Waxaa muddo toban maalmood ahi ka hadheen ololihii doorashada Madaxtooyada oo waddanka ka qabsoomaysa 13 bishan November, iyadoo oo kanbaynka doorashadu yeeshay mid xanaf iyo xajiinba leh.
Inkastoo Sheekh iyo Shariifba lagu baaqaayey in ololuhu noqdo mid hoggaamiyayaasha xisbiyada ay muujiyaan masuuliyad, waxaa dhacay inuu gaadho marxalad adag oo dadka qaar walaac ka qabaan wareegyada hadhay.
Bishii October ee lasoo dhaafay, waxaa Somaliland ka qabsoomay dood loo qaybtay lixda Murrashax ee u baratamaya jagooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka, doodaasi waxay Somaliland u soo jiiday sumcad tusmaynaysa taabo-galka dimuqraadiyada Somaliland. Waxaan amaanayaa dhallinyaradii mutadaciwiciinta ahaa ee soo qaban qaabiyey doodan.
Saddexda xisbi qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID waxay samaysteen barnaamijyo siyaasiya oo ay ugu talogaleen inay ku kasbadaan codbixiyayaasha doorashada Madaxtooyada Somaliland oo tiradoodu dhan tahay 704,089 codbixiye, hasa yeeshee barnaamihyadaasi waxay u muuqdaan kuwo ay iloobeen Musharraxiinta u loolamaysa Madaxweynaha shanaad ee shacabka Somaliland dooran toono 11 cisho kadib .
Xisbiyadu waxay ku beddeleen barnaamijyadoodii siyaasiga ahaa yooyotan madhalays ah iyo aflagoodoyin qaawan oo ay isku dhaafsanayaa fagaarayaasha iyo qalabka warbaahinta.
Talaabadan guracani waxay dhalisay in kaadiriinta xisbiyadu ay murrashaxintooda u soo alifaan dacaayado raqiis ah oo laysku eedaynayo in midnimadii Soomaaliweyn iyo colaado .
Waxaa warbaahinta iyo baraha bulshada qabsaday waraaqo been abuur noqday oo u muuqda in lagula dagaalamaayo murrashax xisbi, halka murrashaxii la eedeeyayna uu qod-qoday boogo iyo colaadihii hore dalka ugu dhacay ee laga bogsaday, taas oo qasdigeedu yahay in iin Siyaasadeed lagu yeelo murrashax ay miidaanka si nadiif ah ugu kala bixi lahaayeen. Waxaa la iskugu faanay qaab xaqiraadi ku jirto.
Ololaha doorashada ka hor, waxaa taageerada xisbiyada ku kala qaybsamay bulshada Somaliland guddo iyo dibedba,taas oo tusaale u ah xamaasada iyo xafiltanka xisbiyada Kulmiye iyo Waddani.
Hadallada laaqiga ah ee murrashaxiinta tartamaysa, waxaa uga sii daray Madax dhaqameed iyo Siyaasiyiin awr-kiraale ahaan loo adeegsaday inay badhi-taaran murrashax xisbi, mid kalena ay galdaloolo u sameeyaan.
Sidoo kale, waxaa doorashada facaa’ilka taban kor u qaaday qabyaalada oo maraysa heerkii u sareeyey, markii xisbiyada Kulmiye iyo Waddani ay siyaasadooda olalaha ku saleeyeen hanaan beeleed.
Saddexda murrashax Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe, waxaa la gaadhay xilligii ay ka hadhi lahayeen hadallada naxliga abuuraya ee bulshada dartood u kala qaybsamay sii kala fogaynayaa. Ummadda waxa looga fadhiyaa inay dhaqankoodii dabiiciga ahaa la yimaadaan oo ay ku faro adaygaan nabadgelyada dalka oo ah hantida u weyn ee rubuc qarni raasaamaalka inoo ahayd.
Waxaa horyaala inay ummadda u iftimiyaan mid walba waxa uu ka qabanaayo adeegyada daruuriga ah oo ay guri-guri ugu qaybiyaan nuqulada barnaamijyadoodii siyaasiga ah oo aanay bulshadu ka wada bogan.
Waa amintii uu murrashax kastaa faagare ka caddayn lahaa in uu u hoggaansamaayo natiijada codbixinta haddii laga guulaysto.
Waana in ay ka hadhaan ceeb iyo cay ay u soo jiidaan Jamhuuriyadda Somaliland oo ummad ahaan ah dhiigooda ay ku talaalan tahay dimuqraadiyadu. Waxaa doorashadan markhaati ka noqon doona 60 goobjooge oo caalamiya oo ka kala imanaya 24 dal, kuwaas oo hordhacoodii toddobaadkii hore soo gaadheen Hargeysa. waxa sababay in goobjoogeyaashii ugu badnaa ka soo xaadiraan doorashadan ayaa u baahan in la taxliiliyo.
Cumar Maxamed Faarax
Cumarmfaarax@hotmail.com