Garsoorka iyo Nidaamka Siyaasadeed ama Dahqaale ee Dastruukeena Ku Xardhan (WQ: Prof. Abdi Ali Jama)

Garsooruhu waa inuu yaqaan nidaamka siyaasiga ah iyo nidaamka dhaqaale ee dalku haysto. Halkee bay ku qoran tahay oo laga eega nidaamka dhaqaale iyo nidaamka siyaasiga ah ee dalka. Dastuurka dal kasta ayaa sheega nidaamka dhaqaale iyo nidaamka siyaasiga ah.

Nidaamada dhaqale ee dunida jira waxa ugu caansan Dhaqaalaha suuqa xorta ah (Hantigoosiga) iyo Hantiwadaagga. Nidaamada siyaasadda ee dunida jira waxa ugu caansan Democracy iyo Dictatorship. Halkee bay ku qoran tahay oo laga eegaa nidaamka dhaqaale ee waddanka iyo kan siyaasadda.

Waddan kasta Dastuurkiisa ayay ku xardhan tahay nidaamka dhaqaale iyo kan siyaasadeed ee uu haysto.Somaliland dastuurkeedu wuxu si cad u sheegayaa in Somaliland haysato nidaamka dhaqaale ee suuqa xorta ah. Sidoo kale waxa si aan mugdi ku jirin ugu qoran in nidaamka siyaasiga ah ee aynu qaadanay uu yahay Democracy multiparty system.

Nidaamka Dictatorshipku wuxu ku abtirsadaa Autocracy oo ah lidka Democracy; wuxu noqon karaa saddex nooc:

1-Boqortooyo aan dastuuri ahayn
2- One party dictatorship sida Eiteria and Ahmed Cilmi
3-Multiparty dictatorship xisbi kaliya ahi ku shubto; wax ka mid ah Ruwanda, sidii Ethiopia ay ahayd isbeddelka ka hor.

Dhinaca kale nidaamka multiparty system ka runta ahi isagu waa mid si dhab ah loo tartamo, xisibiyaduna kala guulaystaan. Kuwan ayaynu innagu ka mid nahay mar haddii ay dhacday in xisbi muxaafid ah laga helay doorashada, si nabad ahna la isugu wareejiyay xukunkii!!!

Haddaba, waddamada dimuqraadiyaddoodu runta tahay, danbi uma yaqaanaan madaxda oo la dacaayadeeyo ; laakiin kuwa kale waa danbi aad ku mutaysan karto ciqaab xadhig ah. Sidaa darteed Garsoorayaasha Somaliland waa in ay ogaadaan in ay ka tirsan yihiin nidaam siyaasadeed dimuqraadi ah, oo dimuqraadiyaddiisu run tahay!!!

Cabdo; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.