Maanta oo taariikhdu tahay 5ta June 2017 waxa daafaha dunida laga xusayaa Maalinta Deegaanka Adduunka. Waa maalin ay Qaramada Midoobay u astaysay dhawrista iyo daryeelka deegaanka sannadkii 1974. Mareegta Caalamiga ah ee loo sameeyey xuska maalintan ayaa lagu daabacay farriintan:
“Waa Maalintii Deegaanka Adduunka. Dibedda u bax oo muuji in aad la jirto deegaanka. Qaado hawo qurux badan, xusuusnowna in dhawrista fayoqabka deegaanku ka dhigan tahay dhawrista fayoqabka nafaheena.”
Haddaba, waxaanu jeclaysanay in munaasibadda Xuska Maalinta Deegaanka Adduunka aanu mar kale idinkula wadaagno maqaal uu kal hore Bandhige ku baahiyey Xasan Maxamuud Cabdi “Xasan-Burco”, maqaalkan oo ku habboon farriinta ay dadweynaha dunidu maanta is dhaafsanayaan:
Socdaalkii lugo-baxsiga
Jawiga guud ee deegaanka aan saaka ku suganahay waa mid aad u qurxoon oo uu wehliyo rays, neecaw qabow iyo udug. Waa dareen degenaansho oo naftu si wayn ugu xasili karto. Waqtigu waa goor barqo ah, goor-sheegtuna ku beegan tahay abbaaro tobankii subaxnimo. Waa subax ka dhalatay habeen roobabka karantu ay si maashaysan uga da’een deegaankan kuwaaas oo lahaa hillaac, onkod iyo dhibco xanbaarsanaa biyo mug badan kuwaas oo badanaa lagu yaqaano roobabka karanta ee ka da’a deegaanadda galbeedka dalkeena. Dareennada ka dhashay dabeecaddan Rabbaaniga ah ee aan kala kulmay socdaalkaygan ayaa igu dhaliyay in aan qoro maqaalkan.
Goobtu waa Boorama, figta sare ee buur dhinaca galbeed kaga toosan buuraha yaryar ee ku caan baxay Faarax-yood. Ma aha buur sidaas u sii dheer sida buuraha waawayn ee deegaankan ee Saw iyo Shar-laga-naadi. Haseyeeshee waa mid inteeda ku dheer. Waxaa bidhaan fog iiga muuqda muuqaalka qurxoon ee magaalada Boorama iyo buuraha ku wareegsan.
Waa kaligay, cidi iguma lamaanayso goobtan saaka. Waxaan magaalada uga soo baxay in aan sameeyo lugo–baxsi saacado kooban ah si aan u kala bixiyo muruqyada jidhkayga, garaaca wadnahayguna u gaadho heerka caadiyan jidhka bani’aadamku u baahan yahay taas oo aan ii suurto galin inta badan marka aan ku suganahay magaalooyinka dhexdooda . Marmar ay ka fursan waydo mooyaane ma raaco mana isticmaalo gaadiidka la raaco iyo saddex-lugoodlayda waayahan ku soo korodhay gaadiidka dadwaynaha laga isticmaalo afka qalaadna loogu yeedho magacyada Bajaaj ama Tikta.
Aniga oo og in lugayn la’aantu tahay arrin dhinbaato caafimaad ku haysa bulshadeena siiba inta kor u dhaaftay marxalada qaan-gaadhka oo ay haleelaan xaaladdo caafimaad-xumo kuwaas oo ka cawda cuduro badan sida macaanka, dhiig-karka, beer-subagowga, lafo-xanuunka, murqo xanuunka iyo ragga oo yeesha calool ayaan maanta go’aansaday in aan socodkan gaaban ugu baxo magaalada dhinaceega waqooyi.
Meel aan sidaas iiga durugsanayn waxan ka arkaa dhul kala sarrayn qurxoon leh oo ka turjumaya dabeecadda dabiiciga ah ee Ilaahay u sameeyay deegaankan. Waxaa iyana soo-jiidasho iyo il-qabad wanaagsan leh buuraha is haysta ee kaga gadaaman magaaladan dhinac walba.
Midabka cirku waa buluug, dhulkuna waa cagaar, buuruhuna waa buluug madow-xigeen ah. Biqilka beeraha ee ii muuqda si gaar ah ayuu ii xiiso-geliyay iina soo jiitay. Codadka shinbiraha ee kala duwan laxankooda macaan waan hubaa in ay soo jiidan lahaayeen qof kasta oo sidayda halkan maanta iman lahaa.
Dad badan oo reer-magaal ah ayaa hubaashii ka qatan dabeecadda Rabbaaniga ah ee Ilaahay ku manaystay dhulkeena hooyo kuwaas oo ay qani ku yihiin deegaanadda ka baxsan magaalooyinka gudahoodu sida beeraha, buuraha, dooxooyinka, xoolaha, ugaadha, shimbiraha, badda iyo qaar kale oo badan. Waxaan qabaa in ay jiraan tiro badan oo waligood aan indhaha saarin baddu siday u eeg tahay marka laga reebo in ay ka arkeen telefishanka.
Waxaan ku soo gunaanadi lahaa talo yar oo ah “dadkaygow nafta ka saara diiqadda iyo cidhiidhiga ka dhasha nolol-maalmeedka magaalada sida; buuqa dadka iyo kan gaadiidka, diqawga hawada iyo deegaanka kuwaas oo aan u fiicnayn maqalka iyo araggaba. Nafta ku soo nasi meelaha ka baxsan magaalooyinka!