Maxkamadda caalami ah oo keliya ayaa ka gar naqi karta arrinta Jamaal Khaashuqji (WQ: Cabdirashiid Odowaa)

Dilka wariyaha Jamaal khashoggi ee lagu khaarajiyay qunsuliyadda Sucuudigu ku leeyahay (Stanbuul)Turkey ayaa lagu tilmaamay arrin badownimo ah oo ay ka danbeeyeen dad badow ahi ma aha danbi ku kooban Turkey iyo Saudi Arabia hase ahaattee waa danbi Caalami ah sida ay ku doodayan scholars badan oo reer galbeed ah.

Xukuumadda Boqortooyada Saudi Arabia ayaa ilaa hadd

a ka been sheegaysa masuuliyadda ay ku leedahay arrintaas waxayna ka bixinaysaa raalligelin aan ahayn mid lagu qanci karo waxayna xukuumadda sucuudigu rabtaa inay shaqo ka eryid iyo xadhig ku qaaddo qaar ka mid ah sirdoonkeeda taas oo aan ahayn talaabo ku filan ama loo arko qiiq iksku qarin.

Hase ahaattee danbigani waa danbi caalammi ah waxana danbigan lagu gaystay xayndaabka Qaramada midoobabay iyo heshiisyada caalamiga ah ee loo dhigay xasaanadda iyo dhowrsanaanta safaaraddaha iyo Qunsuliyadaha,arrintani waxay dhaawac ku tahay Xorriyadda saxaafadda ee ay damaanad qaadday shuruucda caalamiga ahi waxay kaloo dhawac ku tahay Xuquuqda Aadamaha ย waxayna noqonaysaa danbi uu galay waddan Xubin ka ah UN oo hatigaad u gaysatay nabadda Caalamka.waxa Golaha amaanka ee UN hore maxkamadda caalamiga ah u geeyeen arrimaha ay ka mid ahaayeen Dilkii Rafiiq xariiri iyo Diyaaraddii lagu soo riday Locarbie 1982-kii. Madaxweynihii liibiya ee xilligaas waxa lagu eedeyay inuu wax ka ogaa arrinta Diyaaradda la qarxiyay

Inkastoo Erdogan madaxweynaha TURKIGU dalbaday in lagu maxkamadeyo waddankiisa kooxdii 15 ka nin ahayd ee loo tuhunsanaa haddana taasi suurto gal maaha ayay leeyihiin oo kama fursanaynso in maxkamadda caalamiga la geeyo arintan waayo Turkey maxakamdeedu waa local waxayna keeni kartaa inay iyagu siday rabaan u maamulaan.

Sida ku qeexan Chapter VIII UN charter wuu ku filanyahay heerkii maxkamadda caalamiga ah lagu qaadi lahaa arrintan ย waxa hore looga garnaqay arrimo noocan ah oo Diplomasiyiin waddan joogta waddan kale shirqool u sameeyay waxana ka mid ahaa dhacdooyinkaas tii ka dhacday waddamada Balkans,Ruwanda iyo Sierra leone.

Marka la eego ย masuulinta turkiga oo caddaymo xad dhaafa soo bandhigay habkii loo khaarajiyay wariyahaas iyo macluumaadka ay soo gudbiyeen Sirdoonka Reer galbeedka iyo Israel waxay daaha ka rogaysaa inay arrintani ahayd Silsilad isku xidhan oo Sucuudiga ka soo fushay looguna talo galay in lagu khaarajiyo wariyahan oo xagga warbaahinta wax ka sheegay arrimaha Boqortooyada Saudi Arabia iyo Nooca xukunka (Monarchy) ee Saudi Arabia ku dhaqanto iyo wiilka dhaxalka boqornimada leh tallaboyinka uu ku dhaqaaqay arrintan oo cadho xoogan ka abuurtay qasriga Boqortooyada.

Cadaadis Golaha Amaanka ee UN kaga yimaadda ย oo laga hor joogsado Madaxda Sucuudiga inay u socdaalaan waddamada yurub oo ay ka leeyihiin arrimaha caafimaadka,waxbarashada,Cunaqabatayn iyo go doomin siyaasaded ayaa keeni karta in nimanka looga shakisanyahay Dilka wariye khashogi in lagu horkeeni karo maxkamadda (Hague) Maxamed Bin salmaan wiilka Boqorka Sucuudigu dhaly laftiisa ayaan ka madhnayn oo arrintani ay dul fadhidaa ย in kastoo ay suaali ka taagantahay habka loo eedayn karo waxa suurto gal ah in ย eedayntiisu tahay eedayn sharafeed (Unindicted Co- Conspirator).

Waxa xusid mudan in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in waddanka sucuudigu uu muhiim u yahay dalkiisa oo aanay wax cadaadis ah saari Karin sababtuna tahay Qaniga uu ku yahay Saliidda ceydhiin iyo Hubka uu ka iibsado waddanka Maraykanka iyo wada shaqaynta ay ka leeyihiin dhinaca xagjirnimada intaas in leeg waxa la qaba waddanka UK ama Britain sidaas darteed aqalka boqortooyada sucuudigu wuu ka fogyahay in waxyeello ka soo gaadho dhinaca reer Galbedka ย marka laga reebo xagga Sumcadda.

Xigasho

Geoffry Robertson waa qoraa wax ka qora wax ka qora danbiyada ka dhanka ah Aadmiga.waana halgamaa u dhaq dhqaaqa Caddaladda caalamiga ah

Waxa Tarjumay

Rashiid odowaa

4101213

khadarsalaan@mail.com

ย