Boqorkii ugu muddada dheeraa dunida ee Thailand oo 88 jir ku geeriyooday

 

Boqor Bhumibol Adulyadej oo taariikhda ku galay in uu yahay boqorkii ugu muddo-xileedka dheeraa dunida ayaa ku geeriyooday cusbitaalka Siriraj Hospital oo ku yaalla Bankok isaga oo 88 jir ah.

Nooca xanuunka boqorku u geeriyooday lama shaacin waxase war kooban oo ka soo baxay xukuumadda Thailand lagu sheegay in uu qaab  nabadgalyo ah u xijaabtay saacaddu markii ay ahayd 8.52 GMT oo u dhiganta 11.52 AM wakhtiga bariga Afrika, hase ahaatee 5.00-tii galabnimo ka horow warka geeridiisa lama shaacin.

Boqor Bhumibol Adulyadej waxa la caleemo-saaray 9-kii June 1946 isaga oo wakhtigaa ahaa 19 jir, wuxuuna xilka boqornimada hayey 70 sanno.

Wiilkiisa Maha Vajiralongkorn oo 63 jir ah ayaa dhaxlaya boqornimada sida uu goor dhawayd ku dhawaaqay Ra’iisal-Wasaaraha Thailand Prayut Chan-ocha .

Boqorka ayaa lag xasuustaa in uu aabo u ahaa xasilloonida siyaasadeed ee dalkaas isaga oo kala saari jiray mar kasta oo ay isla murgaan xisbiyada siyaasaddu marar badana duufaano siyaasadeed kala dabaashay dalkiisa.

Ra’iisal-Wasaare Prayut Chan-ocha ayaa sheegay in dalka Thailan uu boqorka u murugoon doono muddo sannad ah, muddo bil ahna la joojin doono nooc kasta oo madadaalo iyo muusik ah.

“Dhimashada Boqorka Thailan waa wixii ugu darnaa ee ku dhaca dalkeena. Hadda wuxu ku jiraa jannada, halkaas ayuuna innaga soo eegayaa” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Prayut Chan-ocha.

Dhimashada boqorku waxay ku soo beegan tahay wakhti ay dalkiisa ka taliyaan milatarigu kadib markii ay xukun milatari ku qabsadeen 2014-kii.

wiilka-leh-dhaxalka-boqortooyada-thailand
Amiirka la wareegaya boqornimada Thailand

Boqor Bhumibol Adulyadej ayaa dadka qaar u arki jireen in uu bani’aadanimada dhaafay ayna tahay in la caabudo.

Dadweyne aad u tiro badan ayaa isugu soo baxay magaalo-madaxda ee Bangkok oo boqorku ku geeriyooday.

Boqorka cusub  ee loo caleemo-saarayo Thailand Mr. Maha Vajiralongkorn ayaa shaaciyey in uu aqbalay boqornimada dalkaas, laakiin wuxu sheegay in uu u baahan yahay in caleemo-saarka dib loo dhigo si uu ugu murugoodo aabihii.

Maha Vajiralongkorn ayaan ahayn nin aad looga yaqaan dalkaas isla markaana ma laha haybaddii lagu yaqaanay aabihii. Wuxu inta badan noloshiisa ku qaatay dalka dibaddiisa, gaar ahaana dalka Jarmalka.

Il-wareed: Wakaaladaha Wararka

Bandhige@gmail.com