Muqdisho iyo Hargaysa sheekadu yaanay ka xumaanin (WQ: Xasan Xuseen Cabdi “Haidaro”)

 

Soomaaliya waxa ay heshay hogaan karti le, Farmaajo iyo Khayre waxa ay muujiyeen mudadii yarayd ee ay xilka hayeen in ay ku shaqeeyaan dareenka dadwaynaha, waxa ay toos u cadeeyeen in ay la dagaalamayaan musuq maasuqa waana ka daacad, waxa ay fahamsan yihiin in ay shaqaale u yihiin dadwaynaha, culayskana saarayaan in mushkiladooda xaliyaan. Muqdisho ama Soomaaliya waxa taala mushkilad wayn oo ay ugu horeeyso Alshabaab oo xoog wayn ku le, tan la tacaalideeda waxa ay isku dayayaan in ay quwado shisheeyo iyo qaar deegaanka ahi isku kaashadaan, dood waa laga qabi kara in ay tahay jidki ugu fiicna ee mushkilada lagu xalin kari laha, laakiin iyagu waxa ay qaateen in xoog lagu muquuniyo Alshabaab, taas oo ay adag tahay in laga midho dhaliyo mudada gaaban, waxa ku hooban doona dad badan oo Soomaaliyeed  hirdankooda micno darada ah ee caqliga baal marsan .

Marka dhanka dareenka Soomaaliland laga cabiro, waa niman albaabo badan ka soo xidhi kara madaxbanaanida Soomaaliland marka aad eegto sida ay u fahamsan yihiin waxa ay doonayaan, dedaalka iyo wakhtiga ay galinayaan. Waxa kale oo iyana suuro gala in ay isku dayaan in ay mashaakil ka dhex abuuraan dadka Soomaaliland ee nabada ku naaloonaya, tani waa dariiqa ugu xun ee hogaamiye dal kala laalaada u qaadi karo, waxa ay ka mashquulin doonta in ay wax ka qabtaan mushkilada dhabta ah ee hor taala oo ah in ay xaliyaan dhibta Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray, oo hadda u qaybsan shan ismaamul hoosaad oo mid waliba calan gaara iyo madaxwayne u eeke gaara leeyahay oo raadco ugu jira in uu samaysto xuduud qabiil oo shaad ismaamul goboleed lagu qarinayo. Inta badan deegaanadan waxa maamulka isku koobay kolba reerka ugu tunka wayn isaga oo kaashada dawlad jaarka ah, halka waxa ku lunsan xuquuqo dad badan oo deegaanka degan oo cabashadoodu noqon doonto mushkilad iyo cuqubo  taaban doonta caafimaad qabka maamuladan maqaar saark ah ee Soomaali lagu sii kala qaybinayo.

Dadka Soomaaliland ee aan ka midka ahay ma jecla madaxdan Soomaaliya loo doortay dhowaan waxa aanay u arkaan khatar soo korodhay marka la eego fikirkooda iyo talaaboyinka ka dhanka ah Soomaaliland ee ay qaadayaan, laakiin anigu waxa aan u arka niman shaqadoodi isku dayaya in ay qabsadaan si aan gabasho lahayn, xeeladina aanay ka madhnayn, dadka qaar way caayaan ama waxa ay u raadiyaan dhaliilo aan micno faro badan ku dhisnayn. Aniga waxa ay ila tahay, ma aha in la isku mashquulo labada dhinacba, maxa yeelay labada dhinacba waxa u yaala mashaakilo ciida ka badan oo ay tahay in la xaliyo, haddaan soo qaato dhanka Soomaaliland waxa u yaala in dib is ku cusboonaysiin hogaanka dalka ah lagu sameeyo oo dhiig cusubi maamulka la wareego, doorasha qorshaysana culayska la saaro, waxa kale oo loo baahan yahay maamulkaasi in uu toos u baaro dhibta Soomaaliland hadhaysay ee musuq maasuqa, sixir bararka iyo in haayada dawlada la tayeeyo.

Xalka iyo talada toosani waxa ay ku jirta labada dawladoodba in ay xaliyaan dhibta dadka Soomaaliyeed ee ku hoos nool taas ayaa lagu qiimayn doona, lagu qiimayn maayo sida fiican ee ay isugu hanjabaan iyo dabinada ay isu dhigayaan, haddii kale fajidan labada dawladood waxa ay sii kala fogayn doonta dadka masaakiinta ah ee mar is jeclaan jiray. Anigu kula yaabi maayo madaxda Soomaaliyeed in ay midnimo raadiyaan itaalkooda laakiin midnimada yaanay u marin colaadin toosa. Dhan kan Soomaaliland mudo 26 sano ah waxa aanu ku jirnay madaxbaanaani aqoonsi adduunka uuni ka maqan yahay, balo kuma qabno madaxbanaanida aanu dooranay, waxa aanu ku guulaysanay in aanu dhibti iyo dhiigi Soomaaliyeed e tibiq laha aanu dhan kaya joojino laakiin adigu dhiiga Soomaaliyeed ee dhankaaga ka daadanaya xal ma u haysa Aboowe mise sheekadaadu miyaa maxa loo wada jabi waayay saw waalo ma nihin.

Shirka London saaka uga furmay Soomaaliya iyo maamul goboladeeda iyo furitaanka Soomaaliland ee heshiiski DP ee dekada Berberi waa laba munaasibadood oo is ku lidi ah dhan walba, sheegayana kala duwanaanshaha labada dal. Soomaaliya London waxa ay u joogta in dawaro loo guro ama amaanka lyo horumarka dalka laga caawiyo, halka Soomaaliland Berbera lagu wan qalayo isku tashigii hore ay ugu soo caano maashay ay ku darayso maalgashi iyo wax wada qabsi nolol lagu hiigsanayo. Waxa ku sugan labadan munaasibadood casharo badan oo fasiraya faraqa iyo kala taga labadan ummadood oo mid ba xalkiisa dhan gaara u arko in ay ku jirto, dooda iyo iskaashigu waa inoo dhex si loo sii ilaaliyo waxa badan ee aynu wadaagno.

Bare Sare iyo Cilmi Baadhe

Xasan Xuseen Cabdi “Xaydaro”

hhmadaxyare@hotmail.com

+ 252 (0)634418302