Kulan aqooneed lagu soo gabagabeeyey Boorama kaasi lagu lafa guraayey kaalinta ay warbaahintu ku leedahay dumarka  iyo ka qayb galka siyaasada.

Waxaa magaalada Boorama lagua soo gabagabeeyey kulan aqooneed ay soo qaban qaabisaya wasaarada shaqa galinta arimaha bulshada iyo qoyska kaasi oo lagu faaqidayey kaalinta ay warbaahinu ku leedahay kor u qaadida wacyiga siyaasadeed ee dumarka jecel in ay ka qayb qaataan siyaasada.

Kulan aqooneedka waxaa ka soo qayb galay labaatan qof oo isugu jira sagaal ka socdey sadexda xisbi siyaasadeed oo musharaxiin u kala ah golayaasha deegaanka iyo kan wakiilada iyo toban wariye oo isgu jira wiilal iyo gabdho.

Waxaa furitaanka iyo gabagbada aqoon is waydaarsigaas ka soo qayb galay furayna soona xidhay agaasimaha guud ee wasaraada shaqo galinta Maxamed Cilmi Aadam, gudoomiye ku xigeenka gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal,duqa magaalada Boorama Saulaymaan Xasan Xaddi, isuduwaha wasaarada ee gobolka Awdal Gaqyaan Farduusa Sh. Siciid iyo la taliyaha wasaarada ee arimaha lamaanaha ( gender) Khadar iiman Cige.

Dhamaan madaxdaas waxa ay sheegeen kaalinta muhiimka ah ee ay dumarku ku leehiyiin horumarka bulshada, dhaqaalaha, dhaqanka dhisida qoyska wanaajinta qaybaha kala duwan ee arimaha nolosha iyo sida ay uga soo baxaan wax kasta oo lagu aamino , in ay kaga wanaagsan yihiin raga dhinacyo badan oo nolosha ah, hadii ay ka qayb galaan arimaha siyaasadana ay wax weyn ku soo kordhin karaan.

Waxaa ay madaxdu tilmaameen caqabadaha dhaqan, bulsho iyo caadadaadka kala duwana ee dumarka ka hor taagan in ay ka qayb galaan dhaqdhaqaaqayada siyaasadeed.

Aqoon is waydaarsiga ayaa lagaga doodey nidaamka kootada (Quota system)  mushkiladaha hor taagan iyo kaalinta ay warbaahintu ku leedahay arintaas, waxaa sidoo kale xoog loo lafa gurey adeegsiga warbaahinta caadiga ah sida TVga, Raadiyowga, Joornaalka iyo website-yada iyo warbaahinta casriga ah ee loo yaqaano baraha bulshada sida Facebook, twitter, instgram, G+ Linked whasap iyo kuwo kale ee badan gaar ahaan waxaa xooga la saarey sidii si wacan loogu adeegsan lahaa bulshada waxa waxa u tarayana loogu soo badndhigi lahaa gaar ahaan facebook iyo twitter.

Ka qayb galayaasha ayaa sheegey sidaay uga faa’ideysteen aqoon is waydaarsigaas korna uu u qaatey sidii ay qaybaha warbaahinta ee kala duwan uga faa’iideysan lahaayeen kuwa dhaqnka ah iyo kuwa baraha bulshada la yidhaahdba.

Xasan Ciise- Suxufi