Murti Laga Reebay Dad Maangal ah, Q.1aad (WQ: Cali Cabdi Coomay)

=” Dadku waxa ay igu soo tuurayeen  dhagaxaan nooc kasta leh, muddadii aan halgan  ku jiray, kamaan se fal-celin shiidkii igu dhacayey, laakiin waan ururiyey dhagaxaantii oo guri ii gaar ah ayaan ka dhistay”. Mahatma Gandhi

= “Xasilloonida nafta iyo caafimaadka marka toban meelood loo qaybiyo sagaal ka mid ahi wuxuu ku jiraa aamusnaanta qofka, halka lambarka keliya ee soo hadhay uu yahay ka fogaanshaha fadhiga foosha xun ee aad la wadaagto dadka uu caqligoodu yar yahay”. Cali Bin Abii Daalib.

= “ Xaaskayga ayaa I weydiisay: waa maxay farqiga u dhexeeya aniga iyo cirku? Dabadeed waxa ugu jawaabay: marka aad qososho ama in yar aad ii dhoollacaddeyso gebi ahaanba waa illoobaa quruxda cirka, waayo aragayga oo dhami adiga ayuu wakhtigaasi ku eegayaa”. Nizer Tawfiq Qabbani

= “ Qofka u malaynaya in uu noloshiisu ay ka nabadgelayso dadka carrabkooda, kaasi waa qof waalan oo aan habeen jirin: Ilaahay ayay yidhaaheen laba Ilaah ayuu saddex ku yahay, Nebiga ‘sc’ ayey ku sheegeen nin been badan oo sixiroole ah. Markaa ma kula tahay in aad adigu ka nabadgelayso hadalladooda qurracan? Cidna ha u joojin ee waddada alle hayso, taasi ayaa la hubaa in aad ku badbaadayso”. Imaam Shaafici.

= “ Dhiillada colaadda iyo hurinteeda, qaylada, beenta, kicinta iyo mashuuraca laysku laynayo intabu waxa ay ku bilowdaan dad aan dagaalka gelin, waxaana ku naafooba ama naftooda qaaliga ah ku waaya shakhsiyaad kale oo si khaldan waxa loogu sheegay iyaguna aan ka fiirsan”. George Orwell.

= “ Ixtiraamka dadku waa tarbiyad wanaagsan ee maaha wax ay diciifnimo kuu geysay, sidoo kale cudurdaarka ay naftaadu samaysaa waa hab-dhaqan wanaagsan oo aad u sarreeya ee maaha mid baqdini kaa keentay”. Henry Ford

= “ Japan waxa lagaga adkaaday dagaalkii labaad ee Dunida, waxaana loo geystay burbur aad u xooggan sidaasi oo ay tahayna muddo ka yar konton sanno, waxa ay caalamka intiisa kale kaga aargoosteen aqoon iyo farsamo aad u sarraysa. Halka dawladaha qaar ay madaxdooda, shicibkooda, aqoonyahankooda iyo cuqaashoodu ay ku mashquulsan yihiin in ay qabiilkooda is-weydiiyaan ama had iyo jeer ku murmaan deegaankaan yaa iska leh oo asal ahaan ugu soo horreeyey iyada oo baaxadda dhulku uu ku filan yahay dadkooda oo dhan haddii si nabad ah loogu noolaado”. Farouk Al Kasim.

= “ Qofkii la socda koox dad ah ma gaadho meel ka fog meesha ay kooxdiisu tagto, laakiin qofkii lugeeya keligii wuxuu fursad u haystaa inuu naftiisa gaadhsiiyo meel aanay cid kale gaadhin isaga ka hor”. Albert Einsten.

= “ waxaan eegaa buugaagtayda mararka qaarkood, waxaan u tixgeliyaa sida carruurta oo kale, madaxooda waan ilaaliya, sanka waan ka nadiifiyaa, waxaan u diraa adduunka dacalladiisa aniga oo hadafkaygu yahay bal in ay iftiin, xaddaarad iyo aqoon ku soo kordhiyaan kuwa wakhtigooda qaaliga ah ku bixiya akhriska noocayad kala duwan ee buugaagta si ay u kobciyaan maskaxdooda” Richard Templar.

= “Marka aad sirtaada uga warranto qof kale waxaad haddiyad u siisay waranka uu kugu soo tuuri lahaa maalin maalimaalaha ka mid ah” Socrates.

= “ Dagaalku waa isku dhac u dhexeeya dad aan midba midka kale garanayn iyaga oo ka duulaya danaha dad kale oo aqoon buuxda isu leh isla markaana aan rabin in midood uu midka kale dilo” Paul Valery.

= “ Qofka cabsida badan waxa uu fursad kasta u arkaa mid adag oo aan sahal looga gudbi Karin, taasi oo sababta in uu qofku hakado isaga oo aan u badheedhin dhibka iyo dheefta toona, halka shakhsiga geesiga ah ee go’aan qaadashada lehi uu jaanis u arko wax walba oo adag ilaa uu ku guulaysto” Winston Churchill.

= “ Tusaale kasta oo mihiim ah oo aad hadalkaaga ku soo qaadato, aragtidaad ku qeexo, dareenkaaga ku gudbiso, rabitaankaaga ku cabbirto, ama aad ficilkaaga ku muujiso, waxa kuu fahmaya oo qudha qof soo maray xaaladdaada ama mid saa’id kuu jecel oo aad naftiisa ku weyn tahay” Naguib Mahfouz.

= “ Waddan kasta oo ku tallaabsada horumar dhaqaale, mid nabadeed, iyo waxbarasho intaba waxa tiir u ah helitaanka saddex waxyaabood oo mihiim u ah jiritaanka bulshada: – Beeraley dalagga abuurta si mujtamaca loogu quudiyo loona dhoofiyo waxa soo saarka dalka. – Askari daacad ah oo ilaaliya qaranka kana shaqeeya nabadda iyo xasilloonida shicibka. – Macallin tarbiyeeya ardayga si mustaqbal fiican loogu diyaariyo jiilka cusub ee waddanka u soo baxaya” Gibran Khalil Gibran.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

La soco…………………………