Mid ka mid ah hoggaamiyayaashii Afrika ee eersaday aragtidiisa Waddaniyadda ahayd (WQ: Mowliid Xaaji Cabdi)

Thomas Sankara wuxuu ahaa sarkaal ka mid ahaa ciidamadda Burkino Faso wuxuu madaxweyne ka noqday dalkaasi sanadkii 1983-dii wuxuuna xilka ka hayey muddo 4 sano ah,isagoo xukunka ku qabtay 33 sano jir ah.

15-kii bishii October 1987 ayaa loo gaystay dil khaarajin ah oo ka dhacay magaalada caasimadda u ah dalkaasi ee Ouagadougou.Wuxuu ahaa nin Afrikaanimadu ka waynayd, wuxuu ahaa kacaanyahan.

Wuxuu ka tagay laba caruur ah oo lagu kala magacaabo Philippe Sankara, iyo Auguste wuxuuna guursaday hal xaas oo lagu magacaabi jiray Mariam Sankara. Markii uu xukunka qabsaday wuxuu ugu horreyn ku dhaqaaqay in wadanka magacii Faransiiska ee Upper Volta uu ka badalo uuna u bixiyo Burkino Faso.

Wuxuu soo saaray go’aan gawaaridii raaxada ee dawladdu lahayd oo nuucoodu ahaa Mercedes uu gabi ahaanba iibiyo, isagoo ku badalay gawaaridii xiligaas ugu raqiisanayd sida Renault in uu ka dhigo kuwa ay adeegsadaan madaxda dawladda.

Wuxuu dhimay mushaaraadka dhamaan madaxda rayidka ah ee dawladda oo uu isagu ka mid ahaa.Wuxuu joojiyey in madaxda dawladdu ku safraan diyaaradaha iyagoo isticmaalaya tigidhada kuraasta qaaliga ah (1st Class).

Wuxuu dhisay wadooyin iyo khadad Tareen si wadanku isugu xirmo isagoo wax caawimaad ka helin dalal shisheeye. Wuxuu beeray 10 milyan oo geed si uu uga hortago nabaad-guurka.

Wuxuu hindisay qorshe dadka wax lagu baro, isagoo gaarsiiyey muddadii u dhaxeysay 1983 ilaa 1987 in dadka wadanka Burkino Faso ee wax akhrin karta waxnna qori kartaa kororto oo ay gaarto 73% halkii ay ka ahaayeen markii hore 13%.

Wuxuu dhisay 350 Iskoollo iyo goobo waxbarasho kuwaasi oo lagu dhisay xoogga dadweynaha. Wuxuu ka talaalay caruur gaaaysa 2.5 milyuun cuduradda Jadeecadda, qoor-gooyaha, cagaarshowga isagoo hawshaas ku fuliyey muddo todobaad ah.

Wuxuu u magacaabay haweenka jagooyinka sar sar ee dawladda isagoo ku dhiirigaliyey ka mid noqoshada ciidamadda, wuxuu kaloo u ogolaaday fasax xilliyadda ay umusha ku jiraan iyagoo mushaarkooda qaadanaya.

Wuxuu mamnuucay gudniinka fircoonihga, isagoo xuquuqaha waajibka ah ee dumarka meel mariyey iyo inaan lagu xadgudbin. Wuxuu dhabarka xijiyey hay’adda lacagta ee IMF iyo Bangiga aduunka isagoo ka gaabsaday in uu waydiisto wax dayn ah ama deeq ah.

Dilkiisii:

Subax Khamiis ah 15-kii October saraakiil iyo askar ah oo ka mid ahaa ciidanka Burkino Faso oo tiradoodu ahayd 12 ayaa ku dhaqaaqay afgambi ciidan oo ka dhan ahaa ninkii qalbiyada shacabka Burkino Faso soo jiitay, waxaa ciidankaas hogaaminayey nin lagu magacaabi jiray Blaise Compaore oo saaxiib muddo dheer la ahaa Sankara.

Intii uu socday afgambiga kooxdaas waxay dileen Thomas Sankara, dil kaliya kuma siminn’e waxay jarjareen jirkiisii iyagoo si deg deg ah ugu aasay qabri aan calaamad lahayn, xaaskiisii Mariam iyo labadii ilmood ee ay dhaleen dalka ayay isaga carareen.

Blaise Compaore markii uu taladii wadanka la wareegay wuxuu laalay dhamaan shuruucdii iyo qorshihii Sankara, wuxuu dib ugu biiray hay’adda IMF iyo Baanka Aduunka, wuxuu ku eedeeyey Sankara in uu cadaawad la sameystay wadamadda dibadda iyo xiriirka caalamka gaar ahaan Faransiiska iyo Ivory Cost oo dalka daris yihiin.

Blaise Compaore wuxuu ku dhaqay wadanka nidaam Diktaatooriyad ah isagoo xukunka haystay 27 sano waxaase xukunka looga tuuray kacdoon dadweyne oo dhacay sanadkii 2014. Meydkii Sankara ilaa iyo hadda meel laguma sheego waxaase 25-kii May 2015 maalinkaas oo loo aqoonsaday maalinta xorreynta Afrika la sheegay in la helay wax lagu tilmaamay haraagii meydkii Sankara.

Bishii October 2015 Qareenkii Haweenaydii uu ka geeriyooday Sankara ee Maraiam lagu magacaabo wuxuu ku soo gunaanaday baaritaankii uu waday in jirkii Sankara gabi ahaanba lagu jarjaray rasaas xilligii la dilayey.

Thomas Sankara wuxuu u ahaa shulcad bulsho badan oo Afrikaan ah, waxaa lagu qabtaa xus iyo baroordiiq waddamo badan oo aduunka ka tirsan oo ay ka mid yihiin Burkino Faso, Mali, Senegal Niger, Tanzania, Burundi, Faransiiska, Canada iyo Mareykanka. Waxaa lala barbardhigay hogaamiyayaal caan ahaa oo Afrikaan ah oo nolashooda ku waayey u dagaalanka qadiyada xoriyo iyo dawladnimo ee dalalkooda sida Patrick Lumumba, Kwame Nakruma, Samora Machel iyo kuwa kale oo badan. Hadalladii uu caanka ku ahaa waxaa ka mid ahaa “Kacaanyahanadda waad u dili kartaa shakhsi shakhsi laakiin fikradaha ma dili kartid”.

Xigasho Buuggaagta: Thomas Sankara Speaks: The Burkino Faso Revelation 1983-1987(Waxaa qoray Thomas Sankara, waxaa dib u daabacay Michel Prairie sanadkii 2007). Africa’s Che Guavara (Waxaa qortay Sarah in Burkino Faso ) The True Visionary Thomas Sankara (Waxaa qoray Antonio de Figueiredo 2008).

 

Waxa Qoray: Mowliid Xaaji Cabdi