Murashixiinta u tartamaysa doorashada Madaxtooyadda 2017-ka siday ayey u kala yaqaanaan dhaqanka? (WQ:Maxamed Daahir Axmed)

 

Qofka raba ummadda in uu hoggaamiyo waxa lagama maarmaan ah in uu qofkaasi si xeel dheer u yaqaano dhaqanka ummadda uu rabo in uu hoggaamiyo. Somaliland arrimaha bulshada dhexdeeda inta ugu badan waxa lagu xaliyaa arrimaha dhaqanka (local arbitration), taasi oo u baahan in aad in badan ku soo dhex jirtay, dad badana u soo kala qar naqday.

Muuse Biixi Cabdi waa nin aad u yaqaana dhaqanka reer Somaliland miyi iyo magaalaba, kana soo qayb qaaatay dhammaan shirarkii dib u heshiisiinta dalka sida shirkii Baligubadle (Guddoomiyaha shirka) Burco, Borama, Hargeysa iyo Sheekh.

Dhinaca kale Murashaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro waxba kama yaqaano dhaqanka reer Somaliland mid miyi iyo mid magaala toona, waligiina geed gar Soomaali lagu qaadayo ma fadhiisan, kamana qar niqin.

Dhammaan shirarkii dib u heshiisiintana Mudane Cabdiraxman Cirro midna kama soo qayb galin inkastoo wakhtigu u saamaxayay sida shirkii Burco, Hargeysa, Sheekh, Boorama iyo Baligubadle.

Dhinaca dhaqanka dadka Mudane Cirro yaqaanaa, waxa la sheegay in uu waagii uu Ruushka joogay, aad ugu fogaaday mabaadida shuuciyada ee Diin ka cararka ah.
Guntii iyo gabagabadii si walba dhaqanka iyo dal aqoonimadaba waxa kaga fiican murashaxa Waddani, Murashaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

 

WQ: Maxamed Dahir Axmed