Weli Xaawow, dhaliishaada ood aqbashaa dembi maaha, ee waxa … (WQ: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud)

 

Waxaan maanta oo ah June 5, Isniin, ka dhegaystay Shabakaddaha  Warbaahinaha Maxaliga ah nin la yidhaahdo Xildhibaan WELI XAAWO oo aad u durayay hadalkii Wasiirul-dawlaha Cafimaadka Mr. Maxamuud Aadan Jaamac  ee ku aadanaa inay wasaarad ahaan dhaliil ku leeyihiin sidii ay uga jawaabeen Shuban biyoodkii haleelay shacabka reer  Burco, oo uu Wasiirul-Dawluhu sheegay inay ka gaabiyeen doorkii laga filayay, isagoo arintaana raaligelin ka siiyay shacabka reer Burco ee dhibaatadu haleeshay. dhab ahaantii, hadalkaas Wasiirul-dawluhu wuxuu ahaa mid runta iyo xaqaaiqa ku qotomay, marka laga hadlayo sida ay wasaaradda Caafimaadka ee heer qaran ula jaanqaaday bilowgii dhibaatada, oo ahaa xilligii ugu haboonaa in la xakameeyo, iyadoo ku wajahday hanaan ay ka muuqatay habacsanaan, xilkasnimo darro, iyo dareen la’aan masuuliyadeed, marka arimahan la eego, wasiirul-dawluhu wuxuu uga hadlayay sidii ugu miisaanka weynayd, ugu hufnayd ee nin masuul ah oo wadani ah, oo damqasho masuuliyadeed ku jirtaa u hadli lahaa, amaan iyo qadarin balaadhana wuu kaga helay shacabkiisii dhibaataysnaa, soomaalidu waxay tidhaahdaa, NIN DHAAWAC GAYSTOO, DHAYAYAA MA LIITO, oo ah inay wax weyn tahay in masuuku aqbalo dhaliilihiisa, isla markaana ay qayb weyn  ka tahay bisaylka madaxtinimada, Asalkabana, marka masuulku dhaliilaha uu leeyahay aqbalo ayuu sixi karayaa qaladkii ka dhacay oo waxtari karaa, laakiin inta uu weli ku diil-baxan yahay gefkii ka dhacay ee uu dafirsan yahay, noloshiisu guul ma leh.

Markaas, waxaan leeyahay, Xildhibaanka hadlayoow, Goor ma ayay denbi noqotay masuul qirtay, ama aqbalay dhaliil uu leeyahay, waxaanu ku leenahay Wasiirul-dawlaha caafimaadku wuxuu siyaasadda iyo habka hogaamineed/madaxtinimo ee dalka kusoo kordhiyay wax ugub ah oo aan dhaqanka siyaasadeed ee Soomaalida horey loogu arag, oo ah inuu aqbalay dhaliilaha ay dayacii dhacay ku lahaayeen ka wasaarad ahaan,, waanu ku mahadsan yahay, adiguna, maadaama, aad tahay wakiil shacabka dhibaataysan metela, inaad wasiirul-dawlaha hambalyayso ayay ahaydeen, ee may ahayn inaad tidhaahdo wax halaga qabto, waanadd ku degdegtay, ee isaga iyo Shacabkaba raali gelin ka sii hadalkaagan baan ku leeyahay, haddii inuu damiir nooli kugu xadfan yahay.

Gunaanadkii, waxaan ku leeyahay, WELI XAAWOOW, Dhaliishaaada oo aad aqbashaa denbi ma ahan, ee waxaa Doqonimo ah inaad guuldaraddaada aqbali weydo, ee arintaas naftaadu ha baraaktiis garayso, Wasiirul-dawlaha ka baro bisaylka  iyo aqoonta uu u leeyahay hanaanka dawladnimada wanaagsan, oo ah inaad aqbasho dhaliishaada, raali gelina siiso dadkaaga markastoo khalad kaa dhaco, illeyn binu-aadam ayaa la yahay oo wax kaa xumaada marnaba ma waayayside, Wasiirul-dawlahana waxaan leeyahay HAMBAL, HAMBALYO, HAMBALYO, wax cusub ayaad ku soo biiray habdhaqanka siyaasadeed ee dawladnimada Soomaaliland’e.

Wa Bilaahi Towfiiq.

Qalinkii: Xuseen-Lucky Maxamed Maxamuud

Burco, Email, husseinlucky@hotmail.com