Maxaynu Marxuumiintena dhintay loogu magac.daraa koob ciyareed-ka? (WQ: Khadar Ibraahim Aar)

Waxa baryahan caado inoo noqotay, wax la yidhaahdo koobka ciyaaraha ee loo qabto marxuum hebel midkuu doono ha ahaade , waxa aad moodaa in dhaqankaasi uu aad inoogu sii fidaayo, taasi oo aad arkayso iyada oo dhaqaale aad u badan lagu bixinaayo.

Qofkasta oo madaxa ee dhintay waxa uu la kulmayaa Illaahay SW kadibna waxa uu agtiisa ka helayaa wixii uu shar iyo khayr uu lahaa, waxa kaliya ee inaga la inooga baahan yahay waxa ay tahay in aynu u ducayno, taasi oo kaliya ayaa aynu wax ugu tari karnaa.

Balse haddii aynu maanta oo dhan kubbad garoonka eryano, oo aynu nidhaahno waa maalintii koobka marxuum hebel, taasi waxa ay noqonaysaa macaasi iyo danbi aynu nafteena ka galayno, haddii marxuumkaasi dhintay uu isagu qayb ka yahay in marka uu dhinto kubbad loo soo ciyaaro iyana waxa uu qayb ka noqonayaa danbigaasi ifka uga socda.

Haddaba miyanay ka fiicnayn inta nin marxuum ah oo inagu qaali ahaa aynu maanta oo dhan garoonka kubbad eryan lahayn,oo lagaba yaabo in macaasi iyo isdil uu ka dhaco in aynu dhaqaalaha yar ee aynu kubbada iyo ciyaaraha ku bixinayno, maynu uba sadaqayno taasi ayaa gaadhaysa oo la hubaaye.

Kubbadkasta oo loo qabto nin marxuum ah, waxaa ku baxaa dhaqaale aad u badan oo xataa wax badan ka tari lahaa baahiyaheena asaasiga ah iyo sadaqad aynu marxuumka u bixino Illaahayna aynu kaga cabsano.

Waxa laga yaaba inta aynu isleenahay marxuumkii ku xasuusta ciyaartaasi ,in labada kooxood ee aynu kubada cayaar siinaynaa in ay isku khilafaan kadibna ay halkaasi kaba dhalato danbi aad u wayn oo keeno kara isku dhac iyo dagaal.

Waxaa kaloo iyadana dhici kara, in koobkaasi kubbada ah dadka daawanaya ee rag iyo dumar laysugu keenay in dhexdooda ay ka dhalato macaasi iyo wax aan diintu ogolayn, taasina waxa ay ku tusinaysaa in aanay marnaba haboonayn in marxuumiinteena dhintay aynu kubbad iyo ciyaar ku xasuusano.

Ma’ogtahay in marxuumka aynu kubbada iwm aynu ku xasuusanaynaa in uu intaasi inagala qaalin san tahay, waxa dhici karta in uu ahaa halyay dadka iyo dalkaba wax usoo qabtay, kaasi oo aan inagaba mudnayn in aynu kubbad ku xusno, intii aynu Illaahay u baryi lahayn in uu cadaabkiisa ka badbaadiyo Janada Fardawsana uu galiyo.

Waxaa caqliga saliimka ahi uu ina barayaa in kubbad aynu maanta oo dhan aynu garoonka eryaynaa in aanay waxba ka tarayn marxuumkii, haddii aynu uga jeedno xusuus iyo in aan la ilaabin marxuumka, waxaa ila haboon in aynu buugaag iyo qoraalo taariikhdiisa ku saabsan aynu ka reebno, si ay dadka danbana wax uga ogaadaan, lakiin haddii aynu midkasta kubbad u ciyaarno waxa halkaasi ku lumaysa taariikhtii uu lahaa marxuumkaasi, kuwa inaga danbeeyana iyaguna waxa ay raacayaan jidkeenaasi oo kubbad ayay u cayarayaan.

Waxa aad mararka qaar arkaysaa wasarad dhan oo lacag iyo dhaqaale u raadinaysa,xuska koobka kubada ee la xusaayo marxuumkaasi dhintay, Nabigu csw waxa uu inoo sheegay in qofkasta oo dhinta waxa raacaya, sadex arrimood oo kala ah. Walad saalixa oo u soo duceeya, sadaqad loo bixiyo iyo shay waqafa oo uu ifka kaga tagay intuu noolaa.

Haddaba kuma jirto kubbad loo ciyaaro dadkeena dhintay ee aynu u ducayno, oo aynu ka dayno dhaqamadan aynaan lahayn ee aynu soo waaridnay, kuwaasi oo ilaa hadda meelna inoo wadi la khilaafkooduna uu inagu batay.

Khadar Ibrahim Aar-