Wargeyska caanka ah ee The Telegraph ee ka soo baxa cariga Ingriiska ayaa daabacay warbixin xiiso leh laakiin aanay jeclaysan doonin haweenkii awalba khaatiga ka taagnaa maqnaashaha badan ee raggooda.
Saynisyahanno ka tirsan Jaamacadda Gottingen oo ku taalla Jarmalka ayaa daahfuray in ragga oo habeenkii meel guriga ka baxsan kula caweeya ragga kale ee ay saaxiibbada yihiin ay caafimaad ahaan ka wanaagsan tahay iyaga oo la caweeya ama habeenkii meel guriga ka baxsan wakhti kula qaata xaasaskooda iyo xubnaha qoyskooda.
Daraasaddu waxay muujisay in raggu habeenkii marka ay la qaxwaynayaan ama la sheekaysanayaan ragga kale ee dhiggooda ah uu heerkooda isku-buuqu ama “stress-ku” aad u hooseeyo marka la barbar dhigo wakhtiyada ay guriga dibeddiisa kula caweeynayaan xaasaskooda.
Cilmi-baadhistani waxa kale oo ay sheegtay in isku-buuqa aan caafimaadka u wanaagsanayn lagu arko dumarka kaligood wada cawaynaya ama ragga iyo dumarka is qaba ee wada cawaynaya.
Warbixintan Saynisyahannada Gottingen waxay marmarsiiyo wanaagsan u tahay raggii ay balwadda u ahaan jirtay in ay wakhti badan maqaaxiyaha kula qaataan ragga kale ee ay saaxiibbada yihiin.
Warbixinta waxa diyaariyey Bill Gardner
The Telegraph