Miyaa lagugu Toley?! (W.Q: Hibo Ciise Maxamed “Basbaaso”)

Isagoo xarago la tiicaya, sida diigana u talaabsanaya ayuu dhanka midig wadiiqo yar oo wadada weyn kaga soo dhacda  mudh kasoo yidhi, waxa uu usii jeeda dhankaa iyo maqaaxida camiran oo casarkii carruur iyo ciroolaba ilyartu is qabato, Sheeko nooc walbana lagu qaada dhigo, shaah iyo sharaab midkii la doonana laga cabo ayaa waxa isna meel aan saa uga sii dheerayn baabuur kaga soo dagey odey Caawiye oo ah nin xagaa iyo agaagaarka aad looga yaqiin bulshada ku dhex nool yaheyna  magac iyo waji fiicanba ku leh.

Judhiiba waxay indhihiisu ku dhaceen mijaha aanad birqaabka ka garan dhuudhuubnida ee hortiisa sii talaabsanaya iyo niyad ka hadalkiisii “Haba dhuubnaadane dharkuna waa sidee” Cajiib!! Wuxu dib u milicsadey waayihiisi dhallinyaranimo iyo faraqa weyn ee u dhaxeeya isaga iyo wiilkan dhallinyarada ah ee uu hadda u jeedo.

Wax badaniba kamay soo wareegin goortii uu Cawaale soo gaadhey goobtii uu ku soo aadanaa , odey Caawiyena wuu ku daba jirey oo kama dheerayn isla kobtaasna fadhigiisu wuu ahaa. Jaba waa ka danbeeyee, wiilkii Cawaale ahaa halkan ayuu salaan diiran ku qaabiley koox wiilal ah oo gadihiisa ah, cagidiiba kursi baa halkan looga soo jiidey, laakiin yaa u fadhiisan.

Sheeko!!! Kursiguu dabadda saareyba sa waaba surwaalkii oo ilaa meel alle ogyahay dawaarkii furmey.

Odey Caawiye oo ilaa goorahanba afku  u hulhulayey kana horjoogey inbadan in uu hadalo ku tuurtuuro Cawaale ayaa intuu u soo dhawaadey cod laga wada maqley maqaaxida inteeda badan ku yidhi:

“Adeer miyaa lagugu toley surwaalka?!!!”

 

Hibafaakhir@gmail.com

Qalinkii Hibo Ciise Maxamed (basbaaso)