Hordhac
Waxaan filayaa qof kasta oo Soomaali ah waa uu ka dheregsanyahay in Soomaalidu si aad ah oo daran ay isu hayso, siyaabo kala duwanna lagu macneeyo is qabashadaas, mararka qaarna aan loo jid bixin xididka khilaafka muddada dheer. Arrintani waa ta keentay in dagaalladu aad u bataan, dawladnimo hagaagsan aysan dhalan, dadka ugu badan ee u socdaala caalamkana aynnu noqonno sababo la xidhiidha khilaafyada hubaysan iyo burburka muddada dheer lagu jiro, rejaxumada taal dhulalka ay degaan Soomaalidu, iqk. Is qabashadani halka ay salka ku haysaa waa su’aasha ay qormadani isku deyayso in ay u jidbixiso, soona dhaweyso fahannada tirada badan iyo sawirrada laga haysto loollanka Soomaalida gudaheeda iyo waxyaabaha kale ee saameynta ku yeeshay. Waxa aynnu adeegsan doonnaa hab-falanqeyneedka dhaqan-dhaqaale-siyaasadeed iyo taariikhiga ah ee gumaysiga ka hor, gumaysiga iyo gumaysiga kadib, innaga oo ku lammaaneyn doonna duruufaha kala duwan ee saameynta dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ku yeeshay arrimahan.
Gumaysiga kahor
Dadka Soomaalidu gumaysiga ka hor noloshooda waxa loo akhrin karaa jaadad kala duwan, midda u xoogga weyni waa akhrinta qabaliga xooloraacatada ah ee aqoonyahanno badan farta aad ugu ballaadhiyaan oo ah bulshooyin qabiillo ah oo aan nidaamyo dawladeed lahayn, badankana loollanka keli ah ee dhexdooda ka jiraa uu yahay ceelka oo la kala riixdo iyo ilaaqda raacda ee gabaygu u weynyahay ee kolkii la magaaloobayna noqotay isha laga dabqaato wax kasta. Inkasta oo aan noloshaa hore wax badan laga dhiteyn, aqoon ahaan, dhaqan ahaan, nidaam ahaan iyo guud ahaan sidii aadanahaa Soomaaliga ah ee xilligaa jirey u maareeyay duruufihii ku xeernaa, marka wax yar oo dad iskaa wax u qabso ah ama caaddifad qabali ah riixayso ay ka qoreen, dabcanna aan ku filneyn ummadnimada ballaadhan ee u baahan in si qotodheer oo luxdan loo derso.
Akhrinta kale ee soo raaci kartaa waa in ay sida oo kale jiraan bulshooyin xeebaha aad ugu xidhnaa weligood iyo kuwo beeraha iyo magaalooyinka aad ugu tiirsaneyd noloshoodu. Daadkaasi mudnaan badan kama ay helin qalinka aqoonyahanka faraha badan ee Soomaali iyo shiheeye iskugu jiraba. Waana halka aan rabo in aan ka soo dhiraandhiriyo in loollanka Soomaalida iyo is haysadkooda casriga ah uu salka ku hayo kii fududaa ee raacatada qabaliga ah oo la kharribay; macnihii in Soomaalida is haysaa tahay dadyowgii ceelka isku haysan jirey weligood oo duruufo badan oo kalena ay u raaceen noloshii ka dambeysay, iyagiina is galaaftay oo dhibbanayaal yihiin ummaddii kalena ay hog ku rideen.
Dadyowga raacatada ah loollankoodii gumaysiga ka hor wuxuu salka ku hayay dhawr waxyaabood oo dhaqaaluhu u weynyahay kaas oo ahaa xilligaa xoolaha iyo goobtii xooluhu daaqi lahaayeen oo ay u raacdo biyihii oo suququl ah. Markaa si Soomaaliga xooloraacatada ah u helo dhaqaale waa in uu xooladhaqashada badiyaa, sida uu ku badin karaana waa in uu biyo iyo baad u helo. Haddaba dabciga xooluhu waxa uu ku saleysanyahay in dhul weyn oo ballaadhan la daaqo, aadna u socdaalaan oo aanay sida beeralayda dhul xaddidan oo aad looga manaafacaadsado aysan ku filnayn. Dabcigaasi waa midka abuuray in qofka xooloraacatada Soomaaliga ahi in uu horumariyo awoodaha xoogga ee uusan ka fekerin habab kale oo lagu xallin karo mushkiladahan. In aan caqliga la daalin waa mushkilad xooloraacatadu leedahay, sababta oo ah bulsho deggan oo fadhida ma aha badanka ee waa ay socdaalaan si xawli ah oo aan waxna celin karin.
Socdaalka badanna waxa uu ku keenaa in degganaanshihii bulsheed iyo ilbaxnimo uu qabyo noqdo mar walba oo kala dhantaalnaado. Xilligan nolosha raacatada Soomaalidu waxa ay ku wareegtaa xoolo la kala dhaco, ceelal la kala qaado iyo baad la kala riixdo oo fudud oo dhalad ah (native & simple struggle). Dadyowga beeralayda ah iyo kuwo xeebaha dhacana ay halkoodaas ku koobanyihiin, la macaamilka Carabta iyo ganacsiga Soomaalida gudaha ee xeebaha ka fog. Laakiin marnaba iskuma ay dayin in ay ilbaxnimo dawladeed ama isbeddel dhaqan-dhaqaale ay u keenaan Soomaalida gudaha, marka laga reebo wax kooban oo diinta, hu’ga iyo agabyo kooban oo nolosha maalinlaha ah mooyi e. Waxa xusid mudan in aanay jirin xukunno dawladeed, siyaasad iyo guud ahaan wax maamullo ah oo bulshadani ka wada tirsantahay oo hayb ama summado bulsheed oo cayiman leh oo aan shaqo ku lahayn sida maanta qabiillo aan weligood is arag looga dhexeysiiyay maamul, hayb, gobol, dawlad iyo dhaqan-dhaqaale baaxad weyn oo noloshooda dhan walba ka saameeyay.
Gumaysiga
Xilligan gumaysigu bilowday waxa ay u ahayd Soomaalida marxalad cusub oo duruufo iyo isbeddello hor leh ay u bilowdeen Soomaalida raacatada ah. Gumaysigii Talyaaniga iyo Ingiriisku heshiisyo dhawra ayuu la galey reeraha qaar ee xeebaha dhaca, dabcanna saameyn gudeedna ku leh dhulka gudaha. Halka Xabashiduna ay badanka xoog u adeegsatay is fiditaankeeda dhulalka Bariga ka soo xiga, iyaga oo ka faa’iidaystay quwadaha Yurub iyo habqanka qabiillada Soomaalida.
Marxaladdan gumaysiga waa halka ay ka soo xooggaysanayso loollankii aasaasiga ahaa ee Soomaalida raacatada ah u dhexeeyay ee aan aadka u horumarsaneyn, laakiin gumaysigu uu sii fidiyay, xoojiyay, buunbuuniyay, uuna dawladeeyay (Escalated & Institutionalized). Waa midda koowaade, waxa ay marxaladdani ku astaysantahay xilligii la siyaasadeeyay qabiilka/isirka (Ethnic Politicization) oo uu yeeshay abaabul iyo nidaamin (Ethnic Mobilization and Organization) aan illaa hadda ciriqeeda la saari karin. Afrika waddamo kooban baa ka badbaaday in isirka gudaha la siyaasadeeyo oo laga dhigo arrin weyn oo mushkilad ah. Bil metel, Tansaaniya waa waddamada Afrikaanka ah ee aan isirku ahayn arrin mushkiladeed, halka jaarkeeda oo Kenya iyo Soomaaliya uu la bilowday uuna yahay arrimaha ugu waaweyn, Itoobbiyana in kasta oo uu hore ugu xoogganaa, se wixii 1991kii ka dambeeyay markii TPLF tu ay dawladeysay isirka uu noqday mawdduuc Qaran.
Halka sirtu ku jirtaana waa in meelaha qaar aana la siyaasadeyn oo aan la dawladeyn isirka, meelaha qaarna caksiga illaa la isku xasuuqay magacyo qabiileed oo abaabulan oo aan weligood gumaysiga ka hor qaabkaa isula dagaallamin, iyada oo ay sabab u tahay nidaamin kakan oo halis ah iyo abaabul aad uga horumarsan kii taqliidiga ah ee aan siyaasadeysnayn. Arrinta labaadi waxa ay tahay sida oo kale in la marinhabaabiyay ama la kharribay qaababka dhaqaalaha iyo khayraadka guud ahaantiis loo helo (Resource/Economic Accessability Exploitation) oo gumaystuhu dhulalkii Soomaalida uma sameynin warshado, nidaamyo maaliyadeed, ganacsiyo, kaabayaal dhaqaale, jidad iyo wax kasta oo la xidhiidha sal-u-dhigista dhaqan-dhaqaalaha ummad Qaran laga dhigayo, marka laga tago wax kooban oo cashuur yar ah oo iyadana intii uusan tegin afartan illaa soddon sannadood ka hor si suququl ah lagu bilaabay.
Arrinta saddexaad ee arrintan sii raacda waa in habfekerka iyo adduun’aragga nololeed laga majaro habaabiyay xooloraacatada Soomaalida, waxaana lagu soo rogey dhaqan iyo nidaam nololeed aan waxba ku dareyn labadaa hore ee la kharribay in uu sii burburiyo oo mushkiladda sii adkeeyo mooyi e. Waa halkan meesha ay salka ku hayso in aqoonta faraha badan ee la bartaa aanay inna gaajo tirin, dheregna ay innaga fogayso, xaaladaheenna gudeedna ay sii kharribto.
Badanka aqoon ku filan lama barin dadkii xilligaas oo Soomaalidu waxa ay ku jirtaa dadyowga ugu faaiidada yar aqoon ahaan, magaalow ahaan, dhaqaale ahaan, waxbarasho ahaan, dawlad ahaan iyo nidaam ahaan ee gumaysigii Afrika soo maray, mana jirin wax xagga togan iska beddelay noloshoodii hore, wax laga kharribo halbeegyadii nolosha, mushkilado cusubna loo abuuro oo aan aayatiinkooda dambe halis ku dara mooyi e aan faaiido laga helin. Arrinta afraad ee ugu dambeysa waxa ay tahay saddexdaa mushkiladood ee hore in aan markii xorriyadda la qaatay loo sameyn ama loo ba diyaarin hay’ado dawladeed (Capable Governmental Insitutions) oo xallin kara ama ugu yaraan la macaamili kara mushkiladahaa tirada badan ee kakan ee uu gumaysigu soo kordhiyay ama kuwii hore u jirey oo la sii kharribay ah.
Halkaas waxa ka bilowday marlaxad kale oo loo kala baxay Soomaalidii raacatada ahayd ee gumaysigu haystay wax ku dhow lixdan sannadood laakiin wax ku dhow dhawr boqol oo sannadood si xagjir ah loo beddelay noloshooda (Fundamental Radical Change).
Gumaysiga kadib
Marxaladdan waa weji cusub oo nololeed oo Soomaalidu ay la kowsatay, waxa dhexdooda yaal loollankii qabiilka oo aad loo adkeeyay oo la dawladeeyay (Sophisticated clan struggle), waxa kale oo la soo dersay mushkilado dhaqan-dhaqaale oo magaalooyin, degmooyin iyo gobollo ku saleysan, badanka baahidoodiina ay dhulka taallo oo aan kaabayaal, nidaamyo maaliyadeed iyo wax dhaqaale ahna uusan jirin. Waxa intaa u raacday kala tabasho xooggan oo misaali ah oo la xidhiidha isirkii la siyaasadeeyay ee la dawladeeyay oo qolo waliba ay si casri ah u nidaamsantahay oo u abaabulantahay.
Dawladda ay gacanta ku qabteen ee curdinka ahina ma dhaadsana dhexdoodu in ay tahay dawlad dhicis ah oo aan ka turjumeyn waayahooda nololeed, sida oo kalena aan loo diyaarin la macaamilka aadka u kakan ee gudaheeda ka taagan (Weak Institutions) oo isqabadka u horreeya ku burburi karta, iyaga naftooduna aysan ahayn kuwo u diyaarsan oo u tababbaran, aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba la macaamilka caqabadaha bulsheed iyo firaaqa ka dhex jira dawladda iyo bulshada ama buuxin kara gaabka weyn ee daciifnimada hay’adaha iyo mushkiladaha la rabay in ay xalliyaan oo meesha ka saaraan, si loo kala badbaadiyo bulshadan dhibaataysan ee la kharribay. Halkan ayaa waxa ka dhashay saddex weji oo cusub oo la isku dayay in lagaga dhuunto mushkiladahan ama xal la biday oo midiba mid ku sii xidhantahay:
Dawladihii Rayidka iyo Millatexukuumadob
Labadan xukuumadood midna iskuma ay dayin xal u raadinta mushkiladaha waaweyn ee dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadee ee gumaysigu kaga tagey Soomaalida, siiba raacatada gacanta ku dhigtay labadan rajiim. Waxa loo jeestay mawdduucyo iyo arrimo aan sakaaro ka biiqsan oo aan halka Soomaalida xanuunaysaba ahayn. Waxa la qaatay fikrado dhul-ballaadhsi ah (Irredentist Ideologies) oo la doonayo in lagu dembabaso cakirnaanta gudaha iyo is-liska gudeed ee loo maaro la’yahay. Dabcan, xaqiiqdiina Jamhuuriyaddii la dhisay lixdankii baa ujeeddadan ku taagneyd oo waa halka aqoondarrada iyo khibradxumada waaqica gudeed iyo fahanka mushkiladaha gudaha ka taagan ay keentay in xalka bulshada la moodo raadinta dhulal dawlado kale lagu darey, se la isma wayddiin waxa isku darka Herer iyo Gaalkacyo ama Saylac iyo Jubbooyinku ay ka beddeli doonto mushkiladahan dhaqan, dhaqaale, siyaasadeed iyo hay’ado dawladeed ee inna haysta.
Waxa kale oo xal la biday in musiibadii bulsheed ee siyaasadeynta isirka iyo dawladeyntiisii la sii adkeeyo oo xisbiyo dimuqraaddi ah lagu fadhiisiyo, iyada oo aan mushkiladduba khuseyn dimuqraadiyad la’aan, xildhibaan la’aan iyo degmo iyo gobollo la’aan, keliya waxa ay baasiin kuwani u noqdeen musiibooyinkii taagnaa, welina gumacu meel baydhsan buu gawdu ku hayay, bulshadiina halkii bugtey farta lalama helin oo lama fahmin. Mar kale ayaa haddana quwado shisheeye oo lala kala safto la bidey xal, iyada oo labeentii xilligaasi isku dayday in ku demiyaan xaaladda gudaha ka taagan, dabcanna loollankii caalamiga ahaa in kasta oo uu mar walba saameyn lahaa, haddana Soomaalidu aad baa ay ugu nugushahay la safashada xiisada caalamiga ah, sababta oo ah waa dad aan dantood garad ahayd, caaddifadda iyo fudeydkuna ku badanyahay, waxaana u sabab ah khibradxumada iyo ismaqiiqa aqoon la’aantu weheliso ee xaalad kasta lagu wejihi jirey had iyo jeeraale.
Illaa xukunkii millateri gacanta ku dhigay, laakiin jidkii rayidka mid la mid ah ama ka sii xun baa la qaaday iyada oo aan weli la fahmin mushkiladaha aynnu kor ku soo xusnay ama aan la isku deyin in la fahmo, la xallin ama ugu yaraan aan la diyaarin aasaas laga dhaqaaqi karo oo khuseeya mushkiladahaas. Waxa la qaatay mabaadi’da hantiwadaagga ee Maarkisiyada-Leenin, iyada oo waddanku aannu warshadaba lahayn, dabaqado lahayn, burjuwaasi iyo shaqaale lahayn, kapitaaliiste lahayn ayaa la isku deyay in lagu dabbaqo fikirkaas, iyada oo la isku maaweeliyay qabyaaladda ayaa halkii dabaqadaha gelaysa oo iyada ayaynu xallinaynaa. Laakiin mushkiladda Soomaalidu kapitaaliiste warshad leh ma ahayn ama shaqaale dulman oo bulshadu maba shaqeyso ee waxyar baa magaalow ku dhacay, waxna miyigii oo kharriban baa ay ku baaba’een, kaabayaal dhaqaale ma jiraan, warshado ma jiraan, shirkado ma jiraan, nidaamyo ganacsi iyo maaliyadeed ma jiraan, cisbitaallo, dugsiyo iyo jaamacado ma jiraan, haddana waxa la isku qasbay in la qaato Maarkisiyad aan xukuumadduba ku dhaqmin oo aan waaqicana wax ka jira xallinayn, iyada oo awoodo caalami ah lagu qancinayo ama la isku ekeysiinayay qodotadii Ruushka ee Lenin uu kacdoonka ku beddelay.
Isla xukuuumadda Kacaanku nafteedu markii cabbiraadihii Shuucigu kharribmeen, si fudud oo ka turjumaysa in ayna fahamsaneyn mushkiladaha gudaha ee ay isku deyayso in ay ku xalliso diktaatooriyad iyo dhaqan-dhaqaale aan ku munaasib ahayn, waxa ay siddeetamaadkiiba bilowday la jaanqaadka cabbiraadaha IMF iyo Baanka Adduunka ee Neo-Liberal Economic Policies ee suuqa furfuristiisa, xaddididda tacriifadaha, dhiirrigelinta hantida gaarka ah iyo guud ahaan isku furanka badeecadaha la soo dhoofiyo ee waddanka la soo geliyo. Dabcan, isla jidkani waxa uu ahaa mid kale oo la qardajaxeey oo iyada oo aan la fahmin arrimaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeed ee xukuumaddii Rayidku ku fashilantay ee uu Kacaankuna wejigiisii koowaad ku fashilmay in uu dantiisa gaarka ah ee taageerada quwadaha caalamiga ah uu doorbiday kuwiisa gudaha ka taagan, waxaana ay muddadaas tobanka sannadood ku dhow ahaayeen kuwo kansho/fursad u haystay in iyada oo gacanta lagu hayo dawlad laga dhaxlay gumaysiga dalabta laga biiyo oo lagu toosiyo jidka san, lana xalliyo mashaakilka bulshadani haysta.
Laakiin, waaba looga sii daray oo isla saddexdii arrimood baa kabriidka iyo xaabada lagu sii badiyay oo la sii karkariyay, ha noqoto in dawladda laga dhigay qalab la isu isticmaalo oo dhaqaale iyo khayraad looga sameeyo mushkilad kale oo isirkii la siyaasadeeyay qaar ka mid ah, la isku naasnuujiyo, kuwa kalena lagu cadaadiyo, degmooyin iyo gobollo lagu bixiyo, haykal ahaan cid qudhi ku habsato oo la mooday meel lagu oon tiri karo bulsho iyadiiba dhiban oo marinhabowsan. Halkaas ayaa waxa ka bilaabamay duruufo kale oo iska caabbin ku ahaa haykalka diktaatooriyadda ee aan xalka keenin, haddana doonaya in uu xukunka iska joogo.
Jabhadaha
Dhammaadkii toddobaatannadii ama siddeetannada horraanteedii waxa ay ahaayeen marxalad cusub oo la galey oo wejigii saddexaad ee gumaysiga ka dib ah, kolka laga tago rayidkii iyo millaterigiiba oo iyagu ahaa dawlad fursad u haysatay in ay mushkiladahan xal u raadiso ama ugu yaraan sharciyad u haysatay arrintaas. Jabhaduhu oo qeexitaan ahaan ah ururro aan dawli ahayn oo hubaysan, se fursad u heli karayay in haddii ay xukunka ka tuuraan Kacaanka ay wax ku sixi karaan ama ugu yaraan dawladnimada jiritaanka sii xoojin lahaa sidii TPLF iyo EPLF oo Ethiopia ahaa ay sameeyeen ama NRM oo Uganda ahi ay sameysay, in kasta oo ay innaga duruuf duwanaayeen, laakiin aad ba innooga duruuf xumaa oo Soomaalidu dhaantay siyaabo badan, waxa se jabhaduhu u taagnaayeen sida laga dheehan karo sooyaalkooda waa hal ujeeddo oo qudh ah ‘xukunka oo laga tuuro kacaanka’, sidaa darteed iyaga naftoodu iskuma deyin ama umaba diyaarsaneyn sidii jilayaashii dawladeed ee ka horreeyay in ay xalliyaan mushkiladaha ama ay keenaan saaxad aasaas u noqon karta in lagu baraarugo mushkiladahaas.
Xukunka oo laga tuuray Kacaankana waxa ay shidaal u dhigma kuwii hore ku sii dareen is-haysadkii u dhexeeyay bulshada oo ay weheliso qalalaase iyo is baabi’in aan la isu aabbe yeelin oo cid wal oo haykalladaas hore wax kala tirsatey ay ku kala aargoosatay, waana markan kolka ay soo baxday ee la wada dareemay mushkiladdii siyaasadeynta isirka oo lagu lammaaneeyay abaabulid iyo nidaamin kakan oo halis badan oo xasuuq, barakac iyo dabargoynba sababsatay. Marxaladdas jabhadaha, siiba dhanka Koonfurta/ Somalia oo ay ka jireen wax ku dhow toban sannadood waa ay ku fashilmeen in ay dawladdii jiritaankeeda badbaadiyaan ama tu kaleba in ay dhisaan umaba ay diyaarsaneyn, umana ay soconba oo waa ay ku fashilmeen dhankaasna.
Wixii isku ahaa Waqooyiga ‘Somaliland’ arrinkeeda oo jabhaddu 91kii ay xukunka qabatay si waafaqsanaa dastuurkii SNM, waxa ay ku badbaadday in 93kii ay qabiilladu isu yimaaddeen oo maamul dawladeed dhisteen, in kasta oo si waafaqsaneyd duruuftii Koonfurta iyo guud ahaan Afrikadii isirkeedu siyaasadeysnaa ee abaabulnaa ay Somaliland gashay muddo afar sannadood ku dhow oo dagaallo ba’an iyo barakac daran ah.
Maamullada
Marxaladdan u dambeysa ee illaa maantana lagu jiro waa mid duruufahaa fog ee aan la xallin loona diyaarsaneyn ka turjumaysa. Somaliland oo ah dawladda u weyn ee ka soo dhexbaxday dawladdii 91kii duntay in ay isku keento wixii lixdankii British Somaliland ahaa baa ay isku dayday oo badankeedana ay ku guuleysatay. Laakiin mushkiladihii aynnu soo xusnay weli waa ay taaganyihiin ee dawladdii horena galaaftay, iyadana galaafan kara! Saddex sinnaariyo (Scenario) baa u waaweyn oo laba ka mid ah ay ku jiraan taariikhdeeda wejiga gumaysiga oo ah: (1) arrinka gobollada Sool iyo Sanaag Bari, (2) arrinka gobolka Awdal; (3) sinnaariyada saddexaadna waa mid soo deristay 94kii oo uu soo ifbaxay siyaasadeyn isir oo kale oo la xidhiidha gudaha beesha dhexe oo laba qeybood u kala jabay oo ahaa kuwo la tacalluqa mushkiladaha afarta ah oo cusub.
Siyaasadeynta isirka oo dalka loo dhigay beel dhexe, beelaha darafyada/beesha Bari iyo beesha Galbeed, dhaqan-dhaqaalaha oo ay musiiboyinkii weli taaganyihiin khuseeyay dhankaas, arrinka habfekerka iyo adduun’aragga oo weli aqoonteedii iyo fahamkiina liito oo aan laba fahmin asalka iyo xiddidada mawdduucyadan si loo saxo iyo arrinkii in aan Somaliland yeelan hay’ado dawladeed oo la macaamili kara mushkiladahan, waana sababta ay marxalad taagan oo geeri go’an ah ugu jirto maanta, in dib loo noqdo oo la burburo sidii dawladdii hore ama in la helo labeen wax fahansan oo la macaamisha mushkiladahan dhisina karta hay’ado u diyaarsan xallinta ummuurahan.
Dhanka Koonfurta/Somalia maamullada ka dhismay waa wax ka soo dhex baxay duruufo kala duwan oo aan ujeeddadoodu ahayn in dawlad la dhiso ama wax u eg. Puntland ayaa ugu dhaweyd, iyaduna waxa ayba ku bilaabmatay isirka Gaalkaacyo iyo Xaafuun illaa Buuhoodle dega, ujeeddadeeduna maba aha dhismaha dawlad, waxa ay se hordhac u noqotay in la bilaabo oo la caddeeyo/caadiyeeyaba mushkiladdii siyaasadeynta isirka ee gumaysigu bilaabay (Ethnic Politicization), waxaana ay tani caqabad ku noqotay doodda juquraafi ee Somaliland tan cusubi ay baadigoobayso, iyada oo maanta Somaliland mid ka mid sinaariyooyinkii taxaddiga ku ahaa ee gal-daloollada ahaa, sida Sool (Laascaanood) ay raacday Puntland oo Somaliland gacanteeda laga hoos saaray. Halka dhan kalena, Gaalkacyo loo qeybiyay laba sabab la xidhidiha siyaasadeynta isirka oo laba maamul oo isir ku dhisan ay laba jeex ka kala dhigeen, iyada oo dawladdihii Kacaanka, Rayidka iyo Gumaysiga ahayd magaalo keli ah oo leh hal maamul.
Dhanka kale, Galmudug waa maxsuul ka soo baxay iyaduna duruufo kala geddisan oo aan ujeedkoodu ahayn dhisidda dawlad gobol ama dawlad dhexe, sida; Maamulkii koonfurta Gaalkacyo ee 2006 ee Kiimiko, Ximin iyo Xeeb iyo garabkii Ethiopia hubaysay si loogu la dagaallamo Shabaabka ee Ahlusunna Waljamaaca. Illaa haddana aan xal buuxa laga gaadhi doonin danaha kala duwan ee isirka siyaasadeysan, mushkiladaha dhaqan-dhaqaale ee aan loo diyaarsaneyn in la xalliyo ama hay’adaha dawladeed ee aan jirin si loo xalliyo arrimahan, waxaana in muddaba bilaabmay in mushkiladihii ay kuwo hore u burbureen, kuwa cusubna ay cagta saareen in ay qaadday sida in isir siyaasadeed wax loo qeybsado, haddana magacyo diimeed wax lagu qeybiyo, haddana garabyo siyaasadeed, marba dhinac xal la bido.
Mar kale waxa mushkiladahan ay ka soo ifbaxeen oo si weyn uga soo daahireen maamulka Hir-Shabeelle oo isagu ah laba gobol oo Hiiraan iyo Shabeelle ah, iyada oo mucda isqabadkani yahay afartaa mushkiladood ee aan kor ku soo xusnay oo ta ugu weyn tahay isirkaa la siyaasadeeyay ee labada gobol laba qabiil loogu kala abtiriyay, qabiilladii kalena aan laba xusuusneyn lana rabo in ay is baabiiyaan, lana dhisi kari la’yahay hay’ado mushkiladahan qaddiimka ah xalliya wax kuwo cusub oo hor leh abuura mooyi e.
Ugu dambeyn waxa aynnu ka warqabnaa maamulka u shisheeya Koonfurta waa Jubbalaan e, xiisadda ugu weynina ka taagneyd ee arrimahan laga dhex arki karo. Dabcan, Jubbalaan oo ahaa dhul la kala riixriixdo taariikhiyan, laakiin nidaamka casriga ah hoy u ahaa jabhado kala duwan oo isir-siyaasadeysnaa waxa ka soo dhexbaxay maamul ay Kenya gacan ku lahayd oo Kismaayo ku urursan, Gedo ka soocantahay, Jubbada Dhexena (Bu’aale) ay al-Shabaab gacanta ku hayso. Isirradii waa ay siyaasadeysmeen oo abaabulanyihiin si nidaami ah oo aan taqliidi ahayn, mushkiladaha iyo gaababka dhaqan-dhaqaale iyo bulsheed aan la xallin karahayn, fikrad iyo khibrad wax lagu saxo aanay oollin dhulkaas oo isku dayi karta xal u raadinta mushkiladahan iyo ugu dambeyn maamul iyo hay’ado dawladeed oo u diyaarsan xallinta arrimahan kakan ee wejiyada ee duruufaha badani ku xeerais-haysadeedal
Gunaanad
Soomaali is-haysadkeeda iyo colaaddeedu ma aha wax ay iyadu dooratay ee waa wax ka dhashay duruufahaa kala duwan ee dhaqan-dhaqaalaheeda ku saleysnaa, gumaysiguna saameynta ballaadhan ee dhinacyada badan leh ku yeeshay, raadkeediina ciriqaas yeeshay dawlad, xukuuumado, jabhado illaa maamullo la saari kari la’yahay, sababaha loo maareyn la’yahayna ay salka ku hayso in fahanka mushkiladdu habaabay oo khaldamay, in isirku siyaasadoobay oo loollanku uu jid halis badan qaaday, in dhaqan-dhaqaalihii iyo kharribka bulshada ee dhaqaale, khayraad iyo dhaqanba uu asal-guuray oo la isku deyayo in boobka hay’adaha dawladda lagu xalliyo aafadaas, in fikraddii, habfekerkii iyo adduun’araggii gudeed ama dibadeed uu khalkhalay oo aan looba diyaarsaneyn cid kalena inoo diyaarin in aynnu fahamno mushkiladaheenna gudeed ama la macaamilno, aynaan sida oo kalena dhisi karin haykal dawladeed oo la macaamili kara, xalna u raadi kara dhibaatooyinkan.
Xigasho W/Q: (Cabdifataax Xasan-Barawaani)
Email: barawaani@yahoo.com
Bandhige@gmail.com