Maxay ku soo biirin karaan xisbiga Waddani siyaasiyiinta ka mid noqday ee Garabka Is-bahaysigu? (WQ: Maxamed Xaaji)

 

Faalladani waxa ay noqon doontaa mid aad u kooban, laakiin nuxur ahaan tafsiiri doonta fooraha siyaasiga ah ee olalaha doorashadu kiciyey. Waxa ay si guud u faaqidi doontaa faa’idada xisbiga ay u keeni karaan xilliga doorashada garabka is-bahaysiga siyaasadda ee Waddani ku soo kordhay.

Maxay kordhin karaan miisaan ahaan maanta garabka is-bahaysiga ee ku biiray Waddani? Jawaabta waxa si dadban u bixin doona mawduuceena maanta, oo xisaabta xilliga siyaasadda ka duulaya. Bal se marka hore aan taariikh ahaan u taabanno is-bahaysiga iyo cidda ay yihiin.

Waxa hubaal ah in ay garabkani yahay mid siyaasiyiintiisu badi curdin ku yihiin saaxadda siyaasadda ee Somaliland. Waxa aan la dafiri karin in hoggaamiyaha kooxdani yahay Xirsi. Xubnaha kala ee sida fiican loo garannayo iyana waxa ka mid ah Maxamed Biixi, Xuseen Caydiid, Waabeeyo, Tanyalle iyo xubno kale oo dawladda Xirsi iska la casillay.

Siyaasiyiintani wixii ka horreeyey 2010 ma aysan ahayn siyaasiyiin xus leh oo siyaasadda dalku ay magac dhawdo. Laakiin muddadii danbe oo dhan waxa ay ahaayeen miisaan dawladdeed oo talada dalka wax weyn ku leh.
Sababtuna waxa weeye in ay dawladnimadii iyo awooddii dalku ay si toos ah gacanta Xirsi ugu soo dhacday 2010 ilaa iyo 2015. Wakhtigaa waxa uu Madaxweyne Siilaanyo gacanta ka galiyey Wasiirkiisa Madaxtooyada in ka badan 90% awoodda dastuuriga ah ee dalka xaalkii doonaa ha keeno eh. Taas oo badi kaliftay in xubnahani tareenka dawladnimo si aan la mahadin ugu dul doobbiyaan.

Wasiir Xirsi awooddaa balaadhan ee dawladnimo kuma uusan jooggin e, waxa uu bilaabay in uu siyaasadda Somaliland ee mustaqbalka awoodda maanta gacanta u soo gashay meel uga sii sameysto. Waxa uu isku dayey in uu urur siyaasaddeed aas aaso, kaas oo markii danbe noqday ururkii Nasiye, oo ku haggaasay foorihii hore ee ololaha, ka dib markii Kulmiye fashilliyey qorshaha Xirsi oo aaney Madaxtooyadu hore ula socon.

Intaa wixii ka danbeeyey guul-darrada ururka Nasiye kuma uusan jooggin e, waxa kale oo uu fara-galin balaadhan ku sameeyey kala reebista iyo soo bixista Xisbiyada qaarkood. Awoodda dawladnimo ee Xirsi gacanta u soo gashay waxa ay ahayd mid aad u balaadhan. Xirsi na waxa uu ahaa nin aad u dhiiran oo waliba firfircoon qalad iyo saxna ku indho-adag.

Xirsi markii uu ka war helay in aaney suura-gal ahayn in Madaxweyne Siilaanyo talada dalka mar labaad u ordo, waxa uu bilaabay in uu dhinac kale uga wareeggo. Taasi waxa ay keentay in aakhirkii uu ku soo jeesto Xisbiga Kulmiye si aaney awooddiisu ugu ekaan muddada Siilaanyo xilka hayo oo kaliya.

Dagaal ayuu ku qaaday Kulmiye oo ahaa xisbigii xukuumadda. Waxa uu dawladnimadii ka dhex sameystay dawlad kale oo isaga ka amar qaadata. Si wal oo uu iga takhalusi karayeyna waa uu sameeyey. Waxa se ku adkaatay in uu dhanka ciidanka saameyn ku yeesho.

Xirsi ma ahayn nin ciidan ah, marka ay timi sheekada ciidanku, askartii xisbiga Kulmiye waa uu ka guuleysan kari waayey, oo waxa ay la cayaarreen xirfaddo hor leh oo kalifay in isagu qirin-qiir galo.

Waxa dhacday in uu dib siyaasaddii ugu soo noqdo oo uu faraha kala baxo ammuuraha ciidanka. Taa qudheeda waa laga ga guuleystay markii ay soo dhawaatay wakhtigii doorashadu, oo Madaxweynuhu muddo kordhin u baahday.
Muddo kordhintaa oo Beesha Caalamka iyo wax-garadka Reer Somaliland ay ka soo horjeesteen, Xirsi waa uu noqon kari waayey nin meel mariya, waxa na loo baahday in xisbigii la la dagaallamayey dib loogu noqdo.

arrintani waxa ay isa sii kaba-raacisay jamhuurkii uu Xirsi hor kacayey. Hal fursad kaliya ayaa u bannaaneyd Xirsi oo ahayd in uu ku dhex dhabbaro dawladda, taasina waayo-aragnimada siyaasadda oo ku yareyd awgeed ayaa ku yareysay samirka in uu guul-darrada xammilo.

Xirsi waxa uu ku guul-darraystay in is-bahaysiga u sameeyo hal murashax muddadii uu awoodda badan gacanta ku hayey. Waxa se taa beddelkeedii uu dhex booday murashaxiin saddex ah oo laba ka mid ahi isku deegaan ahaayeen (Maxamed Biixi iyo Cabdicasiis Samaale). Halka uu Kijaandhe na ka soo jeeday deegaan uu Kulmiye ku xoog badnaa.

Tan iyo maalintii uu is casillay Xirsi, waxa ay siyaasaddiisu magan u ahayd murashxiinta saddexda ah ee Muuse Biixi kula tartamaya kursiga. Guushooda ayaa guushiisu ku xidhneyd, guul-darradooduna waxa ay ahayd masiibo siyaasi ah oo Xirsi ku dul hoorta.

Xirsi deegaanka uu ka soo jeedo, waa la doortay. Siyaasadda dalka marka aad eegto dhaqankeedana waa ay ka xidhneyd deegaankaa in cid murashax u noqoto mar labaad. Waana sababta keentay in Xirsi magan sado saddexda murashax oo uu mid ka mid ah sameystay.

Murashaxnimada Cabdicasiis Samaale ma ahayn mid uu Xirsi lahaa, ee waxa ay ahayd mid ka mug iyo miisaan weyn oo wakhti hore abuurantay. Sidoo kale ta Kijaandhe waxa ay ahayd mid ku timi darreen deegaan oo taageerro badan Kulmiye hore u siiyey.

Mar labaad ayaa Xirsi laga ga guuleystay in labadii Murashax (Saamale iyo Kijaandhe) Kulmiye dib loogu qanciyo. Waxa ay isku soo hadheen Xirsi waa Maxamed Biixi oo murashaxnimadiisu ahayd mid uu Xirsi gacan badan ku lahaa.

Haddii ay taariikhda is-bahaysigu sidaa tahay, waxa ay su’aasha weyni ka joogtaa maanta oo ay Waddani ku biirreen maxay ku soo kordhin karaan? Jawaabtu waa ay fududdahay, waayo siyaasaddu waa xisaab iyo xaallad waayaha meertada ahi is barkiyo.

Is-bahaysiga ujeedadiisu waxa ay ahayd in ay ku dhex tartamaan Xisbiga Kulmiye, iyaga oo awooddii dawladda adeegsanaya. Xisbiga Kulmiye hoggaankiisa Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin iyana waxa ay ogaayeen in aaney guuleysan karin ilaa inta ay taageerada dawladda badhkooda heli karayaan.

Dagaalkii is-bahaysiga iyo Kulmiye dhex maray waxa ay guushu raacday Kulmiye oo aakhirkii Madaxweynaha kasbashadiisa ku guuleystay. Halkaas uun baaney ahayd halkii guusha xisbigu taalley ee loolanka siyaasiga ahi ka socday.

Is-bahaysigu bannaanka ayuu uga baxay dawladdii dhexdeeda laga ga guuleystay. Waa hubaal in ay ahayd in mar labaad la jabay, taladeedana waxa iska lahaa Xirsi. Waayo nin dawlad dhexdeed lagu karbaashay, in uu bannaan cidla ah wax isaga celin karo waa barkumataal.

Xirsi deegaankiisa saameyn badan ma ku yeellan karaa? Waa haddii uu murashax yahay oo uu wax uu doonayo oo faa’ido ahi jiraan, taasina hadda ma muuqato. Waxa hubaal ahayd in uu ku dhex dhabbarayey murashaxiinta saddexda ah ee deegaannada kale ka soo kala jeeda.

Laba ka mid ahi oo miisaanka ugu weyn lahaa waa ay ka laabteen go’aankii in ay la dagaallamaan Kulmiye. Cabdicasiis Samaale kali kuma ahayn ololaha ee wadaaddada dalka oo dhan ayaa kula socday oo falsafad dalka taal ayaa dabada ka riixaysay. Kijaandhe isaga deegaan ayaa si xoog badan u taageerayey.

Labadii maanta meesha waa ay ka maqan yihiin. Maxamed Biixi ayaa ku soo hadhay! Maxamed ma noqon doono nin ka ololeeya Muuse Biixi oo ay isku deegaan hoose ka soo jeedaan oo cimmilada ayaa ka hor imaneysa.

Maxamed maanta gacmaha waxba ugu ma jiraan oo ma aha murashax, ma aha nin olole qabiil gali kara, sidoo kale Maxamed waa figure caalami ah oo dalka gudihiisa aaney wax badani kaga xidhneyn.

Maxamed dhawaan dib ayuu u dhoofi doonaa, oo hawlo badan oo dibedda kaga baylah ah ayaa jira, quruskiisana horeba illaahay Somaliland uma dhex dhigin.

Maxamed waa uu iska shaqeysan doonaa. Taasi waxa ay ka dhigan tahay in raggii wax doonayey ay kala danneystaan. Haddii ay sidaa tahay is-bahaysigu halkuu ka ololeyn ee uu taageero uga dooni Waddani?
Marka ay noqoto wax qabad dhamaan is-bahaysiga waa la soo arkay, oo waa la tijaabiyey, dhankaa marka laga eegana laga ma fillayo in ay dawladnimo mucjiso ah ku soo kordhin karaan dalka.

Jawaabtu waa in ay is-bahaysigu ku soo beegmeen xilli kumaan kun ay jaamacaddaha ka soo qalin-jabbiyeen, oo maanta ay sameyn karaan xis naqdi ah. Waxa kale oo hubaal ah in ay farsamo siyaasaddeedkii ay hore u cukeen ay dabayshu qaaday.

Xisaabta siyaasadda marka la isku celceliyo, ee dhaqanka siyaasiga ah ee dalka yaal aad dhinac walba kaga tosho, waxa kuu soo baxaysa in is-bahaysigu aaney keeni karin guusha xisbiga Waddani. Laakiin taa macnaheedu ma aha in uu xisbiga Waddani guul-darresanayo, ee waa in aaney iyagu cid ugu saameyn yar yihiin.

Waxa hubaal ah in wakhtiga iyo xaallada siyaasadduba ka hiilliyeen is-bahaysiga. Waxa aan soo jeedin lahaa in aan xisbiga Waddani wakhti badani kaga lumin siyaasad cugmi wayda. Taa beddelkeeda se ay ku mashquuliyaan in ay la yimaadaan barnaamij fiican oo dhalinta inta xiska naqdigu shaqaynayo qancisa.

Haddii dadba inta garashada sare alle ku maneystay aad qanciso hugunka iyo jamhuurka inta badan iyaga ayaa ibbo fur u ah oo daadka soo jabin doona. Wa Bilaahi Tawfiiq.
Waxa qoray: Maxamed Xaaji Maxamuud