Maxay qaramadu u fashilmaan? (WQ: Xasan Cabdi Shire)

Dhawaan waxan akhriyey buugga caanka ah ee la yidhaa “Why Nations Fail” af-Soomaalina ku noqonaya “Maxay waddamadu u fashilmaan?” Waxa qoray Daron Acemoglu iyo James Robinson.  Waa buug gudbinaya xog qiimo leh, waxaana ku duugan casharo anfici kara cid wal oo  diyaar u ah in ay waddankooda horumariyaan ama ugu yaraan ka badbaadiyaan burbur, saboolnimo iyo nolol tayadeedu liidato.

Qoreyaashu waxay sameeyeen daraasado socday muddo ku siman 15 sanno, sidoo kalena waxay soo xigteen baadhitaano ay qoreyaal kale sameeyeen si ay uga jawaabaan su’aasha ah “Waa maxay sababta ay waddamada qaar u yihiin qani kuwo kalena sabool, waddamada qaar caafimaadku ugu badan yahay kuwo kalena cudurku, ummadaha qaar cunto ku filan uga dhargeen kuwo kalena u gaajoonayaan?

Maxay tahay sababtu. Ma cimilladaa? Ma dhaqanka bulshadaa? Ma dabeecadda deegaankaa? Ma aqoon-darro siyaasadeedbaa?

Maya. Arrimahaas midkoodna maaha sababaha is dhaafiyey ummadaha adduunka ee ay qaarna taxadka u yaallaan kuwo kalena cirka u marayaan.  Bal is weydii sababta ay Botswana u tahay waddamada dunida ugu koritaanka badan halka dalal kale oo Afrikaan ah sida Zimbabwe, Congo iyo Sierra Leone u yihiin waddamo fakhriga iyo colaaduhu dishoodeen; sababta Waqooyiga Ameerika uga qanisan yahay Koonfurta Ameerika.

Acemoglu iyo Robinson cilmi-baadhistooda kuma ay salayn wakhtigan casriga ah oo kali ah laakiin waxay sidoo kale daraaseeyeen boqortooyooyinkii hore iyo maamulo qarniyo ka hor jiray oo meesha ka baxay sida tii Roomaanka iyo xaddaaraddii Maya ee ka jirtay Badhtamaha iyo Koonfurta Ameerika.

Sababta ugu weyn ee waddamadu u fashilmaan waxay qoreyaashu ku sheegeen in ay tahay siyaasadda iyo dhaqaalaha oo noqda kuwo aan loo dhammayn iyo hay’adaha dawliga ah oo noqda kuwo cid gaar ahi ku danaysato loona adeegsado in dhaqaalaha dalka soo gala badankiisa lagu lunsado. Taas caksigeeda, waddamada iyo xaddaaradaha guulaystay dhammaantood waxay ka siman yihiin in hay’adahooga dawliga ahi yihiin kuwo loo siman yahay, loo dhan yahay, isla markaana suurto galiya in siyaasadda laga wada qayb galo dhaqaaluhuna ku baaho muwaadiniinta oo dhan.

Mid ka mid ah tusaaleyaasha ugu xiisaha badan ee buuggu soo qaatay waa qowmiyadda Kuuriya. Waa dad isku mid ah, isku dhaqan ah, isku af ah, isku cimilo ah, sina aan u kala duwanayn.  Haddana Koonfurta Kuuriya waxay ka mid tahay waddamada adduunka ugu dhaqaalaha wanaagsan halka Waqooyiga Kuuriya ay ka mid yihiin dadyowga dunida ugu saboolsan uguna nolosha liita.

Sababtu wax kale maaha. Koonfurta Kuuriya waxay hay’adaheega ka dhigtay kuwo loo siman yahay, bulshada oo dhana u adeega. Muwaadiniinteeda waxay siisay fursado isku mid ah haddii ay tahay dhinaca dhaqaalaha, dhinaca bulshada iyo dhinaca siyaasaddaba. Qof kasta guushiisu waxay ku xidhan tahay hadba inta uu fikir iyo dedaal la yimaad. Sidoo kale, waxay dhiirigelisaa isla markaana abaal marisaa hal-abuurka bulshada, waxaanay dejisay siyaasad muwaadin kastaaba uu qaybtiisa ka helo wixii barwaaqo waddanka u soo korodha. Madaxda Koonfurta Kuuriya waxa loo doortaa hannaan dimuqraadi ah, waa xukuumad lala xisaabtamo, awoodda ugu bandanna waxa leh cashuur-bixiyeyaasha.

Laakiin Kuuriyada Waqooyi xaaladdeedu taas aad bay uga duwan tahay.  Hay’adaheeda dhaqaaluhu cid gaar ah ayay u xidhan yihiin. Hal qoys ayaa awooddi dalka cunaha isaga duubay, ganacsigii waxa u heshiiyey dad kooban iyadoo dadka intiisii ugu badnayd gaajoonayaan. Xukuumaddu maaha mid dadku la xisaabtami karaan, fursadaha ay dadweynuhu helaana isma beddelaan mana kordhaan. Taasi waxay sababtay in waddankaasi uu tobannaan sanno ku sifoobo fakhri, cadaadis dadweyne, rajo la’aan siyaasadeed iyo dhaqaale aan ka soo raynayn in uu sii xumaado mooyee.

Tusaale labaad waa Zimbabe oo uu ka taliyo nidaam kali-talisnimo u dhaw, hay’adihiisa dawliga ahina yihiin kuwo ay dad gaar ahi ku qadhaabtaan oo dadka intiisa badan kaga sarreeyaan. Sannadkii 2008kii dakhliga qofkiiba soo galaa wuxu kala badh ka yaraa dakhliga qofkiiba soo gali jiray markii ay xornimada qaateen 1980. Shaqo la’aantu waxay 2009kii istaagtay 94%, sicir-bararkuna wuxu gaadhay meel aanu gaadhin waddan kale. Botswana oo ay xad wadaagaan dadkeedu waxay ku naaloodaan dhaqaale heerkiisu sarreeyo, xorriyad iyo nolol tayo leh.

Caawimooyinka beesha caalamka ayaa iyaguna saamayn xun ku yeesha waddamada saboolka ah maadaama dhaqaalaha lagu caawiyaa intiisa ugu badan aanu gaadhin dadkii loogu talo galay kuwa la caawiyana ay ku keento is-dhigasho. Tusaale ahaan Afgaanistaan oo dunidu ku caawiso balaayiin doollar qoreyaashu waxay sheegeen in 10% kali ahi gaadhaan dadkii baahnaa ee lagu caawinayey.

Su’aasha muhiimka ahi waxay tahay, maxaa saacidi kara in waddamadu korriin sameeyaan kana badbaadaan burbur bulsho iyo mid dhaqaale. Acemoglu iyo Robinson waxay aaminsan yihiin in jawaabtu tahay siyaasadda iyo dhaqaalaha oo muwaadiniinta laga wada qayb galiyo lagana digtoonaado in cid gaar ah la go’doomiyo ama la dayaco. Sidoo kale in hay’adaha dawliga ah laga dhigo kuwo muwaadiniinta oo dhan danahooga si siman ugu adeegga, cid gaar ah aan gacanta ugu jirin, qaybaha kala duwan ee bulshada oo dhamina iska dhex arkaan.

Intaas waxa soo raaca, dawladdu in ay abuurto jawi iyo shuruuc ku habboon ganacsiga iyo maalgashiga, in qandaraasyada loo maamulo hab caddaali ah, xuquuqda lahaanshaha hantida gaarka ah la sugo, sharciga iyo kala dambayntana la adkeeyo. Dawladda haddii afar arrimood mudnaan u yihiin, saddex ka mid ahi waa in ay dhaqaalaha xidhiidh la lahaadaan. Si kale haddii loo dhigo, koboca dhaqaaluhu waa in uu noqdaa ahmiyadda koowaad. Maalgelinta khayraadka dadka sida waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka ayaa iyaguna door fiican ka qaata horumarka dal walba iyo koritaan dhaqaale oo raandhiis leh.

Ugu dambayn, Acemoglu iyo Robinson maaha qoreyaashii ugu horreeyey ee arrimahan iftiimiya, waxayse sii faahfaahiyeen isla markaana xoojiyeen fikradihii ku duugnaa buugaagta ka horreeyey ee kala ah Bottom Billion Theory (2007), Style of Diamond (1997) iyo McNeil’s Principles of Macroeconomics (1963).

Waxa xusid mudan buuggani in aanu dhaliil la’ayn nuxurkiisuna aanu intan ku dhammayn. Waxan halkan ku soo bandhigay intii aan ka gaadhi karayey. Sidaa daraadeed waxan akhriste kugu dhiirigelinayaa in aad adigu toos u akhrisato kana bogato farriimaha iyo casharada uu xambaarsan yahay ee faraha badan.

Xasan Cabdi Shire waa aqoonyahan bartay cilmiga dhaqaalaha iyo xidhiidhka caalamiga ah. Wuxu la shaqeeyaa hay’adaha caalamiga ah ee ka hawlgala Somaliland wuxuuna ka mid yahay qalinleyda wax ku qora Bandhige. Waxad kala xidhiidhi kartaa shire202@gmail.com