Qorrax soo bax kastaa, waa bilawga maalin cusub (WQ: Caynaan Faarax Caynaan)

Inta laga war-qabo taariikhda Aadamuhu waxa ay soo martay heerar kala duwan, oo midkastaba wato waayihiisa togan iyo tabanba. Wana qaabka nolashu ay u muuqaal eegtahay in ay farxadi jirto ama wel-wel jiro. Mana jirto in ay mid uun ku eekaato, wase is ba-badalaan oo midiba mar ayuu jogaa sida lagu arko nolasha Adamaha.
Waase, hubaal in wax-laga barto isbadalka waayaha Aduunka, si loola jaan-qaado hadba duruufaha jira iyo qaabkii lola noolaanlahaa.
Dunidana waxa soomaray marxalado lahaa wanaag iyo samaan labadaba, waxay se tariikhdu ina tusaysaa koox kasta qaabka ay uga gudubtay iyo sida kuwa kale ugu riiqdeen, ee anay wali ka soo kaban lana noolyihiin ilaa hada inta kalena uga waranto iyaga hadba sida dib-udhaca leh iyo nidaam darada ka muuqata inta ay iyagu Dunida ka dagan yihiin.
Waxa ay haystaan Dal ku filan, oo khayraad badan, kuna yala meel muhiim u ah Dunida inteeda kale balse aan loga faa’iidaysan sidii loo baahnaa, si uu ula jaan-qaado ama ula tar-tamo Dunida inteeda kale.
Waa hubaal, oo waxa uu kala sinaa sida Dalalka ku yaala Qarada Madow ay u soo gumaysteen, gumaystayashii Reer Yurub. Waxa uuna helay gobanimadiisa sida ay Dalalka kaleba u heleen, gobannimadooda oo ay dadaal badan galiyeen dad inta badan taariikhdooda aan looga sheekay, sida looga sheekeyo kuwii asagood ahaa, ee keenay gobannimada Dalalkooda.
Inse lehelo, gobonnimo aan sidii la rabay u hano qaadin, ayaa u horseeday dib u dhac iyo in ay ka hadhaan Dunida inteeda kale oo ay weheshadaan nidaam ku dhisan hab beelaysan iyo cabasho ay kala tirsanayaan, wana mida gundhiga u ah taariikhdooda oo jiilba jiil ka soo gaadhay mana sahlana in si fufud loga samato baxo sida hada ka muuqata qaab nololeedkooda.
Ma aha Dad u diyaarsan in ay samaystaan nidaam ku dhisan sinnaan iyo cadalad, si loo gaadho horumar iyo badhaadhe, ay wada manafacsadaan dhammaantood.
Marka se aad u fiirsato nidaamkooda ay u yaqanaan Dawladnimadu, waa hab ay ku saleeyaan nidaamka xoola naqatada iyo qabiilaysi isku dhafan oo ay adagtahay in si sahlan loo fahmo. Waxana wax lagu qaybsadaa hanaan ab-tirsiino iyo kooxaysi bah wadaag ah. Waana in ay marba kooxi ku maamusho inta kale nidaamkan aynu soo sheegnay, inta aan la abtirsiin ahayna ay dhibane u noqodo inta isku abtirsiinta ah.
Waana arinta horseeda kala cabashada iyo is-aaminaad darada soo wajahda bulsho meel kuwada nool, oo ay ka dhaxayso wada- lahaansho dhuleed iyo wadagida khayraadkiisa.
Waxa uu mar ahaa, qaran awood badan lahaa, inkastoo nidaamkasi aanu ku iman doorasho ay dadku u igmadeen cidii iyaga hagi lahayd. Hadana waxa uu ahaa nidaam horseeday horumar, inkastoo ay jireen dhibaatooyin badan oo uu gaystay nidaamkasi.
Waxa uu ahaa nidaam Dawladeed oo wax laga waydiiyo hananka siyaasadeed ee Bariga Afrika kuna lahaa saamayn mugeeda iyo muuqeedaba lahayd. Sida taariikhda ku cadna la soo halgamay wadamo ka tirsan Qarada Madow, si ay u helaan xornimadooda.
Inkastoo, anu manta halkii joogin uu hore u joogi jiray, ayaa ah arinta keentay in uu noqdo meel ay bulshada caalamku ugu yeedho Qaran Dumay, halka khayraadkiisina lagu loolamayo inkastoo Dadkiisu dayacay ama ay ku guuldaraysteen in ay samaystaan dhidaam ay ku qanacsanyihiin oo aan saluug lahayn.
Haddii se, aan wax laga baran wixii la soomaray oo ay noqdaan taariikh iyo sheeko, way adkaan doontaa in la helo nidaam horumar horseeda si aan dunida ula jaan qaadno, waase hubaal in maanka lagu hayo in ay shallay la mid ahayn maanta, maantuna bari la mid ahayn.
Fahamka ah ka faa’iidaysiga maalmaha cusub ee ina soomaraya, ayaa horseed u noqonaya guulaha iyo guuldarooyin, haddii aan loo wajihin sida ugu habboon.
Qalinkii, Caynaan Faarax Caynaan.
27-04-2019.