Wadnuhu wuxu ka mid yahay xubnaha ugu muhiimsan jidhka aadamaha. Haddii ay cilladi wadnahaaga ku timaad waxa si taban isu beddeli kara noloshaada oo dhan, waxaanu kugu keeni karaa in cimrigaagu aad u soo gaabto.
Wadnuhu shaqooyinka muhiimka ah ee uu qabto waxa ka mid ah jidhka ayuu gaadhsiiyaa kuna wareejiyaa dhiigga, iyadoo dhiiguna uu unugyada jidhka oo dhan gaadhsiiyo ogsojiinta iyo nafaqada muhiimka u ah caafimaadka iyo nolosha qof kasta.
Rekha Mankad oo ah dhakhtarad cilmi-baadhe ah oo takhasus dheeraad ah u leh caafimaadka wadnaha kana tirsan cusbitaalka caanka ah ee Mayo Clinic ayaa tibaaxday in saddex istiraatijiyadood oo qofku uu joogto u fuliyo uu kaga hor tagi karo xanuun ku yimaadda wadnihiisa, waxayna saddexaad ku sheegtay “Eat 5, move 10, sleep 8” oo macnaheedu yahay “Cun 5, soco 10, seexo 8”.
- Cun 5: Dr. Rekha Mankad waxay ku macnaysay in qof kasta oo danaynaya caafimaadka wadnihiisu uu ilaa 5 jeer maalintii cuno khudaarta noocyadeeda kala duwan.
- Soco 10: waxay ku macnaysay in qofku ugu yaraan uu maalintii 10 daqiiqo sameeyo jimicsi iyo dhaqdhaqaaq uu ugu yar yahay socod tallaabayn ah. Waxay Dr Rekha sheegtay in Hay’adda Caafimaadka Adduunku ay dalbato in qof kastaa maalintii jimicsado 30 daqiiqo, laakiin 10 daqiiqo ay tahay meel wanaagsan oo laga bilaabi karo, isla markaana ay kala-badhna hoos u dhigi karto khatar wadne-xanuun ah oo kugu iman karta.
- Seexo 8: waxay ku sheegtay in ay tahay in aad ilaa 8 saacadood oo tayo leh aad seexato maalintii (24 saacadood marka ay soo wareegaanba.) Hurdada oo aad ka bogataa waxay si weyn kor ugu qaadaa caafimaadka wadnaha iyo caafimaadka guud ee qofka.
Saddexdan istiraatijiyadood oo aad maalin walba fuliso waxad ku ilaashan kartaa caafimaadka wadnahaaga. Haddii aad tahay qof wadne-xanuun qaba, saddexdan tallaabo waxay kuu leeyihiin muhiimad ka badan inta ay u leeyihiin dadka caafimaadka qaba.
Xigasho: Mayo Clinic
BANDHIGE NEWS
Bandhige@gmail.com