu yahay nin aan degenayn, oo qab weyn, oo mararka qaar qaata go’aano aanu ka fiirsan oo mahlakooda leh, balse, kuwa taageeraan ay ku doodaan inuu yahay hogaamiye marxaladeed, oo ah ninkii ku haboonaa marxaladdan maanta lagu jiro oo kale.

Muuse Biixi, waxaa dadka aqoonta hoose u lihi ku tilmaamaan, inuu yahay nin aan naxariis badnayn, aadna isula weyn, una haysta in dadku isaga wax ku yahay, ee aanu isagu dadka wax ku ahayn, taasoo ah nabar aad u weyn oo ku yaala qalbiga nin rabba inuu ummad dhan masdiirkeed uu xambaarto, aadna u jecel in waxa uu aaminsan yahay sax iyo khaladba uu xoog ku socodsiiyo qiime kasta oo ay ku kacaysaba, waana sababtaas tan ay kuwa taageersani ugu yeedhaan inuu yahay Hogaamiye Marxaladeed, Siyaasad ahaan, waxaa la sheegaa in marjiciisa ugu weyn ee siyaasadeed uu Yahay Ismaaciil Cumar Geelle, oo isagu ah Madaxweyne aan la dhacsanayn Qadiyada Gooni Isu taaga ah ee Soomaaliland aaminsan tahay, dhaqaale ahaan, waxaa la sheegaa inuu aad ugu tiirsan yahay taageeradda maaliyadeed ee ninka ay isu haybta yihiin ee lagu magacaabo Ina Aw Siciid, oo isaga laftiisu si weyn ugu xidhan Ismaaciil Cumar Geelaha ee reer jabuuti.

La Soco Qaybta labaad oo ka hadlaysa Shakhsiyadda hogaamineed EE Cabdiraxmaan Cirro iyo Berito…Insha Allah……

Qalinkii: Hussein-Lucky Mohamed Mohamoud,

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com