Warancadde oo jawaab adag ka bixiyey hannaanka doorashada Soomaaliya ee Somaliland lagu daray

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo maanta waraysi siiyey idaacadda VOA laanteeda af-Soomaaliga ayaa si adag uga falceliyey hannaanka doorashada Soomaaliya oo lagu daray Somaliland.

War-murtiyeed shalay ka soo baxay dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mustaqbalka ayย Soomaaliya yeelan doonto gole sare oo xeer-dejineed, kaas oo ka kooban 54 xubnood. War-murtiyeedku wuxu intaas ku daray in 6 maaml-goboleed oo Soomaaliya ka jira midkiiba 8 xubnood la siin doono marka laga reebo Somaliland iyo Puntland oo midkiiba 11 xubnood heli doono sabab la xidhiidha muddada dheer ee ay jireen iyo baaxadda dhulkooda.

Hase ahaatee Wasiir Warancadde ayaa war-murtiyeedkan ku tilmaamay mid dhalanteed ah isaga oo sheegay in aanay Somaliland ka qayb-qaadan isla markaana aanu khusayn geedi-socodka Soomaaliya loogu dhisayo dawladda cusub.

Wasiir Warancadde wuxu sheegay in Somaliland ay tahay dal ka gooni ah Soomaaliya xubnaha Somaliland halkaas u metelayana wuxu ku sifeeyey “calooshood-u-shaqaysteyaal.” Sidoo kale Warancadde wuxu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ku sheegay in aan fayoobayn mar haddii uu qorshahan la yimid.

Wariyaha VOA-da oo Wasiirย Warancaddeย waydiisay sababta uu uย diiddan yahay ka mid ahaanshaha Soomaaliya isaga oo isticmaala Baasaboorka wuxu kaga jawaabay:

“Been baa laguu sheegay. Anigu weligay ma qaadan baasaboorka Soomaaliya. Waan necbahay oo xataa ma taabto.”

Wasiir Warancadde wuxu mar kale ku celiyey in ay Somaliland fulinayso qorshihii ay waddanka kaga saaraysay ama sharciga ku siinaysay Soomaalida aan u dhalan Somaliland.

“Waddamadu xuduudo iyo sharci ayay leyihiin. Soomaalida aan u dhalan Somaliland ma dhibaataynayno mana cunsuriyadaynayno, laakiin waxan hubinaynaa in qof kastaa ku joogo sharci” ayuu yidhi Warancadde.