Guddida Doorashada Dadban ee Soomaaliya oo dhabarka u jeedisay cabashada xubnaha Somaliland ka soo jeeda

 

Xubnihii ka goostay Somaliland ee ka mid noqday xukuumadda Soomaaliya waxa soo wajahday xaalad adag kadib markii mar labaad laga dhagaysan waayey cabasho ay ka muujiyeen dhismaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, kaas oo ay ku tilmaameen mid ka fog caddaaladda.

Xubnahan oo sheegan jiray in ay u maqan yihiin Somaliland isla markaana ka shaqaynayaan sidii ay Somaliland iyo Soomaaliya u midoobi lahaayeen si isleegna wax ugu qaybsan lahaayeen ayaa dooddoodu daciiftay kadib  markii ay heleen 11 xubnood oo kali ah halka Koonfurtuna ka qaadatay 43 xubnood, sidii caadada ahayd.

Waxa taas kaga sii daran iyada oo gacan-ku-dhiiglihii hormoodka ka ahaa xasuuqii ku dhacay Somaliland 1988, Maxamed Siciid Moorgan, ay kursi la soo fadhiisan doonaan maadaama uu qarka u saaran yahay in uu ku soo baxo Golaha Sare isla markaana ay dhici kartaba in uu Guddoomiye ka noqdo.

Koox Somaliland ku abtirsata oo ay horkacayaan Ra’iisal-Wasaare-Xigeen Maxamed Cumar Carte, Wasiir Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, Xildhibaan Cilmi iyo Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sida fiinta u qaliyey, af-muslin iyo af gaalba ku hadlay, sidii arrinta wax looga beddeli lahaa, laakiin dhabarka ayaa loo jeediyey. Taasina waxay keentay in ay si qayaxan qaadacaan doorashada dadban ee halkaas ka dhacaysa, in ay ku adkaysan se mooyaan.

Waxa awoodda ugu sarraysa ee qaybinta kuraasta iska leh kooxda loogu yeedho Madasha Wada-tashiga oo ka kooban madaxweyneyaasha 6 maamul-goboleed ee Somaliya iyo 4-ta nin ee ugu sarreeya xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya. Dadka ku abtirsada Somaliland waxa ku jira oo kali ah Maxamed Cumar Carte. Sida  ay sheegayaan wararku, fikradaha uu soo jeediyo waxa si sahlan u muquuniya reer-koonfureedka oo kaga badan Madasha.

Xildhibaan Muuse Awal Xiis oo kooxdan u hadlay shalay ayaa tibaaxay in waxa ugu yar ee ay aqbali karaan ay tahay 15 xubnood, taas oo ku dhisay 54-ka xubnood ee Golaha Sare oo si siman loogu qaybiyey 18-kii gobol ee Soomaaliya.

Siyaasiyiin caan ah oo hore uga fallaagoobay Somaliland oo ay ka mid yihiin Axmed Ismaaciil Samatar, Ismaaciil Hurre Buubaa iyo Cali Khaliif Galaydh ayaa beryihii ugu dambeeyey quus ka joogsaday Soomaaliya una soo noqday Somaliland marka laga reebo Cali Khaliif Galaydh oo haatan wada-hadallo kula jira Somaliland.

Dhammaan xubnahaas siyaasiyiinta ahi waxay ka siman yihiin in Somaliland wax u yaalla Soomaaliya aanay jirin.

Maaha markii koowaad ee cawdaan xubnaha Muqdisho jooga ee ka soo jeeda Somaliland. Marar hore oo door ah ayay cawdeen waxbase cabashadoodii kama suurto-gelin. Tanina uma eka in ay ka duwanaan doonto kuwii hore.

Bandhige@gmail.com