Moorgan iyo Gaanni: siyaasadihii ay Hargeysa ku kala maamuli jireen (WQ: Barkhad-ladiif mohamed omer)

Moorgan iyo Gaanni: siyaasadihii ay Hargeysa ku kala maamuli jireen

Wixii ka dambeeyey wakhtigii lagu dhowaaqay Jabhadda SNM 1982 bishii April lixdeedii waxa kor u sii kacayey cadaadiska lagu hayey shacabka reer Somaliland oo loo yaqaanay goboladda Waqooyi, waxaana wakhtiyadaasi iskaga dambeeyey laba sarkaal oo ay aad iskugu dhowaayeen maxamed Siyaad Bare, kuwaas oo kala ahaa Gen:Maxamed Xaashi Gaanni iyo Maxamed Xirsi Moorgan.

Gen,Maxamed Xaashi Gaani wuxuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyey horaantii sideetamaadkii Gobolada waqooyi wuxu ahaa nin doonayey inuu dajiyo shacabka reer waqooyi oo si weyn u saluugsana rajiimkii jiray, waxaanu waday siyaasad qabow oo uu doonayo sida uu dadka ku kasban lahaa wallow dadka qaar ku doodaan inuu ahaa nin dadka si hoose ku khaarajin jirey oo siyaasad qabow ku dari jirey si aanay dadku u wada kicin ama mar loo wada dareemin.

Xasan Dayax oo ka mid ahaa saraakiishii SNM, waxaanu ku jiray raggii gallay dagaalkii Buuraha ee lagu kala xidhay Berbera iyo Burco ka hor guddo galkii SNM ee magaalooyinka, waxaana ciidankaasi uu Dayax la socday watay Col:Ibraahim Dhego, waxaanu ka koobna boqol ku dhowaad, haseyeeshee waxa iskugu soo hadhay Dayax iyo Dhego weyne oo kaliya, halka intii kale ninba dhinac u goostay ka dib markii laga awood batay.

Xasan Dayax oo aan Gaani wax k waydiiyey waxa uu yidhi “Gaani ragii gobolada waqooyi soo maray ragii ugu fiicnaa buu ahaa, markii SNM talowday waxa uu shir la yeeshay aqoonyahankii joogay magaalada Hargeysa, markii la qadeeyey waxa uu u fiyey fadhi ay ku qayilaan si uu ugu xog waramo, waxaanu noo sheegay inuu reer waqooyiga jecel yahay, isla markana asxaabtiisu u badan tahay reer Hargeysa, sidaas darteed la noo kala sheekeeyey, marka waxa uu noo sheegay in lala shaqeeyo, sidoo kale, wakhtigaasi rag badan oo ka soo horjeeday isaga oo maxkamada la saaray buu diiday inuu ku markhaati furo si ay dadku ula shaqeeyaan”.

Gaanni wuxuu watay siyaasad qabow oo uu dadka ku dajinayo si aan loogu kicin, haseyeeshee SNM may jeclayn, waxaanay ku doodi jireen inuu yahay bahalka jiirka looyaqaan oo marka uu dadka qaniino afuufo, lama dareemi jirey dhibaatadiisa.

Dawlada dhexe ee Soomaaliya waxay diiday sida uu wax u waddo Gaani, taas baa keentay in meesha laga bedelo oo la keeno Moorgan.

La soco maxa Moorgan Hargeysa loogu soo bedelay iyo qaybta kale.