Jamaal Cali Xuseen wuxu qiray in uu Kulmiye iyo Waddani wada-hadal la bilaabay, wuxuuse beeniyey in uu xisbi ku biiray

 

Murashaxii xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa war kooban oo  uu casarkan maanta ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook-ga ku qiray in isaga iyo garabka uu hoggaamiyo ee “New UCID” ay wada-hadallo la bilaabeen xisbiyada Waddani iyo Kulmiye. Hase ahaatee wuxuu meesha ka saaray in uu xisbi gaar ah ku biiray.  Jamaal wuxu taageereyaashiisa ugu baaqay in ay midnimo muujiyaan wax kastana ka horumariyaan danaha Somaliland.

Jamaal Cali Xuseen ayaa sida muuqata rajadii uu ka qabay in uu noqdo murashax u tartamaya xisbiga UCID ay meesha ka baxday kadib markii uu dhawaan garabkii uu hoggaaminayey Faysal Cali Waraabe shir qabteen kuna cumaamadeen Faysal Cali Waraabe in uu u sharaxan yahay xisbiga UCID, taas oo ay ku raaceen Guddida Diiwaangelinta Ururradu.

Jamaal ayaa markii hore tibaaxay in uu maxkamadda sare dacwad cusub ka furayo waxayse hadda u muuqataa in uu ka jeestay UCID oo uu mustaqbalkiisa u wareejinayo xisbiyada Kulmiye iyo Waddani.

Kulmiye iyo Waddani ayaan weli war sugan ka soo saarin dhawaqa Jamaal Cali Xuseen, hase ahaatee waxa la filayaa in labadooduba ay dedaal badan gelin doonaa sidii ay u soo jiidan lahaayeen Jamaal iyo kooxda uu horkacayo.

Sannadkii 2012-kii ayaa xisbiga UCID heshiis uu la galay garab uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen ay murashax madaxweyne ugu cumaamadeen Jamaal Cali Xuseen, hase ahaatee waxa mar walba jiray khilaaf u dhaxeeya Jamaal iyo Faysal oo xisbigaas soo hoggaaminayey tan iyo markii la aasaasay 2002-dii.

Ka hor intii aanu siyaasadda ku soo biirin, Jamaal wuxu agaasime ka soo noqday baanka caalamiga ah ee Citi Bank xarumihiisa Kenya, Tanzania, Ivory Coast iyo waddamo kale oo door ah.

Hoos ka eeg qoraalka uu Jamaal baahiyey:

jamaal-cali-xuseen-facebook

Bandhige@gmail.com

BANDHIGE NEWS