Milicsiga Xasuus Qorkayga: Jiilki Ma Dilnaa, Ma Baabiina? (WQ: Cabdiraxmaan Jiciir)

Meesha aan ku suganahay waa magalada Hargeysa. Guriga adeero Maxamed Cumar Carte. Kulankan waxa nagu wehelinaya aqoonyahan Mustafe Anwar, Maxamed Cumar, Abwaan Cabdillaahi Baxraawi, iyo Siciid Surwaale.

 

Wakhtigu: Waa aabaro 5.30 galabnimo, sannadkii 2010, June, 19 keedi. Waa maalin sabti ah, waxaan fadhina barxada beerta weyn ee guriga, halkaasi oo ay kuraas noo taalo.

 

Jawigu waa qurux badan yahay, neecow macaan aya dhacaysa, udgoonka dhirta ubaxu guudka qariyey ayaanu ku indho qabowsanaynaa, cimiladu waa jawi degan oo ay daruurta iyo cadceedu ay kolba isku libdhaaya, kolba faladhaaha casaanka cadceedu way sii gaabnayaan, oo sii shiiqaysa siddi oo moodid inay godkeedi ku ordayso.

 

Waxa iyaguna wishiirigoodu isqoorsaday shinbiraha geedaha hadhaca ee beerta cushashkooda ugu yaala ku sii hoyanayey. Shaah dhako-jabiye ah oo xawaashaysan iyo buskut ayaa miiska noo kor saaran oo laysku cunayaa.

 

Sheekada waxa no daadihnaya oo dareen cod leh ku ladhaya macalin Mustafe Anwar( oo aan u aqaano dadka aqoonta siday tahay u fahmay, marka la eego bulshadeena, markii iigu dambaysana ka hawlgeli jirey hayadaha caalmiga ah). Wuxuu nala wadaagey dhacdo isbuucii tegay(waa Jimcihiiye) uu la kulmay.

 

Wuxu yidhi: “caruur aan abti u ahay baa wadanka dalxiis loo keenay, da’doodu waxay u dhaxaysa 5 jir ila 12 jir. Jimcihii ayaan dalxiis magalada duleedkeeda ugu baxnay carruurtaasi iyo caruur kale oo ay ilmaadeer ahaayeen oo reer Hargeysa ah. Ka sakow faraxada iyo sheekada ku ladhan carruurtu markay dalxiisayaan, waxaan la yaabey carruurtii Kanada ka timid baa aragtey sakaaro, markaasay yidhaahdeen,  “eeg waa sakaaro e way qurux badan tahay, halkay yaryarkii reer Hargeysana ugu jawaabeen, ‘MA DILNAA?!’.

 

Caruurti qurbaha ka timidi way yaabtey! Haddana waxay arkeen “Dabogaale” dabeed way yaabeen iyago leh, ‘look this amazing creature’, macnahii ‘daawada xayaawanka yar ee layaabka leh’. Carruurti kale ee reer Hargeysana aya markay arkan ba dhagax iyo qoryo ku tuuray, waana ay eryadeen.

 

Haddana kii ugu yaraa saddexda carruurta ahaa ee qurbaha ka yimid ayaa arkay ubax. Isagoo la ashqaraarsan ayuu dul-fadhiistay, haddana ku yar oo la da’ ahaa ayaa ku soo booday misana isagoo leh, ‘MA GOOYAA?!’ Intuu kor u qelyey isagoo aad bood inuu laabta gashanaya ayuu kor ugu qaylyey: ‘NO! NOO! NO!!’ These are bunch of destroyers”.

 

Iyagoo yaaban bay markay magalada ku so noqdeen bay arkeen ey hoos fadhiya geed, markasey dhagax ku tuureen, oo ay eryadeen yaryarkii reer Hargeysa. Markii dambe ayey caruurti qurubaha ka timiday i waydiine su’aal aan ka jawaabi kari wayey; “maxay had iyo jeer caruurtan ilmaadeerka nahay u leeyihin wax weliba ma dilnaa, ma tuurna, ma goynaa? ”

 

Saameynta Sheekada maalintaasi waxan aad ula yaabey, waayo micnaha weyn bay u samaynaysey Mustafe Anwar iyo Maxamed Cumar fariqa labada carruur ee labada wadan ku kala koray ay leeyihiin.

 

Anniga iyo jaalayashay waa noo qosol iyo maad sheekadu maalintaasi, se wakhti dambe micno weyn ii yeelatay. Carruurta sidaasi ku kacaamaa bulshadeena maxaad u malayn Akhriste?! Micne nooce ah ayey sheekadu ku sameysey?