Guddoomiyaha Waddani waxa uu hadhimo-sharafeed u sameeyey xubnihii dhowaan ku soo biiray xisbiga

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa maanta hadhimo sharafeed ballaadhan u sameeyey garabaddii Isbahaysigii Kulmiye, siyaasiyiintii uu horkacaayey Ismaaciill Hurre Buubaa ee Koonfurta Hargeysa iyo weli ba  mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan kuwaasi oo dhammaantood maalmo ka hor ku soo biiray Waddani.

Kulankan ayaa waxa ka soo qayb galay hoggaanka sare ee xisbiga Waddani. Kulanka ayaa waxay ujeedka kulankani uu daarnaa sidii la iskaga xog-waraysan lahaa hawlaha Xisbiga loona dar-dar gelin lahaa isku duubnimada iyo wada-shaqeynta Xisbiga si loogga midho dhalliyo hadafka iyo himilada Xisbiga Waddani.

Mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta bahweynta Xisbiga Waddani ee kulankaas iskugu yimi, ayaa waxa ay is waydaarsaddeen fikiro badan oo ku qotomay siddii Xisbiga Waddani uu natiijo wanaagsan uga heli lahaa doorashada Madaxtinimo ee soo socota.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan:

waddani waddani-2 waddani-3 waddani-4 waddani-5 waddani-6 waddani-8 waddani-9

bandhige@gmail.com