Imaaraadka ayaa markii koowaad bixin doona jinsiyadda muwaadinimo

Ra’iisal-Wasaaraha Imaaraadka Carabta ahna maamulaha Dubai Sheekh Maxamed bin Rashiid Al Makhtuum ayaa shaaciyey in xukuumaddiisu ay markii koowaad ansixiyey sharci oggolaanaya in qof aan u dhalan Isu-Tagga Imaaraadku uu noqon karo muwaadin Imaaraati ah.

Muwaadinimadda ayaa loo oggolaan doonaa dad khaas ah oo nacfi u leh dalka kuwaas oo ay ka mid noqonayaan maalgashadeyaasha, saynisyahannada, injineerada, dhakhaatiirta, qoreyaasha iyo abwaannada iyo waliba qoysaskooda.

Waa markii koobaad ee dawlad ka tirsan Khaliijku ay oggolaato in qof aan asal ahaan mandaqaddaas u dhallan uu noqon karo muwaadin buuxa. Waxayna tani iftiiminaysaa in dalalka Khaliijka ay mid waliba siyaasaddeeda gooni u wadato ayna meesha ka baxayaan waxyaabo badan oo markii hore Khaliijku ka sinnaa sida bixinta muwaadinimada oo aan la oggolayn marka laga reebo Sucuudiga oo bixin jiray muwaadinimo nooca loo yaqaan taabici ama “second class citizen”, af-Soomaali ahaana ku noqonaysa muwaadinka derejada labaad.

Dawladda Gadar ayaa iyaduna dhawaan oggolaatay in dadka khuburada ah ee dalkeeda ka shaqeeya ay siin doonto deganaanshaha dalka uu muddadiisu aad u dheer tahay ama daa’im ay tahay, balse aan gaadhsiisnayn heer muwaadin.

Tallaabooyinkan ayaa muujinaya in kala-qaybsanaantii siyaasadda ee Khaliijka ay faa’iidadeedu noqotay furfurnaan dhinacyo badan ah.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah