Wixii kayd qoraal galaa waa shay loogu kalsooni badan yahay ee laga tixraaci karo tagtada ay ummadi leedahay. Gabayaagii weynaa ee reer Ingiriis Shakespeare wuxuu qoraal u beddelay dhammaan wax-soo-saarkiisii qarnigii 16-aad, waa muddo hadda laga joogo in ka badan afar boqol oo sanno. Waxa dhammaan badbaadiyey kaydkiisii qoraalkaasi oo ilaa maanta adduunka mar si ayaa loo dhigaa riwaayadihiisii, iyada oo laga shidaal qaadanayo qoraalka u sameeyey. Soomaalidu waxa ay safka hore kaga jirtaa dadyowga aan dhaqan u lahayn keyd qoraal, ee afka uun ka duryama. ย Soomaalida qoraalka afkoodu wuu dhaw yahay, waxaan haatan bilaabmay tartan buugaag qoris xawli ku socota oo dhulka Soomaalidu ku nooshahay ee nabada ah ka hanaqaaday. Sannadihii ugu dambeeyey waxa aad u soo batay buugaag ย laga qoraayo abwaano waaweyn oo qaarkood dhinteen kuwa kalana ay nool yihiin, wuxuu muran ka taagaanaa riwaayado iyo heeso dadka qaarkii ay ku sheegayaan inuu abwaan hebel leeyahay, halka kuwa kalena ay ku sheegayaan hebel kale.
Muranka Heesta Soomaaliyey Toosoo.
Horrantii sannadkii 2017 ayuu Axmed Faarax Cali Idaaja barmaamijka Hidaha iyo dhaqanka ee ka baxa VOASomali, ku sheegay in curinta heesta Soomaaliyey Toosoo uu lahaa abwaan Cali Mire. Markii uu warkaasi soo baxay ayuu Boobe Yuusuf Ducaale waraysi kooban siiyey VOASomali oo ku sheegay in aanay waxba ka jirin doodda Idaaja habayaraatee, oo uu curinteeda leeyahayYuusuf Xaaji Aadan Qabile oo ka mid ahaa aasaasayaashii waxbarashada Soomaalilaan. Wuxuu sheegay Boobe inuu Yuusuf uga sheekeeyey heestan inuu curiyey sannadkii 1947, mar ay hawl dhinaca fanka ah hayeen sannadkii 1976. Foosiye Yuusuf Xaaji Aadan Qabile ayaa iyana buugga ay ka qortay aabaheed ee Geeddi-nololeedkii Yuusuf X. Aadan ku sheegtay curinta heestaasi inuu aabaheed lahaa. Heesta Soomaaliyey toosoo waxa astaanka qaranka Soomaaliya loo qaatay sannadkii 1985, sida uu Boobe sheegay.
Muranka Heesta Shicibyow Wanaagsani.

Qoraaga reer Jabuuti ee Cabdalle Xaaji Cismaan ayaa buugiisa Sooyaalka fanka iyo hobollada Jabuuti ee uu daabacay sannadkii 2019, wuxuu ku sheegay in heesata shicibyow wanaagsani uu curiyey abwaan Cali Diiriye Cigaal ( Cali-Gaab). Oo ka mid ahaa barbaartii dhalatay sannadkii 1936, kuna biiray fanka sannadkii 1964 oo uu Soomaaliya joogay. Ka dibna u wareegay Jabuuti oo uu ku biiray kooxdii fanka ee Xarbi sannadkii 1977 markii ay Jabuuti xorowday. Ka eeg bogga 208-209 ee buugga. Hasayeeshee waxa doodaasi meesha ka saaray buugga sannadkan la soo saaray ee Maguuraan ee laga qoray sooyaalkii iyo suugaantii abwaan Cismaan Askari. Qoraha buugga ayaa hordhaca buugga wuxuu toos u dhafoor taabanayaa buugga Cabdalle, waxaanu ugu duurxulayaa odhaahdanโ waxa ciiddaasi ka batay heesaha, ama riwaayadaha abwaan Soomaaliyeed lahaa, ee haddana abwaan kale lagu sheegayo, ama cid kaleba sheeganayso. Ilaahayba maraggayga ma fogayne, riwaayadda โ Maanta iyo Fadhi aa?โ, heesaha shicibyow wanaagsani iyo xoogga dalka xamdi baa lehโ. Oo dadkii qaaday iyo kuwaa jilayba nool yihiin ayaa uu buugiisa ย Cabdalle X. Cismaan ku sheegayaa abwaanno kale. Ee hordhaca buugga Maguuraan bogga 7. Doodahaasi iyo kuwa la mid ah ma jirto cid ka garnaqda oo saarta cida xaq ku taagan eel eh curinta heesta la isku haysto.
Abwaannada casrigani haddii aanay qoraal gelin wax-soo-saarkooda faneed waxa mustaqbalka dhici doonta in sidan oo kale oo weliba ka sii fool xun la isku qabsan doono. Kuwa weli noolna waa inay qoraal geliyaan wixii ay hayaan si mustaqabalka looga baaqsado muran ma dhalaysi ah oo ummadda jawahareeriya. Qoraalku wuu ka cimri dheer yahay muuqaalka iyo codka. 60-ka sanno ee soo socda muuqaallada hadda ku jira baraha YOUTUBE sidan ahaanmaayo oo wuu is-beddeli doonaa oo weji kale ayuu yeelan marka loo eego xawaaraha ay ku socoto tiknoolajiyadu. Hasayeeshee buugga qorani wuxuu jiraya inta ay dunidu jirtaba oo waxba iskama beddelayaan.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan