Golaha Guurtida oo guddi ka Shaandhaysa u saaray Xeerka Dab-damiska Somaliland

 

Fadhigii saaka ee golaha guurtida Somaliland, oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha golahaasi Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii uu furmay goluhu waxa uu guddoomiyuhu xildhibaanada ku wargeliyay ka doodista Xeerka Ciidanka Dabdemiska iyo Samata-bixinta Xeer Lr.106/2023.

Mudaneyaasha golaha ayaa dood adag ka yeeshay Xeerkaasi, qaarkood ayaa soo jeediyay in sidaas lagu siidaayo, halka kuwa kale ay sheegeen in 26 qodob oo ka mid ahi wax ka beddel iyo kaabis u baahan yihiin.

Xildhibaanada qaar ayaa soo jeediyay in Xeerkan Dastuurka la waafajiyo, waxaanay sheegeen in Ciidanka Dab-damisku ay hoos tagaan Ciidanka Booliska Somaliland.

Dood dheer kadib guddoomiye Saleebaan, ayaa guddida nabadgelyada didaaca iyo amniga u saaray soo naaqishaada Xeerkan, waxaanu ky adkeeyay in maalinta Salaasada ee toddobaadkan keenaan, maadama fasaxi goluhu dhaw yahay.

Intaas kadib guddoomiyaha ayaa xoghayaha ka codsaday in loo qaybiyo Xeerka Ciidanka Qaranka JSL Xeer Lr. 105/2023.

Markii loowada qaybiyay Xeerka mudaneyaasha, waxa uu guddoomiyuhu inay soo akhriyaan kana soo baraan degaan.

 

Xigasho:somaliland news agency

Bandhige@gmail.com