“Gobol waliba kii dhibay
Ha geeyeen maxkamadaha
Nabsigey guraayeen
Godolkiis ha maaleen
Haku fulo ganaax adag
Ha gareysto uunkuna
Haddii weyl la gowracay
In uu dibi wedkii galay”- Ing. Qorane
Maanta waa maalin kale oo ‘madow’. Waxa aan si dhaw isha ugu hayaa mudaharaadada rabshaduhu hadheeyeen ee ka socda dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya.
Ma aha ‘ugub’. Waa se muuqaalo aan markasta ka dheegto muuq-baahiyaasha caalamka, ee soo tebiyey wararka Afrikadda Madow. Waa dhacdooyin xidhiidhsan oo xannuun badan, oo tan iyo intii aan garaadsaday, dhaayahaygu arkayeen. Waa burbur iyo balan-bal!
Itoobiya, waa ay ruxmaysaa! Dalkana waxa la geliyey Xaalad Deg deg ah, oo soconaysa lix bilood ah. Waanna markii u horeysay muddo 25 sannadood ah, ee dalku xukun noocan ah galo. Tan waxa ay la macno tahay, in Dastuurka dalka si ku meel gaadh ah loo laalayo, ciidamadda ammaankuna si toos ah uga amar qaadanayaan Raysal Wasaare Hailemariam Desalegn.
Dhanka kale, warbixintii u danbaysay ee Hay’adda Xuquuqul Insaanku soo saartay, waxa ay sheegaysaa dad ka badan 500 oo qof in dhagta dhiigga loo daray, muddadii todobada-bilood ahayd ee ay socdeen isku-soo-baxyadu.
Dadku waxa ay durba gubeen dhawr warshadood, hanti badana waa la burburiyey. Wadooyinkii caasimadda imanayeyna qaar badan baa weli xidhan.
Waa gadood ay is garabsanayaan laandheeraha iyo boqoradda Itoobiya, Oromada iyo Amxaarada.
Laandheeraha dulman
Oramadu waa qowmiyadda uga badan Waqooyi-Beri Afrika. Waa 50 million oo u dhiganta 1/3 shacabka Itoobiya.
Waxa ay deegaan ahaan ku nool yihiin dhulka ugu hodansan, uguna barwaaqadda badan dal-weynaha Itoobiya. Dhaqaalaha dalku, 60% waxa laga soo saaraa is-maamulka Oromiya.
Magaalo madaxda Itoobiya, waxa ay ku taal wadnaha Oromiya. Taas oo uu saldhig ka dhigtay Boqor Menelki ,oo gumaystay qowmiyada Oromiya hilaadii qarnigii 19aad, una bixiyey magaca haatan loo yaqaan ee Adiis-Ababa (Ubaxii Cusbaa).
Oramadu waa bulsho ‘waqtigu’ ka eexday. Waanna maroodigii suuxsanaa ee foolka lagala baxay.
Dareenkii la damqay.
Qorshaha balaadhinta magaalo madaxda Itoobiya wuxuu qalfoofka ka qaaday nabarkii huursanaa ee ku yaalay qawmiyada Oromada.
Waxa ay soo noolaysay tabashadii ay mudadaa dheer qabeen Oromadu ee ahayd in ay yihiin ‘walxihii’ gumaysiga madow adeegsanayey.
Oramaddu waxa ay baadi-goob ugu jiraan sinnaan iyo cadaalad la mid ah ta dhiggooda tiradda yare ee Tigreega. Kuwaas oo sad-bursi dheeraad ah ku haysta dhanka siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhaqankaba.
Halkee ay u socdaan?
Baraarugga Oramada, gudaha iyo dibadduba, waxa ay astaan u tahay in ay ‘fahmeen’ in aanay dalkooda ku sii dhex ahaan doonin ‘adoomo’ loo yeedhiyo, oo dhagaha uun ka maqla is-bedeladda nololeed ee dalkooda ka socda.
Kacdoonka keligood kuma koobna. Beesha caalamka ayaa naawilaysa, oo si dhaw ula socota tacdiyada aadanimo ee lagula kacayo dadka mudaharaaday.
Itoobiya, maanta waxa faran laba mid uun in ay yeesho, si ay uga badbaado in ay ku biirto liiska Dawladaha Guul-daraystay, ee ay Soomaaliya kaalinta koowaad kaga jirto:
In dawladdu u dhego-nuglaato mudaharaadada, taas oo qasbi doontaa in Itoobiya dib iskula xisaabtanto, oo xaqqa la kala dhacay, la soo kala ceshado, dabadeedna lagu wada noolaado Itoobiya Cusub, oo laga siman yahay duruufaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasadeedba.
Haddii kale, waxa ay furka laga tuuri doonaa ‘sanduuqii balooyinka’ ee xidhnaa muddada dheer. Waxa gil-gilan doona qawmiyadu badan oo reer Itoobiya ah, oo la wadaaga Oromada, tabashadooda la xidhiidha maamul-wadaag iyo xukun-qaybsi ku dhisan cadaaladda, horumar iyo iskaashi.
Cabdiqaadir Dayib Askar waa barre jaamacadeed oo takhsuskiisu yahay Xidhiidhka Caalamiga Iyo Diblumaasiyadda. Kala xidhiidh e-mailkiisa abdikadiraskar@gmail.com amma booqo degelkiisa www.siraskar.wordpress.com