Xisbiga Kulmiye ayaa maanta shaaciyey murashaxnimada Cabdiraxmaan-Soltelco

Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa maanta kulan-wadareed si weyn la isugu yimid ku shaaciyey in Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid “SOLTELCO” uu mar kale u sharaxan yahay golaha deegaanka ee magaalo-madaxda Hargeysa.

Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa ay soo ifbaxday in uu Cabdiraxmaan mar kale sharaxan yahay. Waxayna dadku u fahmeen in musharaxnimada Cabdiraxmaan aanay ahayn oo kali ah Gole deegaan balse uu rabo in uu sii xejisto kursigiisa maayarnimada.

Haddii la doorto doorashada la qosheeyey in ay qabsoonto 31ka May waxa kor u kacaysa fursadda uu Cabdiraxmaan mar kale maayar kaga noqon karo Hargeysa in kastoo ay jiraan musharaxiin kale oo iyaguna kursigaas hunguri kaga jiro dedaalkooduna uu haddaba muuqdo.