Xoghayaha Amniga Guddaha Mareykanka ayaa iscasishay

 

Xoghayaha Wasaaradda Amniga Guddaha ee Mareykanka Kirstjen Nielsen ayaa iscasishay ka dib muddo 16 bilood ah ay heysay jagadaas.

Waxaa loo maleynayaa inay isu casishay cadaadis xooggan oo ay kala kulmeysay Aqalka Cad iyo aragtida kala duwan ee dadweynaha Mareykanka ee siyaasadda dowladda ee maareynta Xuduudda Koonfureed.

“Inkastoo aan horumar ka sameynay dib u qaabeynta wasaaraddan amniga Guddaha, hadana waxaan goostay in la joogo waqtigii ugu haboonaa ee aan iscasili lahaa” ayey ku tidhi qoraal kooban oo ku qornaa warqadda istiqaaladeeda oo ay u gudbisay Madaxweyne Trump.

Inkastoo aaney sheegin sababta dhabta ah ee ay xilka uga degeyso, ayey hadana Nielsen ku qortay warqadeeda Isticaaladda –inay rajeyneyso in xoghayaha iyada bedeli doona uu taageero ka heli doono Congresska iyo Maxkamadaha sharciga ee dalkan si bey tidhi uu waxa uga bedello sharciyo iyada ka hor istaagay in ay si buuxda u sugto ammaanka xuduudaha Mareykanka.

Waxey tidhi ragga iyo dumarka ka shaqeeya wasaaraddan waxey mudan yihiin in ay helaan dhammaan imkaaniyaadkii ay u baahnaayeen si bey tidhi ay u fuliyaan howsha loo igmaday.

Dadka siyaasadda ka faalooda ayaa sheegay in Nielson ay ku jaha wareertay waxey u aragtay wada shaqeyn la’aan dhinaca Congresska iyo Maxkamadaha ah oo ku aadan wax ka qabashada soo galowga sharci darada ah.

Madaxweyne Trump ayaa fariin kooban oo uu soo dhigay bogiisa Twitterka ku sheegay Axaddii in Neilson ay shaqada ka tageyso –isla markaana ugu mahad celiyay howshii ay u soo qabatay dowladiisa.

bandhige@gmail.com