Maxaynu Faa’iido Ku Qabnay Riyaha Magaalada Hargeisa? (WQ: Omer-sayid Qalonbi)

Marka laga yimaado faa’iidooyinka ay xooluhu u leeyihiin badiba nolosha aadamaha. Gaar ahaan nolosheena oo badiyaa dhaqaaleheenu ku tiirsanyahay xoolaha nool.

In magaalada xoolo lagu dhaqdaana ay faa’iido iyo dhibaato labadaba keeni karto. Waxa aan halkan doonayaa in aan xuso; Maxay faa’iido Riyuhu u lahaayeen magaalada Hargeisa.

Ugu-horayn: Nidaamka maamulka hadhaaga cuntooyinka, dadkeenu aqoon uma laha sida loo maamulo. In badan oo ka mida haweenkeenuna madhxinta cuntada guriga iyo farsamaynta cuntada dheeraadka noqota aqoon wanaagsan uma laha.

Qoysaskeena qaar badan oo ka mid ahina, ma haystaan agabkii u saamixi lahaa in ay cunto bisil oo dheeraada kaydsadaan si ay hadhow u cunaan (sida; talaagado iyo i.w.m). Sidaas daraadeed qoysaska intooda badani cuntada dheeraadka noqota waxa ay u dhigaan riyaha.

Hudheelada magaalad iyo makhaayadaha laga cunteeyo ayaa iyaguna, aan lahayn nidaam loo basriyo hadhaaga cuntada ama hambada. Taas badalkeeda waxaa astura oo inaga cuna Riyaha magaalada.

Nidaamka maamul ee ururinta khajinka magaaladuna gacanta uguma jiro, Dawladda Hoose ee Magaalada Hargeisa. Waxaana ka shaqeeyaa sharikado gaar loo leeyahay, oo gurigii ka qaada khashinka, hal mar wiigii oo dhan. Mararka qaarna labadii wiig hal mar kaa qaadaya.

Sidoo kale ma jiraan; qalab (haamaha xashiishka etc) lagu kala basriyo oo guryaha ama guryihii isku dhawiba ay xashiiska noocyadiisa kala duwan ku kala ridi karaan.

Markaa anigu waxa aan ku talin lahaa sidan;

1. In marka hore ay dawladda hoose shaqadeeda ka soo baxdo. Isla markaasna darsaan faa’iida iyo khasaaraha ka dhalanaya go’aan si qiiro leh loo qaatay.

2. In la hagaajiyo nidaamka maamul ee qashinka iyo sharikadaha maamulaya oo hadii aanay dawladda hoose wada maamuli Karin, ay doorkeeda korjoogtayneed (Montioring and supervision role) ay ciyaarto.

3. In la diyaariyo goobihii qashinka xaafadaha iyo sida loo kala basrinayo qashinada kala duwan.

4. In dadwaynaha lagu wacyigaliyo sida ay u kala basrinayaan qashinka una maamulayaan hadhaaga cuntooyinka iyo qashinka dareeraha ah.

5. In ka dib go’aan laga qaado sida loo maamulayo xayawaanka iyo xoolaha ku nool magaalada.

 

Omer-sayid Qalonbi

Hargeisa, Somaliland